GUUSHA GAAR W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

ali

GUUSHA GAAR

 

Bani Aadanku wuxuu leeyahay, han iyo higsi, uu ku taamo, in uu gaaro, wuxuuna raadiyaa waddo uu ku xaqiijiyo yoolkiisa. Fikirkaasi inta badan Addanaha way ku wada jiraan – inta caafimaadka qabta- waana taas midda uu Rabbi Aadanaha kaga sarreysiiyay noolaha kale.

Si ay u guuleystaan, dadku waxay maraan waddooyin, mararka qaar aad u ka la fog, qofina in ayuu uga gun gaaraa yoolkiisa; mid waqti gaaban ku xaqiijiya ujeedkiisa iyo qof ay muddo dheer ka qaadato, ka miradhalinta guushiisu.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira habab la tijaabiyay, oo uu qofku guushiisa ku gaari karo, haddii uu sameeyo, waxaana ka mid ah:

  • HIMILO CAD

Halkan waxaa muhiim ah, in aad yeelato hadaf iyo meel aad higsaneyso; horay waxaa loo yiri: ma lumo qof aan garaneyn meesha uu u socdo! Way adagtahay, in aad higsigaada gaarto, haddii aad rabto, in aad guuleysato, ha yeeshee, yoolku kuu calaameysnayn, kuguma filna oo kali ah, in aad guuldoon tahay, ee waxaa laga ma maarmaan ah, in uu kuu cadyahay waxa aad dooneyso, in aad ka guulgaarto.

  • HIMILO WAQTIYEYSAN.

Waxaa loo baahanyahay, in aad si taxadar leh, oo qorsheysan u waqtiyeyso, xilliga aad jeceshahay, in aad rejadaada uga miradhaliso. Waxaa la ma huraan ah, in haddii xilliga aad qorsheysatay uu hadafkaadu kuu hirgeli waayo, aysan taasi kugu xambaarin, in aad quusato. Waxaad u baahantahay, in aad waqti kale siiso, weliba adiga oo waayihii ku dhaafay wax ka baranaya, dadaal dheeraad ahna gelinaya sidii aad u guuleysan lahayd. Ogow ma aadan guuldarreysan, inta aad weli is ku day waddo, ee waxaa dhimman waqtigii guusha.

 

  • KALSOONI NAFEED

Kalsoonida naftu waa in qofku uu dareemo, qiimaha ay naftiisu leedahay, marka loo eego waxyaabaha ku hareeraysan. Marka uu wax qabanayana waa in uu adeegsadaa awooddiisa, caqligiisa iyo maskaxdiisa.

Kalsoonida naftu waa mashiinka u dhaqaajiya qofka xagga horumarka. Waa in aad naftaada u aragtaa: mid wax soo kordhin karta, aqoon iyo karti leh, qiimo iyo micno wayna ugu fadhisa adiga iyo bulshadaada. Si aad u xoojiso kalsoonida naftaada, waxa kugu habboon sidan:

  1. Xusuusnow guulihii aad horay u gaartay.
  2. Dadka wanaagsan ku dayo.
  3. Ha ka baqin guuldarrada, hana niyadjebin.
  4. Si wanaagsan u feker.
  5. Wax fiican saadaali.
  6. Naftaada la heshii.
  7. Dhiirranoow 
  • WAQTIGAADA MAAREE

Maskaxda iyo maanka ku hay, in waqtiga aynaan beddeli karin; ma kordhin karno mana yareyn karon. Qof kasta oo Aadane ah waxaa la siiyay 24 saac maalin kasta, waxaase aad u ka la fog sida aan saacadaheenna u maareyno. Xisaabta ku darso, in qorsheynta waqtigu ay u baahan tahay: la qabsi, xirfad, tababbar iyo agab.

Haddaba, si uu waqtigaadu u noqdo mid micno weyn leh inta aad nooshahay, waa in aad ku dhaqaaqdaa tallaabooyinkan:

  • Qodobey howlaha aad dooneyso, in aad ku guuleysato.
  • Isu raacsii hadba, sida ay isugu jaad yihiin.
  • U ka la horumari, sida ay kuugu ka la muhiimsanyihiin.
  • Howlaha waxaad u ka la saartaa: arrimo degdeg ah, ha yeeshee, aan muhiim ahayn, arrimo muhiim ah, balse, aan degdeg ahayn, arrimo aan degdeg iyo mihiim toona ahayn iyo kuwo muhiim ah is la markaana degdeg ah.
  • Is ka ilaa dib u dhigista, horay waxaa loo yiri: “dib u dhigistu waa tuug!” tuuggaasina waxa uu xadaa waqtiga. Sidoo kale, is ka ilaali tuugada kale ee waqtiga xadda, oo ay ka mid yihiin: Internet ka, TV ga iyo saaxiibbada xun.

Ma ahan in aan NET iyo TV loo baahnayn, balse, xakamee, oo in kugu filan daawo ama adeegso, balse, ha ka dhigan camal dulfadhigiisa ama daawashadiisa.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Facebook: Abdulkadir Ali

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN