Guushu waa abaalmarinta ruuxa halgamaaga!WQ: Hassan Mudane

Guushu waa abaalmarinta ruuxa halgamaaga!

Waxaad ku dhex nooshahay qarni nolosha adduunyo lagu jaan gooyo maaddo. Bal eeg! Hadaad sabool tahay ama aadan ahayn guulayste magac leh waxaad arki doontaa in aysan cidna dhowri doonin shakhsiyadaada iyo sharafkaaga, balse hadaad tahay shakhsi hanti u saaxiiba ama magac iyo xirfad u saaxiiba waxaad arki doontaa iyada oo ay dadku kuu sacbinayaan kuuna adeegayaan. Haddase, sababtu maxay tahay?

Bal adiguba garo sirta ku jirta guushii Michael Jordan oo ahaa shakhsigii ugu xariifsanaa ciyaaraha kubadda kolayga ee dalka maraykanka, wuxuu mushahar ahaan u qaadan jiray sanadkiiba in kabadan 15 milyan oo doollar. Ma kula tahay in uu ku gaaray heerkaas meel fadhi? Michael Jordan wuxuu yiri “In badan ayaan ku fashilmay oo ku fashilmay socdaalkii noloshayda taasina waa sababta aan u guulaystay.”

Bal eeg! Mo farah waa shakhsi ku soo caan baxay ciyaaraha oroddada kuna guulaystay bilado badan waana nin nolosha ka soo bilaabay meel hoose illaa uu ka gaaray derajo sare wuxuuna noqday xiddig sharaf weyn usoo jiiday dalka ingiriiska balse adiga iyo Mo farah maxaad ku kala duwan tihiin? Ma isleedahay meel fadhi ama xaglo laaban ayuu ku gaaray guusha? Ma waxay kula tahay in guusha ay iska timaado iyada oo aan loo halgamin? Kolaytaba waad dhiman doontaa ee ha dhiman adiga oo saboola, gaajaysan oo guul darraystay balse ku dhimo gobannimo iyo guul. Adduunyadan aad ku dhex nooshahay waa adduunyo ku dhisan socod wax walba waxay ku jiraan hannaan socod dheer waxayna la socdaan waqtiga. Ahmed shawqi wuxuu leeyahay xikmad aad u muhiim ah taas oo ah “Himiladaada laguma gaaro rajo balse waa loo halgamaa.”

Waxaan rabaa in aan ku baro xirfad yar oo hadaad adeegsato aad ku liibaani doonto eebbe idinkiisa. Soo iibso buug yar oo jeebkaaga qaadi kara kuna qor jawaabta su’aashan: waa maxay waxa aan doonayo in aan xaqiijiyo mustaqbalka fog? Kadibna hoosteeda ku qor oraahdan:Haddii waxa aan doonayo in aan gaaro ay dad horay u xaqiijiyeen aniguna waan xaqiijin kara balse haddii aysan jirin dad horay u xaqiijiyay waxaan noqon doonaa qofkii ugu horreeyay ee xaqiijiya.

Haddaba, akhriso oo ku celcesho waqti walba oo aad fursad u hesho akhrinteeda. Ogowna haddii aadan isku akhrin maalin walba himiladaada ugu dambeyntii waxay isku beddali doonaan rajo, rajaduna waxay calaamad u tahay qofka aan jamasho lahayn.

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraaga: Buugga Sirta Guusha

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

SHEEKOOYIN