Gu’yaashii Gobdoon (AUN) W/D: Yusuf Garaad

Keydka Gobdon 5 His office at Villa Somalia

Gu’yaashii Gobdoon (AUN)

 

Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Keydka Gobdon 7 - Xafiiskiisa Madaxtooyada 1974Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.Keydka Gobdon 6 - Siyaad iyo Gud. Dhall. Ad nabadda jecel 1971

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.Keydka Gobdon 8 - VOA Washington 1983

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.Keydka Gobdon 4 - Xaramka

Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan aniga iyo isagu ka wadaqeyb qaadannay waxay ahaayeen qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015, iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay.keydka Gobdon 1

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka soo jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo in uu ku dhowdhowaa xerta iyo suufiyadda.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Keydka Gobdon - 14 al IthneynSawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay.
abdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay

Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxwe
Keydka Gobdon 9 - Kormeereyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.

Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyih
ii Ururka Dhalinyarada aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo w
akhtigaas ahaa waryah
a gaarka ah ee Jaalle Siyaad Barre. Taariikhdu waa 1975.
Waqtigaan waxaan wareeysi ka Keydka Gobdon 2qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976 goobtuna waa Addis Ababa
Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.

Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay madaxda VOA in la sam eeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983. Keydka Gobdon 12 - Kubbadda Miiska

Waa WAR-SIDE (Journal) ka soo bixi jiray magaalda QUBRUS magaciisana la yiraahdo

(الا ثنين ) ama AL ITHNENYN waxuuna iga wareysanayay asaaskii TVgii qaranka ee hawada galay 1983.

Waxaan Mar dhaw bulshada Soomaliyeed u soo gudbin doonaa Buug aan ka qoray Aabbaheey Xaaji Maxamed Gobdon iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Aabbe ay saaxibbada dhaw ahaayeen sida: Sh. Macallin Nuur, Sh. Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye, Sh. Maxamed Cali Maye, Shiikh Cali Cusmaan Naalleeye iyo Culimo kale oo bulshada Soomaaliyeed ku weyn. Bugga waxaa lagu magacaabaa Agoonkii Cabsida Alle Dugsaday. Qormadiisii Labaad (Second Edition).  Keydka Gibdon -11  Xeeb Soomaaliyeed oo aan Liido

Waxaa sharaf inoo ah in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweyno Madaxweynaha Dalka JABUUTI Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hiildoonka Afka Hooyo iyo Xasilloonida Dalkeenna.

 

W/D: Yusuf Garaad

SHEEKOOYIN