Ha aaminin eray kastoo lagu yiraa
Waxaa Ammin hore deegaan ka mid ah dhulka soomaalida ka jiray nin la yiraa Carraale oo Geesi ah, laguna yaqiin deeqsinimo,talo wanaag iyo hoggaan wacan,Carraale waxaa dhowr jeer loo soo sheegay wiilka ay dhashay Walaashiis in uu Doqon yahay, Carraale oo dadkiisa ku weynaa, kuna caanbaxay Geesinnimo iyo karti dheeraad ah loo yaqaan waa u dul qaadan waayay farriimaha kaga imaanayo dhanka wiilki uu abtiga u ahaa.
Carraale waa soo qalab qaatay,si uu hubsado Run iyo Been midda ay tahay Arrinka ka soo gaarayay dhinaca wiilka walaashiis dhashay, kumana diirsan,wuxuuna go’aansaday in uu booqasho ku tago deegaanki ay yaaliin wiilki uu abtiga u ahaa, balsa amar Allah dartiis inti Carraale uu socdaalka ku jiray waxaa jidka kaga hory-yimid wiilki walaashiis oo isagana u soo baxay inuu salaan ugu tago abtigiis ,looguna sheegay in Abtigiis uu yahay geesi,deeqsi, halyeey ah, Tala wanaag iyo garsoore iyo geed fadhi lagu soo hirto hoggaan wacnaantiisa.
Laysma yaqaan labada nin,horana laysuma arkin,maqal xumo iyo maqal wacnaan maahine,Abtiga waxaa dhegahiisa dhawr jeer lagu dhibciyay in wiilka ay dhashay walaashiis uu doqon yahay ,halka wiilka uu maqlay in abtigiis uu yahay Geesi ay dadkiisa horseed u ah kana dambeeyaan.
Labadoodi waxaa laysaga horyimid meel dhaxe oo u dhaxeyso labada deegaan oo ay kala yaaleen labada reer oo ay ku abtirsdaaan wiilka iyo abtigiis, mid waliba wuxuu saaran yahay Faras qurux badan ,qalabki dagaalkana waa u x dhan yahay, Haybad iyo higil wanaagna waa ka muuqdaa mid walba,waa la is bariidiyay kolkaas ayaa Abtigi(Carraale) oo dareen galay in wiilkan ka hor yimid uu leeyahay sifooyin uu isku yaqaan iyo inuu si ugu muuqaal egyahay muuqaal ahaan,heybad weyna ay ka muuqato sidiisa Wiilkan ka hor yimid,wuxuuna durbaba is-bariidan keddib wiilkan jidka uga soo baxay ku yiri isaga oo Farta gacantiisa kor ugu tilmaamayo”Haaddaa bal eeg” , Markaas ayaa wiilki ugu jawaabay isaga oo meel ku aadan calooshiisa gacanta ugu tilmaamayo , “adiga haaddaan arag”” oo uu ula jeeday Tooreyda uu xiran yahay,madaxana uu ka qabsaday si haddii ay Qatar ka timaado ninkan uu isaga difaaco .
Kolki intaas lays dhaafsaday ayaa Carraale oo ahaa nin caqli badan ,wuxuu wiiki ka hor yimid ku yiri “Wiilyahow ma Carraale Ciire ayaa abti kuu ah ,Wiilkina inta uunan ka jawaabin su’aasha ninkan ayaa waxaa galay dareen culus iyo in ninkan ka hor yimid uu leeyahay sifooyinka loogu sheegay inuu Abtigiis leeyahay ,wiilki wuxuu ku jawaabay “haa Carraale oo la wada yaqaan ayaa Abti ii ah” ee adiga kuma ayaad ahayd. Abtigi oo gartay in wiilka uu abtiga u yahay uunan sidi loogu sheekeeyay doqon ahayn ,kana geesnimo iyo war aqoon yareyn(aftahanimo) ,aniga waxaan ahay Abtigaa Carraale Ciire.
Wa lays aqoonsaday ,waxayna isu raaceen deegaanka abtiga ,maadaama uu Abtiga aad u doonayay in uu deegaankiisa ku war geliyo sheekadi dhax martay isaga iyo wiilka walaashiis,si dadka u bartaan,maragna uga noqdaan in aynan walaashiis dhalin wiil Doqon ah ,balsa uu wiilkeeda yahay geesi halyeey ah yahay.
Markuu deegaanka keenay, ayuu isu ballamiyey dhallinyaradii la filka ahayd, wuxuuna qalay xoola badan, markaasaa waxaa la galay, Baraten, Mid lug ah iyo mid faras ah, waxaa la galay, legdan iyo shiishtan, waxaa la galay hal xiraale dhaqan iyo mid dedan, dhinac walba waxaa la waayey nin u babac dhiga, markaasaa dadkii deegaanka ee abtiyaasha wiilka u ahaa weydiiyeen, wiilkan halyeeyga kuma ayuu ahaa, wuxuu yiri Carraale:
“ Ma maqashay wiil waa abtigiis, waa wiilkii walaashay dhashay ee aad nin liidka ku sheegteen, isagaana kun jeer iga karti badan”
Dadkii ayaa Afka gacanta saaray, hubsiimadii Carraale waxay keentay guul weyn.
Dulucda sheekada.
Qofna haku miisaamin qof kale wuxuu ka sheegay ee waxaad ku miisaantaa waxaad adigu kala kulanto, hebel waa waxaas haku qawlin adigoon arag aqoona u lahayn maqal qof kale kaaga yimid, ogoow dadku isku garasho ma wada aha, Wax walba hubso intaadan la haadi.
W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud (Siyaasi)