Ha dhayalsan awoodahaaga!‏ W/Q: Naciima Xasan Xuseen

images

Ha dhayalsan awoodahaaga!‏

 

Awoodaha uu Aadanugu leeyahay, maaha midda jirka oo qura, ee waxaa ka mid ah awoodda hawlgelinta kartida iyo ka shaqeysiinta maskaxda iyo maankaba. Waxaan halkan ku xusayaa ardayad guuleysatay dhicitaan iyo habsaamid aqooneed ka dib.

Yaasmiin waxay aheyd ardayad dadaal badan, hase yeeshee, fahamkeedu uu yara culus yahay, oo aanan durba weeleyn karin duruusta illaa ay hesho sharraxaad baaxad weyn.

Yaasmiin waxay sannado isxigo ku fashilmatay waxbarashadeedii, oo ay ku hartay fasalkii la rabay inay ka gudubto. Waxay is dareensiisay inay tahay mid aan hollin karin guul waxbarasho. Waxay ka niyadjabtay sii wadidda heerarka ka la duwan, ee aqoonta, se  waalidkeedkeeda ayaa dhexda u xirtay inaysan ka harin iskuulka.

Sannadkii xigay ayay Yaasmiin ku laabatay fasalkii ay ka dhacday, iyadoo is tusineysa inqay ka gudbi doonto sannadkan caqabadihii ay dartood uga hartay ardaydeedii hore, waase haddii ay hesho bare siiyo waxa ay tabeyso, oo u noqda saaxiib wacan oo ay ka ag dhawaato, si ay uga hesho hufnaan, hagar la’aan  iyo waliba daacadnimo.

Alle wuu u rumeeyay riyadeedii, oo waxay heshay bare ay mudda badan tabeysay.

Bareheeda cusub waxa uu odorasay xaaladdeeda, oo wuxuu gartay halka uu dhibka ka jiro. Wuxuu dareemay Yaasmiin inaysan ardayda kale ka liidanin, balse ay u baahan tahay in lagu tababbaro, inay guusheeda yagleelan karto, oo ay kobcin karto awooddeeda, kana gudbi karto caqabad kastaa oo nolosha kasoo wajahdo.

Yaasmiin iyadoo ka shidaal qaadaneysa oraahyada iyo talooyinka bareheeda ayay waxay billawday, inay dib u dhis ku sameyso maskaxdeeda Iyo maankeedaba.

Waxay go’aan ku gaartay, inay dadaal labalaab ah bixiso, macallinkeedana ka ag dhowaato; si uu u siiyo sharraxaado ballaaran iyo tusaalooyin ka la jaad ah; si uu u soo dhowaado fahamkeeda.

Illaa muddo ayay sidaas ku jirtay Yaasmiin, jeer ay ka la qabsatay casharradii, oo ay si rasmi ah u dareentay, in waddada guusha u iftiintay.

Dhowr imtixaan ka dib, Yaasmiin waxay ka mid noqotay tobanka arday, ee fasalka ugu sarreysa waafajinta Alle ka dib waxaa ammaantaa lahaaday bareheedii ku mintiday, imminkana waxay ku jirtaa ardayda fasalka ugu firfircoon niyad jab dheer ka dib.

 

Dhammaad

 

Waa hubaal kolka uu macallinku is ku arko, inuu yahay tus ummadeed, oo ka tagi kara raad iyo dhiirrin lagu taamo, dhabtii wuxuu awood u yeelanayaa, inuu isbeddel ku sameeyo wax kastoo ka weecsan waddada wanaagsan.

Waa la ma huraan bare kastaa, inuu is tusiyo halka mugga leh, ee uu bulshada uga jiro. Waa inuusan fiirsan birbirka yar ee adduunyo, waa inuuse isu arkaa haldoor mudan ku dayasho iyo hoggaan sameyn kara isbeddel toosan.

 

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN