HA GACAL SEEJINNIN GABADHAADA! W/Q: Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

HA GACAL SEEJINNIN GABADHAADA!

Muna-dheer, waa gabar dherer iyo lixaad iyo bilic asalkeed uu Eebbahay u hibeeyay. Waa 18 jir nin loo guuriyay lana doonayo in goordhow la guri geeyo, hasa yeeshee, Muna-dheer waxaa ay ka welelsan tahay oo ay cabsi aad ah ka qabtaa gudniinkii fircooniga ahaa ee sida naxariis darrada ahayd loogu soo qodbay iyo ninka la doonayo in guri loogu soo xiro oo ah mid aanay aqoon u laheyn kana da’ weyn.

Aabbaheed iyo hooyadeed oo beryahanba arkaayay, ineysan gabadhooda faraxsanayn, ayaa si toos ah u la hadlay. Hooyadeed ayaana ku tiri: “Bal kaalay maandhaay halkan soo fariiso oo nooga warran aniga iyo aabbahaaba, waxaa ku helay oo uu wejigaadu la murugeysan yahay, maad iska faraxsanaatid aroos cusub ayaadba dhowaan galeysaaye”.

Muna-dheer, waxaa ay markiiba ku calaacashay: “Hooyo aniga weligeey nin la ma soo sheekeysan, aroosna hadda ayaa iigu horreysa waana ka cabsanayaa, maxaa yeelay, waad ogtahay, sidii xumayd ee aad ii soo gudday, ninkan aad igu darteenna nin aan is jeclaannay maaha mana u muuqdo mid ii turi doono, marka taasi sow xaalad cabsi leh maaha hooyo?”.

Waa runtaa hooyo macaan, balse, waa cabsi maalmo ka dib laga gudbaayo ee waxba ha ka baqin hooyo, waxaadna ogaataa gabadheydiyeey, basbaaska inuu kulul yahay, iyada oo la ogyahay, ayaa haddana jacayl loo qabo loo cunaa , maxaa yeelay, cuntada ayuu ku jecleysiiyaa waana xanuun lala qabsado oo macaan isu roga ee hooyo gacalisooy ha na ceebeynine naag nool iska dhig oo waajibaadka seygaada si raalliyanimo ah u gudo aan kuu duceynee.

Muna-dheer oo uu madaxeeda hoos u fooraro cabsiduna ay laabteeda ku wareegeyso, ayaa ku war celisay: “Waan ogahay hooyo dumarka oo dhanba, in ay guur soo wada mareen, balse, hooyo aniga nin aanan aqoon isu laheyn baad igu darteen, taasaana welwel igu heysa”.

Aabbaheed oo sheekada dhageysanayay, ayaa ku yiri: “Aabbo guurku waa nolosha aadmiga oo taranta ayaaba ku xiran waana sunno adag ee talada hooyadaa qaado, iyadaba mar bay sidaada oo kale ahayde, tan kale aabbe, Basasha indhaha ilmo ayey ka keentaa waxaase loogu dulqaataa cunta lagu karin doono ee aad cuni doonto macaankeeda, sidaasi awgeed aabbe toddobaad ka dib marwo muuna leh oo sidan ka farxad badan baad noqon doontaaye, dawaco cabsi badan, intaad ahaan lahayd, ahow geesiyad gool libaax ah oo ammaantaada mooyee, maandhaay yaanan maqlin eed xaggaaga nooga timaadda”.

Muna-dheer, taladii iyo waanadii waalidka, ayey si toos ah u qaadatay, waxaana loogu duceeyay “Idam alle habaar ku ma haleelo, hooygaada hagaaji oo hooyo wanaagsan ahow, aad hankaada ku guuleysatide”.

Fiiro gaar ah, farriintu waa: “Ka fogow gudniinta fircooniga ah, gabadhaadana ha ku darin nin aanay garaneynin ee gayaankeed iyo mid ay taqaanno oo ay af garaneyso ku dar, si wanaagga qoyska dhismaya uu u sii kobco loogana dhaxlo ubad waxtar u leh Aabbe iyo Hooyo soona xusuusanaya Awoowe iyo Ayeeyo taban- taabadoodii hore”.

W/Q: Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN