Ha i weydiin sababta aan waddani u ahayn aniga oo soomaali ah!!

Ha i weydiin sababta aan wadani u ahayn aniga oo soomaali ah!!

Adduunyada aynu ku nool nahay waa tusaali aaynu u baahanahay inaan talo badan ka helno, gaar ahaan waddamada ku horumaray xagga waddan jaceylka iyo abuurista  shucuub aay buuxisay laabtooda waddaniyad , waa waxa aaynu u bahaanay ineynu ka barrano , habka iyo hannaanka aay ku gaaren ka hor intii aaynu isku edeyn, isnicin inaga oo dooneyna, inaan ka shareerano cidii si dhab ah u mudneyd in masuuliyada lagula xisaabtamo, markaa baa door bidnaa inaan shacabka dusha usaarno danbi aysan galin inaga oo ku niyad jabineyna, ereyo aysan dhabtii naga mudneyn ereyadaa oo sii liida dadnimada iyo diirimaadka umadda Soomaaliyeed,sida inaad isticmaashaan si ka fiirsasho la’aan ah, Soomaalidu waddaniyad maleh sida waddan hebel , iyo ereyo u dhigma ama anshax ahaan ka sii liita.

Sida aay u yidhaahdaan shirkaddaha ganacsiga ku tartama, macaamiilku waa muhiimada koobaad , oo aay u dhageystaan dalabkooda , loona odoroso dooqyada aay leeyihiin  ,si u dhiganta ama ka agdhaw             Ayeey u dhaqmaan waddamada ku hormaray xagga iyo abuurista waddanniyada iyo jaceylka dalka iyo ilaalinta dushiisa inta saaran. Dalka aaynu dooneyno ineynu kaga dayano , hoggaamiyahoodu waxa uu ka hor marshaa danta guud xili walba iyo xaalad walba bal isweydii oo inaga  kuwaanu waa side? ,Waddamada aaynu dooneyno inaan kula tartamo xagga waddaniyada hoggaamiyahoodu waxa uu  aaminsanyahay , Aragti ah in mawaadinku muhiimada koobaad leeyahay,Bal isweydii kuweenu waa side?

Wadamada aaynu dooneyno inaan kula tartamo xagga waddaniyada hoggaamiyahoodu, waxa uu dhageystaa dadkiisa  dhageysi dhab ah,  kaddibne aqbalaa doodahooda .bal is weydiiyo inagu kuweenu waa sidee?   

Waddamada aaynu dooneyno inaan kula tartamo xagga waddaniyada hoggaamiyahoodu  culeysyada kaga yimaado shacabkiisa uma arko cadaawad aay u qabaan balse waxa ay u noqotaa mid ku sii dhiira galisa in uu si adag u shaqeeyo ilaa uu daboolo ama uu dhaweeyo rabitaanka shacabka uu hoggaanka u hayo, intaa kaddib ayeey iyagune canshuurtii dalka bixiyaan oo aay caaddalad iyo sinnaane ku noolaadan. Bal isweydii inagu halkee beynu taaganahay? Maxeeynu dooneynaa inaan noqono? Inaan noqono maxaa suura galin kara? Haddeydaan intaa is weydiin.

Ha i weydiin sababta aanan waddani u noqon waayay! Anigoo ah dulmane aan la dhageeysan fekerkiisa, la caburiyay, hogdaamiyeyaasheydune aay jecelyihiin,in sacabka un loo garaaco kaddibne Roog cagaaran ama guduudan loo fidiyo,sax iyo qaladne leyska wareysa.                                                                                           Ha i weydiin sababta aan waddani u noqon waayay!

Aniga oo qaadi l’a dulmiga iyo caddaalad dadrada, Galdadradda bareerka geedne loogu soo gamban.    Ha iweydiin sababta aan waddani u noqon waayay! Ha iweydiin Sababta an u tahriibayo!  Ha iweydiin oo ha iweydiin intey hantida qaranku tahay hanti shaqsi xilka qarankune yahay xil qabiil. Ha I weydiin sababta aan waddani u noqon wayay! Iyadoo caddaalad darradu aay tahay wax lagu faanno. Ha I weydiin sababta aan waddani u noqon waayay!, inta xukunka aay ku dulman yihiin dadka iskugu jira Saboolka,danyarta iyo dadka laga tiradda badan yahay. Ha iweydiin sababta aan waddani u aheyn aniga oo soomaali ah, inta dadka qaarkii caddaalad darada caddaalad u arkaan , aayna aaminsan yihiin kala sarreeyn aan la garaneyn faraceeda iyo cawaaqibteeda toonna.

 

QORE”:DHAQANE ROOBLE XALANE (DHAQANE-DHUUX)

SHEEKOOYIN