HA NIYADJABIN! W/Q: Naxwa Tooreeye

HA NIYADJABIN!

 

Jirka noolaha, waxaa ku jira cad aad u yar, oo haddii uu xumaado jirka dhammaantii xumaanayo, haddii uu samaadana jirka dhammaantii samaanayo!” (QALBIGA) Xadiis Rasuulka NNKH

Niyadjabku, waa qofka oo lumiya han uu lahaa isaga oo u sababeynaya, in uusan awood ahaan iyo caqli ahaan ba u gaari karin bartilmaameedkiisa. Guul gaariddeeda looga gaabiyey fulaynimo ama fahamdarro.

Sabab kastaa ha keentee, waxaa ay niyadjabku kaa hor istaageysaa, guulo fara badan oo hanka iyo doonistu kuu sahli lahaayeen, tabo iyo xeelado badan oo aad u mari laheed yoolkaada, waana caqabad nololeed oo dhan walba weerar kaga ah nafta hanka iyo yoolka leh, waxaana ay ka ga imaan kartaa meelo aysan ka fileyn, haba ugu badnaadaan degaanka iyo dadyowga ku xeerane.

“Marna ha u ogolaanin qof in uu kuu noqdo kan adiga kaa mudan, halka aad naftaada mudnaanta siin laheyd, dooqa naftaaduna ku cajab gali lahaa”.  Mark Twain (Faylasuuf Nololeed)

Mar kasta dadku, waxa ay raadiyaan si aay kaaga celiyaan hankaaga, laakiin inta badan kuma guuleeystaan, waayo, iyagu qalbiga ma xadeeyn karaan awooddiisa, haddii aadan adigu u xerogelin.

“Ha u ilmeyn, kuwa aan ku garan karin, dadka inta badan ma gartaan macnaha illintaada marki ay ku wax yeelaan. ilmeyntu waa hab lagu qeexo arrihama bushimaaga aysan sharxi Karin”.

Ha ka walwalin, waxa dadku ku yiraahdaan ama kuu arkaan. Ogow ma baddali karaan rabitaanka qalbigaaga. Mararka qaar iska aamus hana sheegin, dareenkaaga, waayo way ku maqli karaan, laakiin kuma fahmi karaan!

Dhoollacaddeyta iyo qosolka waa labo hab oo lagu damin karo waxyeellada dadka kaa soo gaari karta marka ay dadku ku yiraahdaan howshaan ka har, iyaga oo kugu jaangoynaya, naftooda aan himilada laheyn ayna ka duugantahay awooddeeda Rabbaaniga ah ama ay kaa xasdayaan yool aad ku gaari karto si sahlan.

“Hanku, waxaa uu kuu muujinayaa rajada, waxaa uuna kugu leeyahay; mar kale isku day”. Ha is dhiibin weligaa, hana is dhigin.

 

W/Q: Naxwa Tooreeye

SHEEKOOYIN