Ha sheegin inaan ku qabo! W/D: Cabdinaasir Maxamad Cali

Ha sheegin inaan ku qabo!

 

Ganacsade xaas iyo carruur u joogaan, ayaa wuxuu qudbo siro ku guursaday gabar. Gabartii waxuu dajiyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Gacansadihii waxuu xaaskiisa iyo carruurtiisa u hoyan jiray habeenkii, waxuuna gabarta uu qudbo sirada ku qabo u i maan jiray maalintii kaliya.

Xaaskii uu qudbo sirada ku qabay, waxuu ku dhahay habeen i ma soo wici kartid wax walbo oo kugu dhaco. Subax walba markuu gurigiisa rasmiga ah ka soo baxo ayuu wicijiray, duhrukiina gabarta xaafaddeeda ayuu u qado doonan jiray, waxeyna u aheed xaafadda kaliyah uu ku nasto. Waxey sidaas nolashoodu ahaataba, markey in muddo ah is qabeen ayey gabadhii xanuunsatay waxuuna geeyay isbitaal, isla markiiba waxaa lagu sameeyay baaris, baaristii ayaa lagu ogaaday in ay uur leedahay. Waxaa loo sheegay jawaabtii ka soo baxday baarista, sidoo kalana ganacsadihii loogu hambalyeeyay in ay uur leedahay xaaskiisa, halkii waxaa ka billawday farxad iyo kalgacal cusub, kalsoonidiina intii ayey ka sii saa’idday, maalmo ka dib ayaa gabadhii isbitaalkii laga soo bixiyay.

Ganacsadihii oo ku faraxsan ilmaha caloosha u galay xaaskiisa, kana murugeysan xanuunka soo wajahay xaaskiisa, ayaa waxaa ku soo kordhay in uu safar shaqo u baxo. Ganacsadii waxuu damcay in uu iska joogo si uu uga warhaayo xanuunka xaaskiisa, laakiin, qoladii uu shirkadda la ahaa ayaa ka diidday in uu iska joogo. Waxuu u yimid gabadhii uu qudbo sirada ku qabay, waxuuna ku wargaliyay in uu safar u aadayo dhoobeey, si uu uga soo iibiyo Sisin ugana soo raro halkaas, markay halkaas sheekadu mareyso ayaa inta gabadhii is caloolxumeysay ku tiri hadda ma anigoo sidaan u daciif ah ayaad iga tageysaa? inta uu ganacsadihii niyaddeeda dajiyay ayuu ku yiri; maalmo kooban ayaan kaa maqnaanaa macaanto, ee ii samir. Ganacsadihii waxuu gabadhii siiyay lacag, waxuuna ku dhahay wax kaste ayaa dhici kara intaan safarka ku maqanahay ee lacagtaan sii isticmaal.

Ganacsadihii safar ayuu sidii ku aaday, markuu dhoobeey tagay, toddobaad ka dib waxaa ku dhacay duumo, asigoo xanuunsan ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, marki Muqdisho la keenay waxaa la jiifiyay isbitaal, maalmo markuu isbitaalka ku jirayse wuxuu geeriyoday duumadii.

Gabadhii waxey in muddo ah xanuunkii la daalaadhacdo oo ay rafaad badan kala kulanto wallaca, ayna la’saneed ninkeeda, ayaa waxaa soo wajahay walwal iyo walaac aad u badan. Mobilkii ninkeedii wali waa dansan yahay, maalinba maalinta ka danbeysa waxaa ku sii siyaadayo culeys. Wax ay sameyso ma taqaan.

Waxaa sii idlaaday bilaheedii, ayadoo ninkeedii war iyo wacaalba wali ka helin qof yaqaanna oo ay weydiisana wali aynan helin. Waxaa soo dhawaaday xilligii dhalmadeeda, qarashkii uu uga tagayna waa uu ka go’ay. Waxey soo is taagtay meel cidla ah, gurigii ay daganeed waxaa lagu yeeshay dhowr bilood oo kira ah, ciddii guriga iska laheed nawaxey gabadhii ku dhaheen, gurigeenna nooga bax, waxeyna kala hareen alaabtii guriga u taallay, sidii ayeyna gurigii uga soo guurtay, waxeyna dib u soo raadsatay waalidkeed, ayado nolasha ku dhibaateysan.

Gabadhii sidaas ayey bilaheedii ku idlaadeen, marka iyada oo fooldiin hayso, ayaa waxey tijaabisay mobilkii ninkeedii, waa uu u wactamay, aad ayeyna u faraxday. Nasiibdarro laga ma qaban. Xoogaa ka dib ayey ku celisay mobilkii, nasiib wanaag waxaa ka qabatay xaaskii weynaa uu ka geeriyooday ganacsadihii. Gabadhii ayaa weydiisay sow mobilkii ganacsade hebel maahan? Waxaa gabadhii loogu jawaabtay:

“haa, waa talkiisa, aniguna waxaan ahay xaaskiisii hore, asigana waa uu geeriyoday! Alle ha u naxariistee, anigana mar hore ayaa asaydii iga dhacday, ee adigu ma wax hanti ah ayaa idin ka dhaxeyso?” waxayna u raacisay;

“hadda xisaab ayaan ku jiraa ee caawa isoo wac abbaayo.”

Gabadhii inta ay naxday ayaa fool qabatay, waxaana loola cararay isbitaalka. Waxey in muddo ah foolataaba, dhaqaatiirtii waxey dhaheen gabadhaan waa in la qalaa, oo caadi ma u dhali karto, waalidkeedna waa uu aqbalay sidaas ayeyna ku saxiixeen warqaddii lagu qalayay, waxaana loo qaaday saaladii qalliinka. Qaliinkii lagu sameynayay waxuu qaatay saacado badan, sidaasna waxey ku dhashay wiil, nasiibdarro halkii ayey umulraacatay gabadhii. Qoyskii gabadha waxaa u soo haray wiilkii yaraa, oo hooyadiis geeriyotay abbihiisna qof taqaanno aanay laheynin.

 

Dulucda qisada;

 

Guur iyo qoys abuurkiis qarsi iyo quursi ma lahan, ee ha ku degdegin inaad ku dhaqaaqdo tallaabo waxyeello kuu keeni karta ama u keeni karta gabadha aad calmatay sida ay saamayn karto ubadka ay kuu dhali doonto. Wiilkan aabbe la’aan ma noqdeen haddii aan qarin dhacdeen, sida gabadhan xaq iyo xuquuq la’aan ugu dhici lahayn.

 

W/D: Cabdinaasir Maxamad Cali

          nafdeeq@gmail.com

SHEEKOOYIN