Habboon ma Jinbaa? Q3AAD W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

quotescover-JPG-22
Habboon ma Jinbaa? Q2AAD

“Miyaad tagi lahayd?”, ayay I waydiisay, “May”, ayaan ugu jawaabay. “Iska soo fadhiiso haddaa aan xoogaa wada sheekaysanee”, waxay sii raacisay, “Saw ma wada sheekaysan karno?” sheekadu ba arrinka aan halkan u yimi miyaanu ahayn, sheekadu ba miyaanay sheeko un ii sii dhiibin, waxaan idhaahdo waan jeclahay ba miyaanay odhan anigu ba waan jeclahay, wixii ay tidhaahdo waan jeclahayna miyaanay noqon wixii aan jeclaa uun. Cunto hadalkeeda ba daa ilaa caano may dhaafin, way igu wehelinaysay. Qaabka loo socdo iyo nooca loo hurdaba miyaanan hal dhinac isugu imman? “Waar qoftu malaha waa qoftaydiiye tollow ma iska jeclaadaa miyaanan niyadda iska odhan?”, Maalmo farxad badnaa miyaanan dib u qooraansan, oo dhoollaa-caddayteedi cirkaa sii tagin, haddanna maalmo murugo badnaa miyaanan dib ugu ruqaansan, oo jawigiiba is beddelin, dhib qoyskoodu u gaystay, jidh dil aabbaheed ku sameeyay iyo nin odaygu Adeer u yahay oo u waashay iyada ayay soo xasuusatay, oo midba in yarna iiga qadhiidhay sheekadoodii, dhibku ba halkaas ayuu ka billaabmay, waar maxaa kugu watay? miyaanan anigu dib isu waydiin

Muruguu foolkeedi isla beddelay, show anna is maan oggayne naxariis baa I biyo dhigtay? Ilmadaa indhaheeda fudh ka soo tidhi ayaan u adkaysan kari waayay, anna waan la qiirooday oo la ilmeeyay, “Iska aammu waxba ha ooyine”, ayaan ku yidhi, intaan laba farood ilmadii kaga tirtiray. Way igu soo booday oo isku kay duuduubtay, dib iskaga yar qabo ayaan is yidhi, haddana waxa igu soo dhacday intay oohinta dhammaysanayso iska sug. Muddo ayay qaadatay intaan isku marnayn, si kallay wax u waday, anna si kalaan wax u dareemay, is dhaqdhaqaajintaa badatay, in badana qaabkaa is beddelay, dareenkii dhexdayada ka dhashay ayaa sida fulkaanaha qaraxiisu cirka isku shareeray.

Wakhti dheer ayaan guriga Habboon ku sugnayn, dareen deggan ayaan la galay, mid aan degganayna waan kala soo baxay. Gurigaygaan tagay anniga oo lay moodo wax la dardaray, qolkaygaan seexday habeenkii xilli danbe iyadoo niyaddayda Habboon ka buuxdo. Riyadaan ku arkaa, kolkaasaan la fadhiistaa, oo la sheekaystaa, huradaad dhammaystaa, sagaal saacadood ka dib, haddana waan ku soo toosaa sidii anigoo niyadda ugu haya. Si kastoo aan wax u wadaba iyaan lay horkeenaa, heer waxaan gaadhay aan gabadh ba la hadli kari waayo. Saddex cisho ka dib ayaan dib ula kulmay Habboon, dhib inuu I haysto ayaan fahansiiyay. Qof inaan ka hadhsan waayay ayaan u sheegay, sababtana aannan garanayn, “Waayo qofku?”, ayay I tidhi, anna “Waa gabadh!”, ayaan ku yidhi, “Waad jeceshahay gabadhaa!” ayay iska tidhi si yaroo fudud, illeyn afaanad lahayn ma maamushid, oo jacayl ba miyaan aqaannay, “Oo ma sidanuu dadka ugu dhacaa walaal?”, ayaan waydiiyay iyadii, “Haa” kute.

“Qofka hadduu jacayl ku dhaco, madax xannuun ma dareemaa?”, ayaan ku yidhi, annigoo yaabban!

“Intaa aad sheegtay kugu fillan, haddii ba astaamahaa aad isku arragtay, waad qabtaa xanuunka, ee yaa laguu hayaa?”, ayay I waydiisay, anna hadal umma dheerayne, “Maalintii laygama danbayn”, ayaan ku yidhi.

Way I fahantay, sheekadaanay iga sii gurtay iyada oo leh, “Haye?”

Afsoomaali wixii aan ka aqaannay waxa lagu soo uruuriyay, oo anna ka xasuustay, “Maad I jeclaan adigunna?”

“Maad I guursan adigu?”, ayay iigu jawaabtay Habboon.

Jidhkoo dhan ayay dhambiilo i yaaceen kor ilaa hoos, tin ilaa cidhib, dhuuntaa i qallashay ilaa iyo carabkii, dhinac jawaabtaa igu adkaaatay, dhinacnna jacaylkan degdega igu galay layaabkiisi, ayaa layaab kale la kulmay, oo ah guur degdega. Waa nimco nimco la kor dhabbay, haddana waa guda gariir, dhul gariir ka darran.

Naftaan su’aal waydiiyay, “Horta adigu maxaad doonaysaa? Ma guur mise jacayl?”, xoogaa ga’ga layna ka dib waxaan aqoonsaday inay naftu u baahan tahay wakhti ay jacaylka wax kaga barato, fursadaa se ma oggoshahay Habboon ayaa is waydiin mudan.

“Ka warran haddii aynnu muddo sii wada sheekaysano?”, ayaan si ay naxariisi ka muuqato u waydiiyay, dee haa illeyn wax baan dalbanayaaye, oo waliba gabadh ka codsanayaaye, iimay se jawaabin, wakhti lumis inay u haysato ayaan u fahmay jacaylka.

“Diyaar ayaan u ahay in aan ku guursado”, ayaan iska soo jaray, annigoo aad moodo inaan naf kale soo ammaanaystay, waanay ku faraxday, goortii hawsha la gali lahaana meel baanu saarnay. Galabtaa farxad baan ku kala tagnay iyo rayn’rayn.
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

SHEEKOOYIN