HABEENKII KUN KA HANEEN! Q5aad W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

Leego

HABEENKII KUN KA HANEEN! Q5aad

Xariir cusub, is ku deegaan, qurbo, waxbarasho iyo aqoon sare, (Allow mahaddaa). Labao maalin oo xariir ah Axmad iyo Aasiya ka ma aysan nasan baraha lagu xariiro, wacitaan joogtaha, muuqaal is ku la hadal, farriin qoraal, sawirro soo jiidasho leh. Wax baa is dhaafdhaafayay.

Axmad ayaa codsaday, in ay mar ay is ku soo qasdeen wada fariistaan, waliba meel jawi macaan, oo xasuus reebi karta, naxariis galgacal lagu doogan karo, in lagu soo qaato kulankaa, aqbalaad ayuuna ka helay Aasiya.

“Xagee tagnaa, oo aan waqtigaas macaan ku wada qaadananaa?” ayaa la is weydiiyay, waxaana la is ku la is ku af gartay, in habeen dambe la wada tago (INORBIB Mall) oo ah meel ay lammaaneyaashu waqtigooda raaxada u soo tamashleyn tagaan.

Waa meel ku macaan sheekeysiga dad qaas ah ay tagaan. Waa dhisme aad weyn, waxaa ku yaalla qeybihiisa ilaa soddomeeyo baarar laga cunteeyo. Waxaa ku yaalla beero lagu tasto, suuq weyn oo aad wax kasta ka heleysana waa uu yahay. Halkaa ayaa lagu ballamay, in la wada tago, oo la is kugu yimaado, maadaama ay meelo aad u ka la fog, oo ilaa 50km oo magaalada ah is ku jiraan. Tagaasi yar ayaa loo raacaa meesha, qof kastana, in uu mid soo kireysto meeshana la is kugu yimaado ayaa lagu ballamay.

Axmed waxaa uu u billowday galgacal cusub, xiiso aan caadi aheyn ayuu waqtigaas u hayaa Aasiya. Waqtiga ay ballameen aad ayuu u dhararayaa, in uu saacadda soo dhaweeyo ayaa qabaneysa, haddana, ma sameyn karo. Waxaa uu diyaarsaday labbis qurxoon, oo uu ku qaabilo inanta uu gacalada cusub u hayo. Caawa waxaa uu rabaa, in uu wax badan soo ka la xaqiiqsado si dhab ah ayuu rabaa, in uu Aasiya, u soo qiimeeyo. Waxaa uu ka la go’aansan doonaa, in uu doorto hooyada qaaliga ah, ee ubadkiisa uu jecelyahay iyo ay tahay been go’ lagu daday.

Boqorradda uu dhowrayo ka sokow imtixaan caqliyeed ayuu rabaa, in uu qaado, maadaaba uu doonayo, in uu inantaan madaxweyne ku xigeenka gurigiisa ka dhigo, ma sahlanna in aad dooratid shaqsiga aad nolosha la wadaageyso. Waa hooyada ubadkaada ah, hantida adduunka kuugu qaalisan mar waa la taliyahaada qaaska ah, ee wax kasta oo nolosha ah ka la tashaneyso, mar waa xogheyntaada gaar ka ah, oo sirtaada aad ku qarsaneyso, marka waa xanaaneyaha naftaada, oo xaalad walba oo aad ku sugantahay gacanteeda dhowraya. Xulasha marwo sharaf leh, oo intaa iyo in ka sii badan buuxin kartaa waa howldheer.

Aasiya iyadu wax kastoo Axmad yahay wey ku la sugantahay, waa ayse kaga darantahay oo iyadu waa tii waayo badan Axmed ku dhexnoolaa. waxaa ay kaga duwantahay kaliya waxa Axmed uu iyada u dooranyahay 100% in uu nin kale marada ka furana qorshaheeda maahan. Dhankeeda ayey sidoo kale saacadda hiifeysaa la kulanka Axmedna wax kasta ugu dhigan caawa.

Diyaar garow ku ma yara oo iyadaaba ka sii badan waxaa ay isku dayeysaa, wax kasta oo ay qalbiga Axmed ku soo jiidan karto. Hub ay heli karto ka ma aysan tagan si fiican bey is ku qalabeysay. Waxaa ka mid ah hubka ay ku duuleyso afkeeda, oo ay rabtaa in ay caawa maasho, wax kasta oo ay dareenkeeda ku soo bandhigi kartana ay ku muujiso, codkeeda naxariista leh iyo qaab dhihiddeeda wanaagsan, oo Eebe siiyay ayaa saacidaya, oo u jabinaya qalibiga ay weerar ka ku tahay. Duco iyo quraan meesha ka ma marna:

“Allaahii i la kulansiiyayow, ii calaf inaan marwadiisa noqdo” ayey ku duceysaneysaa. Waxa ay 100% ku qanacsantahay shaqsiyaddiisa, oo ay isleedahay waa Hanad noloshaada kaafin kara. Waa kii aad ku dagi laheed noloshaada masuulka ka noqon lahaa. Waa mid gudan karan waajibkiisa odaynimo.

Waxa ay saacadda dhowraan ba, waxaa la soo gaaray saacaddii qof waliba xaafadda ka dhaqaaqi lahaa, tagaasi ayaa la dalbaday kuwo (Online-ka) laga carbuunto ah, albaabka ayuu soo taagay telka ayaa laga wada hadlayaa, hadda ayaan soo dhaqaaqay iyo anna sidoo kale baa is yiri safarku cabbaar ayuu jiraa labadoobada waxaase soo hormaraya kii waddo firaaqo ah hela, aad bey waddooyinku u mashquul badanyihiin. Waxaase soo hormaray Axmed, oo sii eeg eegay boos fiican oo la fariisan karo. Waxyar ka dib na waxaa soo gaartay Aasiya oo aan tii habeen hore aheyn, waa sidii ay ku soo talagashaye Axmed oo meel wanaagsan sii diyaarsaday ayey la soo wareegtay, is fudud ayuu fadhiga kaga kacay, si qiimo badan ayuu usoo dhaweeyay labada gacmood ayuu si xoog leh ugu qabtay, lagu ma hansane mid waliba kan kale ayuu laabtiisa ku hubsaday, in muddo yar ah ayaa la is ku dhaganaa ka dib inta uu waxyar dib u baxay labada cudoddood ka qabtay ayaa si fiican indhaha loo kala buuxsaday, mid kastaba kan kale ayuu ka sugayaa in uu fariisto, cabbaar ka dib ayaa la fariistay, is marxabbeyn iyo nabdaadin ayaa lagu dheeraaday.

Axmed iyo Aasiya waxa ay caawa u tahay is araggoodii 4aad noloshooda waxaa ayse markaan si wadajir ah u dhe muquurayaan mawjad jaceyl, laguse ka la badan xaaladdaas kalana saameyn badan.

Aasiya ayaa heshay fursad ay kaga sheekeyn karto xaaladihii ay soo martay maalintii ay Axmed is barteen iyo maanta iyo maanta, jaceylkeeda iyo meesha uu marayo murugadii tiradii badneed oo ay ku kali aheed, raadintii dheereed oo ay ku daashay iyo waxyaabihii ay niyaddeedu ku sheekeysan jirtay marka ay Axmed xasuusato ayey mid mid isu dultaagtaa. Axmed oo hadalkaa mooyee aan caawa wax kale mareyn ayaa si aan libiqsi laheyn u dhowraya Afka Aasiya. gacantiisu waxa ay ku daashay qalajinta Ilmada afar indhood oo si dhab ah u ilmeynaya. Isaga labadiisa waxaa ay la ilmeynayaan, damqasho run ah oo uu ka damqanayo dhibta hada looga sheekeynayo oo daraadii loo soo maray iyo farxadda uu waqtigaa ku dhex jiro. Aasiya se iyadu horay bey u soo oysay, laakiin, ilmadeeda caawa farxad baa ka keeneysa. Midba kan kale ayuu indhihiisa ka aqrinayaa waxa loo qabo. Si dareen leh ayaana la is ku eegayaa. Sheekadana la ka la dhurayaa.

Sharraxaaddii Aasiya ayaa ay ku soo gagabeysa:

“Axmed waa guul haddaan caawa ku la joogo adiga, waxaan kaa codsanayaa, inaan sida aan waqtigaan weheshanayo, waligey ii la jirto. Habeenkaanna waa habeen iiga duwan kun habeen oo la soo dhaafay. Waxaana ugu magac daray caawa: HABEENKII KUN KA HANEEN!

 

Dhammaad.

 

W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

SHEEKOOYIN