HABEENKII KUNKA HABEEN Q3AAD W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

Leego

HABEENKII KUNKA HABEEN Q3AAD

 

Waxaa uu subixii xigay ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, ee magaalada Muqdisho. Axmed iyo Aasiya waxaa ay is ka macasalaameeyeen taleefoon. Aasiya ayaa aad ugu duceysay si wadajir ah ahna u duceysay;

“Allaha ku amaansado. Allaha nabad is ku keen tuso” Axmedna Aamiinta ayuu gurayey, si nabad ah ayuuna ku gaaray magaalada dhacda koofurta waddanka Hindiya ee Hyderabad.

Ballan aan adkeyn iyo jaceyl aan qalbiga dagin ayaa uu Axmed la dhoofay. Aduunkii kale ee uu tagay halgankii kale ee nolosha, waxbarashadii iyo asxaabtii cusbeed ayaa sababtay, in qalbigiisu hilmaamo gabadhii isaga calmatay. Xumaan uu u bareeray ma aheyn, balse, waqtiga unbaa sida noqday. Nasiibdarro, ma jirin meel kale oo ay ka soo wada xariiraan, oo iyagoo wali is ku cusub ayaa la ka la dheeraaday, waana midda sababtay, in Axmed gabi ahaanba hilmaamo Aasiya.

Aasiya Wardhiigley ayey la joogtaa gacaltooyadii ay Axmed laabta ugu heysay. Waxa ay qalbigeeda ku maaweelisaa waa qaddarta oo ay dhahdaa “haddii…haddii” ma ahan mid dhab ahaan ay ku niyadsantahay, balse, ma jirto meel kale oo ay u dhaafto.

Aasiya xaaladaa jaceyl, oo ay u meel la’dahay, ka ma aysan reebin geeddi socodkeedii wax barasho, waxaa ayna aad ugu fiicneed waxbarashada, iyadoo kaalimaha hore ka galijirtay Imtixaanaadka ardayda fasalkeeda. Hal sano iyo dhowr bilood ka dib, waxa ay iyada ardaydii ku fasalka aheed u dabbaaldageen xafaladdoodii qalinjabinta Dugsiga sare. Maalmo ka dib ayaa Aasiya waxaa u wacay aabbaheed Xersi, isagoo ugu wacay magacii uu ku ammaani jiray ee ahaa (Aasiya Fariida) markii ay soo agfariisatay ayuu ku wargaliyay, in uu go’aansaday, in uu diro waxbarasho heerka jaamacadeed, oo dibadda ah, dalka uu u qalqaalinayana ay tahay waddanka India. Waa qabaar cusub! Hindiya markii ay maqashay baa Axmed soo hor istaagay Aasiya. Sidii qof qabar naxdin leh loo sheegay, ayuu dareenkeedu baddalmay. Wajigeeda ayaa si kale u muuqday is la markiiba. Aabbe Xersi ayaa inta isna naxay ku yiri;

“Aabbe maxaa kugu dhacay? Ma hadalka aan kuu sheegay ayaadan ku qancin ? Miyaadan rabin inaad waddan wax barasho fiican leh wax ku barato?”. (OOHINTU ORGIGA KA WEYN)

“maya aabbe macaane, ee warka igu cusub ayaa ila cuslaaday, balse, haddaa sidaa garatay aabbe mahadsanid waana ku baxayaa” ayey tiri.

Qabanqaabadeeda oo uu awalba u horay kaga soo shaqeeyay ayuu dhammeystiray, maalmo ka dibna is la magaaladii Axmed joogay ayey kas oo dagtay, waliba jaamacadda oggolaashaha waxbarashada ay ka heshay waa is la jaamacadda Axmed dhigto, balse, dhibaatada jirtaa jamacaddu waxa ay magaalada ku leedahay 150 college, maadaaba ay tahay Jaamacadda ugu weyn gobolka Talangana, ee ay magaalo madaxda u tahay Hyderabad. Taa ayaana sababtay, in ay meelo ka la fog oo magaaladaas ah ay wax ka bartaan. Halgankii waxbarasho ayaa mid kastaaba geestiisa ka wadaa.

Axmed maadaama uu sanado ka soo horreeyay Aasiya, waxaa u dhammaatay kulliyadda Cilmiga Bulshada, ee “BA” haddana is la taqasus kale ayuu darajada 2aad ee jaamacadda ka sii diyaariyay. Shan sano iyo ka badan ayuu moogyahay Aasiya. Waa hore ayey maskaxdiisu masaxday qeybtii xasuusan laheed, balse, Aasiya qofkii madow oo ay ku aragto Hyderabad Axmed buu u la muuqdaa. Iyadu waxa ay diyaarisay oo gabagaboobay kuliyadda Daawada (Pharmacy). Imtixaanka maaddadii ugu dambeysay ayey shalay qortay. Farxad iyo reyreyn ayey ehel iyo asxaaba la wadaageysaa guusheeda heerka 1aad ee jaamacadda oo ay soo afmeertay.

Sida caadada u ah ardayda Soomaalida ee wax ka barata Hindiya, sanad kasta marka wax barashada la xiro, waxa ay isugu yimaadaan xaflado damaashaad iyo is barasho ah. Guddiga ardayda ayaa shaaciyay, in ay jirto xafladdii sanadlaha aheed ee la is kugu imaan jiray. Xafladdii ayaa la wada yimid. Nasiib wanaag waxaa xafladdaas ka soo wadaqeybgalay Axmed Iyo Aasiya, oo aan is ogeyn, warna aan is ka heyn muddo shano ka badan.

Axmed muuqaal ahaan ma garan karo Aasiya, Aasiyana qiyaas mooyee horay ka ma ay soo qaban karto, weyse maleyn kareysaa Axmed, maadaaba waayo la is moogaa. Nasiib wanaag waxa ay xifdisantahay magaciisa oo sadexan. Waxa ayna Aasiya wali qabtaa rajo ah, in ay uun mar aragto Axmed, xitaa yeysan calfane. Wax ha ku qaato ama yuusan ku qaadane ay halmar gantaal dhankiisa u riddo. (Carrabkaada oo aadan ku ciil bixin, waa seef cadow oo kaa lulata). waxaa ay ku calaacashaa Aasiya;

 

“Wiilyahow sadriga iyo

Meel aan saxarba tagin baad

Ku sameysantahayoonad

Sina oga go’aynin

I saluugtayaa yaa moogi

Iga samirtayaa og

Ma aynaan ka la salgaarine

Sidee baan u qaataa?!”

 

Xalfaddii ayaa la is ku yimid. Dadweyne badan, oo arday iyo dad degaan ah isugu jira ayaa ka soo qeybgalay. Safka hore ayey gabdhaha ka fadhisaa Aasiya, Axmedna waxaa uuba ka mid yahay dadka barnaamij ka wada. Dhowr mar ayuu indhaheeda ku soo laalaabtay, in uu isagii yahay 100% ma hubin karto, balse, aad bey u maleyneyneysaa. Dhowr jeer bey hadba isha la sii raacraacday, isaga oo ku noqnoqonaya goobta, Ilaa ay dareento saaxiibteed Nimco, oo wada fadhiyaan ayna weydiiso;

“Naa heedhe qoortiiba ku xanuuntaye, wiilkan dheer miyaa kaa dhexbaxay?”

“mayee macaanto, wiilkaan ayaa ii la ekaaday, wiil aan waayo hore asxaab is ku dhow aheyn, waaya badanse aan is moogeyn!” ayey ku warclisay.

Axmed waa kii shalay Aasiya muuqaal ahaan iyo qof ahaan qanciyay, isagoo wiil yar ah, maantase Axmedkii hore maahan. Waxaa uu u muuqdaa nin weyn, garka iyo hareeddaha is ku fadhiya lafta iyo joogga uu markaa la hortaaganyahay, labiska sidii nin weyn loo labbisanyahay, dhammaantood waa wax dareen duugoobay cusbooneysiin kara. Waxaa ka sii daran aqyaarnimadii iyo qabkii ayaa meeshoodii joogin, oo maanta aqoon heer sare ah, ilbaxnimo dheeraad ah iyo garaadkiisa oo intii ka sii kordhay ayuu wax ku maamulayaa, oo howsha socota ayaa looga dambeeyaa.

 

Fisha qaybta xigta ee sheekada.

 

W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.