HABEENKII KUNKA HABEEN Q4AAD W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

Leego

HABEENKII KUNKA HABEEN Q4AAD

 

Aasiya waxaa aad ugu dhow xilligii wax kastaa u caddaan lahaayeen. Waxay goordhow xaqiiqsan doontaa wiilkan fadhigii u diiday, in Axmedkeedii yahay iyo in uu yahay mid u eg. Ma daahin taasiye, waxaa makarafoon qabsaday wiil xariiriye ka ahaa Xafladda. Arar iyo aayad qur’aan ah ayaa ka horreeysay markii uu xariiriyihii yiri;

“Ila soo dhaweeya qabanqaabiyahay Xafladdan qurux da badan, Axmed Maxamad Diiriye” Sacab iyo soo dhaweyn diirran ayuu masraxa ku gaaray. Erayo kooban micno iyo miisaan leh ayuu meesha ka yiri. Mar kale ayaa loo sacbiyay, lana bogaadiyay hadalkiisa wanaagsan.

Aasiya waxaa ay daqiiqaddaas yar gashay xaalad kale, oo aan la qiyaasi Karin. Waxaa jirkeeda saaqay jiririco, dhidid waaweyn ayaa ka da’aya, oo ka tan badiyay qaboojiyihii dadka meesha joogaahi la qarqarayeen. Hur iyo biyo ayuu korkeeda ka dhigay. Fadhigii bey is ku celi weysay. Layaab ayey ku noqotay, in caawa qofka hortaagani Axmed yahay. Caawa waxa uu kaga dhiganyahay ayey aqoon weysay. Inyar bey koomo ku dhawaatay. Inta ay istaagtay ayey goobtii xafladda bannaanka kaga baxday, bal in ay nafis hesho. Maxaad yeeshaa caawa? Xadgeed talo ka billowdaa? Axmed waa kan nasiib ayaad u yeelatay in aad mar kale aragto. Waa kan maanta ku hor taagan. Inta ay soo carartay, oo meel hawada sare u furan oo bannaan ah soo istaagtay ayey marada is ku babbisay. Qabow ha sheegin waaba ay sii kartay. Nimco ayaa dareentay, in saaxiibteed xaalkeedu sameyn. Waa ay ka soo dabacarartay. Inta is la soo taagtay ayey garabka qabatay;

“macaanto see wax kaa noqdeen? maxaa kugu soo kordhay? Naayaa hee wiilkaan ma midkii aad iiga sheekeyn jirtayaa?” intaas oo su’aalood ayey si is dabajoog ah u weydiisay, iyada oo dareensan casharna ka baratay hadalkii iyo dareenkii fadhigii ay ka soo kaceen daqiiqado ka hor ku dhexmaray labadooda.

“Alla macaanto haa. Waa isagii. Wallaahi waa isagii. Alla abaayoy maanta i la tali. Maxaan sameeyaa? In ka badan shan sano ayaan lahaa Allow yaa mar uun indhaha saara. Waa kan isagii oo sidii aan shalay ku jeclaaday ka qurux iyo qaaya weyn. Allah abbaayoy maanta talo i sii” ayey Aasiya ku calaacashay. Nimco ayaa tiri;

“horta bal is daji yaan dadku ina la yaabine. Abbaayo dhib ma lahan. Haddaad caawa aragtay oo aan jaanis u weynno dadkaan meel laga heli karo weydiin karnaaye. Sug markii xafladdu dhammaato maa qabatid anigaa kugu garabsiinayee. Armuuse is la weyni billaabaa waa bini Aadame. Xal waan heleynaaye abbaayo adiga miyirkaada daji” ayey saaxiibteed ku la talisay Nimco.

Aasiya walwal ku ma yara inta ay saaxiibteed talooyinkaas u soo jeedineyso iyadu wey is ku maqan tahay. kumannaan fikirbaa ku soo dhacaya sekenkiiba. Waxa ay jawaab u celisay saaxiibteed iyadoo leh;

“Abbaayo haddii uusan gadaashey is badalin is la weyni iyo dad is ka sarreysiin ma ku ogeyn. abbaayo wax kastaba ha igu qaadatee, caawa waa aan is ku sheegayaa wax uu ka dib falaba” guddoonbaa la wada yiri. Cabbaar haddii inantii ay nafis dareentay go’aanna qaadatay ayey fadhigoodii ku soo noqdeen. Aad bay u dhararsaneysaa, in mar uun howshu dhammaato. Waxa ayse hadba isha ku xadeysaa Axmed oo fadhiya saf iyada aan sidaa uga fogeyn. Qudhiisa indhaha ku soo noqnoqonaya waa uu dareemay, haddana, damac ka ma marna, oo Aasiyo ninkii maanta arkaa indhihiisu waa duca qabooyin heybadda iyo quruxda ay meesha la fadhiso. Qalbiga ayuu dhowr is ka yiri;

“tolow muuqaalkaan intee ku aragtay?” hase yeeshee, jawaab u ma uusan helin taa.

Wax waqtigaba la dhararo, howshii meesha lagu hayey ma sii raagin, waxaana la gaaray ismacsalaameyntii. Waxaa la billaabay, in sawirro si wadajir ah loo galo. Waxaa ay Aasiya halkaa ka heshay fursad ay Axmed agtiisa ku tagi karto. Inta ay dhowr tallaabo qaadday, dhowr qofna soo dhexjiirtay, ayey garabkiisa soo istaagtay. Ma micno badna in ay sawir la gasho iyadoo dadka u xigta, haddana, intaa daawo ayey u aragtaa, haddanam walwal ayaa ku soo kordhay, illeyn waxaa la joogaa xilligii is biimeynta. Inta ay adeyg is ka baartay ayey fursaddii ka faa’iideysatay.

Axmed oo goobtii sawirka lagu galay ka sii dhaqaaqaya ishiisuna aysan ka marneyn Geenyada agtaagan, ayaa dhankeedda soo jalleecay, mise waxaa uu qac indhaha ku siiyay laba indhood oo aad mooddo in ay ka dusi rabaan, dhoollacadeys baa u sii dheer gabadha. War cusub! Arag in la doonayo isaga. Saantii ayuu hakiyay si dhab ah ayuu u soo jeestay, waxaa uu caawa uurka is ka lahaa war tani miyey ku doondooneysaa aan isha kaa deyneyn, haddase fahan in meesha wax weyni ku jiraan. Inta uu soo wadajeestay ayuu isaguna halkiisa ka dhoolla qoslay in muddo ah ayaa la is eegayay. Wey garaneysaa qof ka hor taagan Aasiyo laakiin Axmed ayaa is ku mashquulsan, showr su’aalood ayuu is weydiiyay “miyaad horay u aragtay? Haa waad aragatay wajigaan. Oo halkee ku aragtay”. Afar indhood oo anfariisan baa is eegaya. Il tan kale meel ay kaga dal doorsato u jeeddana ma jirto (eegmadu macaanaa).

 

Kulan kii dhabta ahaa

Riyo dhiifi keentiyo

Dhalanteed ma moodeen

Sida ay dhadhabayaan

Dhowr jeer ma salaleen

Af dhabaandhab jamashada

Ma ka dhoofay hadalkii

Bal dhawaaqna key tahay

Dhihiddii ma waayeen

Ma ka dhabaqday xaajadu?”

 

Muddo ka dib ayaa hadal furmay. Aasiya yaa si daggan u tiri;

“Axmed ma nooleed” codka dhagahiisa soo gaaray afka uu ka soo baxayo iyo muuqaalka guud ee hortaagan ayaa cajiib Ah!.

“Haah abbaayo waan noolaa, hana i la yaabin wajigaada igu cusba haddana ku ma soo saari karo qof ka aad tahay.” ayuu ku jawaab celiyay. Aasiya ayaa tiri;

“waan is ku kaa sheegayaa abboowe, ee gees ma noo bixin kartaa?.” Codsigaas bilaa shuruud ayuu ku aqbalay Axmed. Meel ka baxsan goobtii saxmadeysneed ayaa la wada tagay. Is nabdaadin ka dib Aasiya isa sheegtay qofka ay tahay, Axmed garay in xuurul ciintani tahay tii uu kaga soo tagay shan sano ka hor Xamar. In ay halkaan saddex sano iyo bar joogto ay darajada 1aad ee jaamacadda Osmania ka baxday ayey u sheegtay. isaguna in uu darajada 2aad dhammeeystiray ayuu u sheegay qof kastaa ka kale ayuu ugu hablayeyay Guushiisa.

Sheekadii sii dheeraatay. Nimco ayaa dhararsaneysa Aasiya, laakiin, Aasiya in halkaan waagu ugu baryo xitaa ma ka la jecla. Caawa iyo adduun kale Axmed waa kii hore oo mid kale lagu daray sidii ayuu u cod macaanyahay sidii ayuu u xigmad badanyahay. In cabbaar ah ka dib ayaa kaftankii Axmed lagu dareensiiyay in uusan maalin soo martay is araggoodii uusan qalbigeeda ka dhammaan caawana ay u tahay ciid cusub maadaama ay isaga agtaagantahay. Beerkiisa ayaa wax gaareen gidaar yar uu ku sintaacsanaa ayuu is ka soo taagay inta jeebabka surwaalka labada gacmood gashatay si toganna gabadhii is ku hortaagay ayuu in yar aamusay xasuus hore ayuu galay. Hase yeeshee caawa waa cawo kale haddii aysan iyadu jaceyl la soo doonateen isagaaba ka la aamusnaadeen.

Waxa uu maleysan waayay in Aasiya uu mar labaad halkaan ku la kulmay. Waxaa uu maleysan waayay in warka ay u sheegtay oo ah in ay maalintii furayaasha la joogay iyo maata uu jaceylkiisu la noolaa. Maanta iyo fursad cusub, oo waa tii habeennadaan oo dhan nafta kula sheekeysanayay, haddii dalkii ku laabto in daydayo gabadhii uu nafta la qeybsan lahaa. Waxaa uu is tusay in uu aad u nasiib badanyahay, caawana ay lugaheeda ku soo doonatay boqorad uusan ku fikireyn in uu nuuceeda helayo.

“Aasiya Allaha ku sharfo, kuna ciseeyo, kun jeer baan kaaga mahadcelinayaa in aad waayahaas faraha badan qalbigaada igu ilaalisay, aniguna fursad dahabi ah ayaan u arkaa in aan caawa ku hor taaganahay, sidoo kale, waxaa farxad aan la soo koobi karin ah Allaha weynana kaga mahdinayaa in uu ina kulansiiyay waayo badan ka dib waana soo dhaweynayaa in aniga iyo adiga jaceylkeennu dib curto”. Ayuu jawaab celiyay.

Aasiya wey ka la badbadatay, aad bey u faraxday, in ay ku soo booddo oo ay habsiiso ayey ku sigatay, haddana wey xishootay, mahadcelin aan nuuceeda la arkin ka la dul dhacday. Aad baa la iskugu riyaaqay kaftankoodii iyo bulshanimadoodii waa tan dib u billaabatay.

In muddo ah ayaa si wadajir ah loo qoslay. Nimco ayaa meel sidaa uga fogeyn ka daawaneysa saaxiibteed waa ay dhararsaneysaa haddana waxa ay is ku qancineysaa in ay saaxiibteed intaa dawo u tahay. Waa qof aqoon leh wax badanna dareemi karta, hase yeeshee Aasiya ayaa soo xasuusatay saaxiibteed ka dib markii ay qandhadii badneed ka jabtay.

Axmed bey u sheegtay in gabar kale sugeyso, waxaa uu ka codsaday in ay saaxiibteed barto. Inta la soo wada dhaqaaqay ayaa dhankii Nimco la soo aaday.

“Nimco waa tan is ka baro, waa saaxiibtey igu qaali ah.” Ayey yiri Aasiya iyadoo gacanta u taagtay dhanka Nimco, waxayna raacisay;

“wiilkaan Axmed ayaa la dhahaa, ee adna Nicmo is ka baro”

“barasho wanaagsan Ninco abaayo” Axmed ayaa yiri

“Barasho wanaagsan Axmed, nin sheekadiisu igu cusub tahay na ma tihid soo dhawoow walaalkey” ayey Nimcana ku tiri. Hadalkaa wax baa ka sii baxaya.

“Yaah! Oo saameyn intaa la eg miyaan halkaan ku leeyahay! Wallee waa astaan ka loo jaceyl” Axmed laabtiisa ayaa is kula hadashay intaas.

“Waad mahadsantahay” ayuu se afka ka yiri. Meeshii baa baraha lagu xariiro iyo lanbarradaba la qortay la is kuna macsalaameyay habeen kaas.

 

Fisha qaybta u dambaysa, ee sheekada.

 

W/Q: Xasan Yuusuf “Leego”

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.