Hablaha iyo habeennada arooska!‏ WQ: Ramla Gobdoon

IMG_4965

Habalaha iyo habeennada arooska!

 

Badanaa, xafladaha arooska waxaa la qabtaa habeenka ey axaddu soo galeyso. Toddobaad ka hor inta aan la gaarin habeenka arooska, ayaa na loo soo DIGAA, oo na la soo gaarsiiyaa waraaqadaha casuumaadda. Waa habeenka aan ku tashanno ee toddobaadka ku jira. Habeenka hablaha. Markii aan dalkii joognayna wuxuu ahaa, habeenka jimcuhu soo galayo.

Xafladdu waxa ey si toos ah u billaabataa 11-ka habeennimo, balse, 7-da fiidnimo ayuu billowdaa diyaar garawgeennu. Midba midda kale ayey u hagar baxeysaa, oo ey ka caawineysaa wixii ey ku dhaanto. Dooqidda duruucda ayaan ku tilmaami karnaa, in ey tahay howsha ugu adag. Haddii ey taas noo toosto, inta harsanna ma dhib badna.

Sida la is ku kaalmeynayo, wax la isugu xulayo talooyinna la isu siinayo waxaad mooddaa, in dhammaan ey is ku qalbi yihiin. Howshu waa ey noo ka la qeybsan tahay, oo midba waxaa loo daayay dhinaca ey ku fiican tahay, iyada ayaana laga rabaa in ey marba naqshad cusub ka keento qeybta ku aadday, halkaana wax cillad ah ka ma timaaddo. Haddii ey soomaalidu sidaa howsha u ka la qeybsan lahaayeen ugana soo bixi lahaayeen, la ma arkeen wax ka la daadsan, ayaan mar ku fekeray.

Buuqa, qosolka iyo sheekadaba guriga dhan ayaa laga maqlaa. Marmar waxaa noo yimaada cunug ordaaya oo leh;

“Aabbe tartiib u hadla ayuu dhahay.” Wax yar ka dib farriinta cunugga halkii ayaan ka sii wadnaa, odaygii oo qeylinaya waa kan haddana;

“War hoostaad isaga jirtaanee, maa qeylida naga deysaan salla calee!” ayuu caro calool furan ku yiraa. Waxaan dhowr saacadood is ku shamuumsanaanno, bixitaan ayaan is ku diyaarinnay. Waxaa nagu soo wada dhacay waxyaabaha innaga ka la dhimman oo dhan.

“Naa kabihii xaggee ii dhigtay?” ayey mid ku qeylisay. Iyada oo aan taa loo jawaabin ayaa la maqlaa tu kale oo leh;

“Xaggeen saaray garbasaarkeygii?”. Mid kalaa haddana ku doodda;

“Dhagihii iyo faraantigii aan halkan saaray aaway?.” Waa weydiimo socda, wax isu warcelinaya ama wax ka warcelinayana ma lahan, markaas ayey tu walba iskeed u heshaa wixii ka maqnaa. Odaygii reerka oo mar kale cabaadaya waa kan;

“Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim. War maxaa idin ka si ah! Saqdhexe ayey ku sii socotaa saacaddu, ee na soo dhaafa aan ilmaha idiin ka seexsannee.”

Goobtii arooska loo wada dareer. Intaan gaariga sii saarannahay ayaan ku tuurannay Cabdi Jabbaar Al-khaliiji;

 

Intaan dhowrayee

Dhabbada taagnaa

Dhalaalkii qorraxda

I dheehday jirkoo

Waanigan dhuubtayee

Is dhallan rogay!

 

Kulli waan la wada qaadeynnaa oon sacbineynaa, darawalladeennuna waaba ey qalinjebisay oo gaarigiba waxey u liicliicineysaa sida ey muusikadu u yeereyso. Ilaahoow uusan nala gaddoomin.

La soo gaar hoolki ey xafladdu ka socotay. Muusigga ka soo baxaya gudaha ayaa laga maqlayaa bannaanka kore, ee baabuurta la dhigto. Waxa dumar meesha isugu yimid una labbisan si ka la geddisan xisaab la lama gaaro. Markii aad taagan tahay iridda hoolka, waxa ey indhahaagu qabanayaan kuraasta loogu talagalay labada lammaanaha is guursaneysa. Dhinaca bidix ee iridka waxaa fadhiya DJ-ga ahaa. Midig waxaa kaa qabanaya kuraas loogu labbisay marooyin cadcad dhexdana looga xiray maro caggaar ah. Kuraastu waxa ey ku wareegsan yihiin miis weyn, oo lagu sharxay macmacaan nooc walba leh, koobab dhalo ah, xaashiyo af tirtir ah oo midab guduudan leh iyo nal weyn, oo ey ka soo lulanayaan kuulal iftiin bixinaya.

Meeshuba waa indha daraandar. Goobta dhexe ee hoolka waa ey bannaan tahay, waa meeshii lagu ciyaarayay. Halkaas ayaa la wada dhooban yahay oo lagu ciyaarayaa heesta daaran. Qaabka ciyaarta la is kula helayo heestana loo qaadayo waad yaabeysaa, waa la wada faraxsan yahay oo la wada qoslayaa.

Kolkaan dhowr hees ku jaasnay ayey timid marwadii buraanbureysay. Durbaan aad u weyn iyo kii lagu garaaci lahaa ayey wadaan dumar kale oo iyada la socda. Hareeraha ha lagu soo wareegsado oo dhaxduna ha bannaanaato ayaa lagu taliyay. Durbaanka iyo sacabkuna ha is la socdaan ayaa la sii raaciyay. Waraaqadaheedii ayey la soo kala baxday makrafoon weynna qabsatay. Hordhac iyo bariido qaab buraanbur ah ka dib, waxaa billaabatay ammaan. Waa ammaan qabiil. Qabiilkii la ammaano dumarkiisa ayaa goobta ugu wareegsada sida maskii kuna qeyliya “Yaa u sheegay!”,  goortii bootinta la gaarana iyaga ayaa soo yaaca. Waxey sidaa ku socotayba buraanburki wuu dhammaaday. Mar kale iyo jaas. Kolka kaliya oo ey aroosaddu soo galeyso ayaa la sal la dhigaa, inta kale waa la taagan yahay oo la ciyaarayaa. Daal warkiisa ha sheegin!

Gunnaanadkii ayaa la soo gaaray saacadduna waxa ey ku sii siqeysaa 4-tii subaxnimo. Dhinacii baabuurta ayaa loo dareeray iyada oo la is dardarayo lana cabaadayo. Baabuurku waa ciriiri kolkan, ma deeqo dadkii haddayay sida fiican u soo raacay. Malaha daalkii ayaa qof walba ka badiyay intii uu la ekaa. Calaacalka iyo taaha baxaya ma kala yara. Xubin kasta oo aan haddaayay xanuuneyn ayaa hadda xanuuneysa. Tii lagu istaagay ee aan xilligaa danqan hadda ayey wax dareentay. Darwalladdii waxey ku doodeysaa in baabuurka lala wado. Xaggee laga sheegay baabuur la is la wadayo?

“Alla madaxa xanuun badanaa wali muusiggii ayaan sii maqlayaa!” mid ayaa ku cabaadday, iyadoo madaxa heysata.

“Bal xilligaan soconno arka taloow yaa na soo inkaaray? Waa sheydaan kugu shaqeysaydii la sheegayay” ayey tu kale nagu wada canaanatay.

“Naa wax jira ma aheynba arooskii caawa. Wallaahi duruuc bes ayaa naga qaraxday!” ayey mid seddexaad ku dhiirratay. Shaw tan maba daalna haddey duruuc qaraxday ka xun tahay. Innaga oo sidaa hadalka isugu tuureynno ayey hal mar darawalladdi bareegga qabatay kuna qeylisay,

“Nacallaa la war badan tihiinee baabuurka ila wada nooh wah!” Intaan is ku wada naxnay ayaan wada aamusnay, ka dibna aan iyadii u galnay waddo tilmaamid. Waxaan soo luudnaba xaafaddii ayaan soo gaarnay, qof walbana meeshii uu firaashkiisa ku ogaa ayuu ku dhacay. Gambalaf.

 

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.