Hadaaq iyo higaad, hadal bey dhalaan.

Bashiir Cali Xuseen sawir

 

Hadaaq iyo higaad, hadal bey dhalaan.

Sannad waliba marka la gaaro bisha jannaayo 21keeda, waxaa loo dabbaal degaa xaflado iyo munaasabado lagu weyneynayo jiritaanka afka hooyo, laakin dadka qaarkii, waxaan xusuusinayaa afka hooyo inuu soo jiray tan iyo maalintii la arkay qof Soomaali ah oo isirka soomaalinimada ku abtirsada.Taariikh ahaanna maalinta 21ka jannaayo waa maalinta far qoraalka soomaaliyeed ee maaha maalinta afka hooyo.

Dabcan wey dhowr iyo afartan jirsatay maalinta far qoraalka soomaaliyeed, sidaasi darteed, birmadka loogu gurmanayo badbaadinta afka hooyo, waa waajib dusha ka saaran muwaadin kasta oo sheeganaya u dhalashada afkan aynu qoraal ahaanta u hiillintiisa u guud mareyno, maxaa yeelay af qalaad aqoon qalaad buu kugu biiriyaa, taasina waxey dhaawac weyn u geysaneysaa oo meesha ka sii baxaya dhaqanka iyo hiddihii suubbanaa ee aad ku dhaadan laheyd. Haddaba xaflad suge un ha noqonine, u hiilli afkaaga hooyo, si ay taasi u hirgashana laba midkood un ahow «Bare ama barte».

Akhristaha sharafka mudanow, waxaan jeclahay inaan ku dareensiiyo seddexleey soo koobeysa macnaha iyo nuxurka afka soomaaliyeed, taasoo aad wax badan ka dheehan doonto, waxeyna hab dhacyada seddexleyda guud kala noqonayaan seddex qeybood oo kala ah:-

Hadaaq = Dheeg.
Higaad = Dhigid.
Hadal = Dhihid.

Seddexleyda 1aad:-
Ilmaha yari marka uu dhasho ilaa iyo muddo ku dhowaad sannad ah, dhawaaqyada afkiisa ka soo baxaya ee yacyacoodka ah qosolka iyo ooyintuna ay ku barxan yihiin waa « Dheeg» soo dheegasho, waayo ilmahaa yari waxaa uu duubayaa waxa ay dadka waa weyni ku hadlayaan, wuxuuna isku dayayaa inuu sidaasoo kale u hadlo, ha yeeshee wuxuu soo tuurayaa codad hadal u dhawaaq eg laakin aan sax aheyn, waxaana lagu magacaabaa « Hadaaq».

Seddexleyda 2aad:-
Higaaddu macna ahaan waa ( Dhigid ) ama far dhigaal ka imaneysa shibbane iyo shaqal leysku baadi goobayo amaba leysla raadinayo, taasoo markaa noqoneysa ( Xarfo ururay = eray. Ereyo ururay = weedh ) higaadda saxda ahina waxaa ka dhasha qoraal akhrintiisa la wada fahmi karo.

Seddexleyda 3aad:-
Hadalku qeexid ahaan waa dhihitaan cunaha soo maray oo ay soo gudbintiisu awood u yeesheen carrabka iyo faruuryaha dibnaha ama bushimaha, wuxuuna hadal oo dhammiba micna ahaan isugu soo ururayaa seddex qeybood oo kala ah:-

1. Qof hadlay.
2. Qof lala hadlay.
3. Wax laga hadlay.

Haddaba, seddexleyda afka hooyo, waxa ay halkan kuugu soo gudbisay guud ahaanba waxa uu dhismo ahaan ka kooban yahay hadalka, dhigaalkiisa iyo macnihiisa oo wada jira ee ha ka caajisin barashadooda iyo inaad ubadka sii barto, hana ahaanin oo keliya mid suga xafladaha sannadkiiba mar un dhacaya oo wax tarkoodu uu ku egyahay sharaab cabbidda maalintaasi kaliya ku kooban ee aan dhaxal reeb waara kuu noqoneyn!.

Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN