HADAL IIMA LAABNA (Sheeko gaaban) Qore Saynab Ugbaad

Hadal iima Laabna

 (Sheeko gaaban)

Seynab Ugbaad

Carruurtiisa iyo ooridiisa oo guriga wada jooga ayuu Aw Diiriye, go’aansaday in uu la wadaago, hadal uu shan iyo toban gu’ood ku dhowaad laabtiisa ku qafilay, kuna qarinayay.

Xaaskiisa Biyood iyo afarteedii carruurood ayaa odayga baxnaano u garab jooga. Wiilkoodii Deeq iyo saddexdoodii gabdhood: Foos, Farxiyo iyo Fahmo ayaa hareerihiisa isugu wada yimid. Awal, odayga waa laysku beddeli jiray, laakiin, maanta isagaa codsaday, inay wada kulmaan. Waxay fadhiyaan hoos galbeed markaas soo baxay. Aw Diiriye, isaga uun baa jiifa. Siduu xajka uga soo noqday wuxuu odaygu ahaa dhulyaal. Markii hore, wajac ayuu ka billowday bushigiisu. Waxaa loo qaatay in uu hawada kala duwan la qabsan waayay. Markii dambe, xanuun baa soo ritay. Lafo xanuun daran ayuu ka cabanayay. Labadii lugood ayaa xaajiga laga soo fariisiyay, illaa uu kiciba waayo. Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, xaaladdiisa caafimaad way ka soo dartay.

“Aniga ayaa isugu kiin yeeray.” ayuu cod liita ku yiri, isagoo ku tiirsan barkin ay Biyood u cuskiday.

Inkastoo warkiisa iyo miisaankiisa loo qaatay dardaaran iyo in uu wedkiisii arkay, haddana qofkoodna erey afkiisa kama oran. Marka laga reebo, Biyood oo fadhigii beddelay.

“Waxaan rabay in aan idiin sheego, arrin…” ayuu ku hakaday, “Arrin baan rabay in aan idiin sheego.”

Foos, Fahmo iyo habartood, waxaa ku soo haaday male ah, inuu odaygu ka dardaarmayo deyn lagu soo sheegtay. Deeq, dareen xun laakiin, ma dhaafaan ah baa ku soo dhacay. Farxiyana xanuunkiisa iyo dhimashadiisa ayay sawiratay. Isagoo naxash dhax jiifa ayaa la tusay. Illin qabow baa isheeda midig ka soo dareertay, iyadoon is ogeyn.

Intuu falcelintooda iyo diyaargarowgooda eegayay ayay qufac xun iyo riiraxyo daran isu raaceen. Dhidid baa foolkiisa shax ka soo yiri.

“Xaaji, biyo ma ku siiyaa?” xaaskiisii oo damacday inay xaggiisa u soo kacdo ayaa weyddiisay.

“Maya, iska fadhi Biyood.” ayuu uga cudurdaartay. Dhawr daqiiqadood oo kale ayuu dhididka iyo dhareerka iska masaxay. Waxaad mooddaa in uu wax sugayo. Odayga galabta xaalkiisa ma qunna, wixii hayaba!

Galabtii ayaa sii gaabatay. Habeenkii ayaa soo dhowaaday. Odaygiina wuu sii nuxuusayaa. Ilaayahow, khayrka na waafaji.

Iyagoo warka sugi la’, kana xishoonaya inay yiraahdaan, noogu dhaqso, xanuunkiisa awgeed, ayaa albaabkii la soo garaacay. Sida loo aamusnaa iyo gowda gowda albaabka jiingadda ah, dhegta iyo laabta ayaa laga wada dhibsaday.

Farxiyo oo illin isku celinaysay baa kacday, iyadoo ku marmarsiyootay, albaabkaan soo furayaa.

Wiil dheer, caataysan oo midab madow, gar timo yar ka soo cifayaan leh baa si dhiirran oo kalsooni leh u soo gelay. Gabar aan ka dherer yarayn, laakiin, ka yara midab furan baa xishood kala soo daba gashay. Nin kale oo la socday ayaa la soo gelay.

Farxiyo oo layaabban sida idin la’aanta ah ay u soo geleen, iyagoon idan weyddiisan, hadalna ku dhihin, baa si xanaaq leh u tiri:

“Yaad rabteen?”

Wiilkii dheeraa oo u holladay inuu hadlo ayaa ninkii oo ugu tallaabo dambeeyay horatibyeeyay:

“Xaaji Diiriye ayaan rabnay.”

“Aabbe wuu xanuunsanayaa, dadna ma qaabbili karo.” ayay ugu cudurdaaratay.

“Isagaa noo yeeray ee u sheeg in aan u nimid.”

Wejiga ayay kuduudday.

“Sidee! Sidee idiinku yeeray!”

Isagoon ninkii hadal u celin ayuu Deeq soo baxay. Wiilkii ayuu gacanqaaday, gabadhiina madaxa ayuu u salaaxay.

“Soo gudba.” ayuu yiri, isagoo horkacaya.

Farxiyo, yaab iyo aamus bay iriddii ku soo laabtay. Dadkii yimid iyo Deeq bay soo daba gashay.

***

Saddexdii timid, Deeq iyo Farxiyo ayaa ku soo biiray, saddexdii amakaagsanaa iyo odaygii is agyuuraray.

Wiilkii horta, intuu tallaabsaday ayuu odaygii sariirta kula fadhiistay. Gabadhii Farxiyo ayay dhinac joogsatay. Ninkiina Fahmo ayaa gambarkeedii uga kacday.

Aw Diiriye ayaa xabeebtirtay. Hore ayuu u soo fadhiistay. Dhididna wuu iska tirtiray. Xagga iyo xagga ayuu dadkii u indha-indheeyay.

Isagoon araran ayuu si deggan laakiin degdegsan u yiri:

“Wiilkan iyo gabadhaas, anigaa dhalay. Waa ilmo Diiriye.” Hal mar ayaa naxdin iyo shaki lagu wada eegay lagana jeestay.

“Wiilkan waa Hanad, gabadhaasna waa Filsan.” Isagoo curaddiisa iyo yaraantiisa wada eegaya ayuu raaciyay: “Sidaan idiin dhalay Foos iyo Fahmo, ayaan Hanad iyo Filsanna u dhalay.”

Biyood baa iyadoo arkaysa biyo kulul sidaas dubkeeda loogu shubay. Labadeedii lugood oo kubuubyooday ayaa neeftii ka soo baxday. Dogob culus sidiisii ayay hoos isugu hoobateen.

Farxiyo intay gabadhii kuurtay ayay sidii wax qalaad oo ay ka qaloonayso ka durugtay. Fahmo hooyadeed garabkeeda ayay qabsatay. Deeq, wiilkii iyo gabadhii ayuu salaamay. Foosna af labadii bay qaylisay.

“Aniga iyo carruur aad galabta la timid nama wada dhalin! Sidaan idiin dhalay ayaan u dhalay kulahaa! Mid ma kuu sheegaa aabbe, warkaan aanan garanayn ulajeeddadiisa iyo dantaad ka leedahay, in aad xanuunkaada mudnaanta siiso oo aadan caruuroobin ayaa nooga wada roon. Wallee, wallee ma dhacayso…”

Aabbaheed iyo Deeq baa si canaan leh u soo wada eegay. Foos af adki waa lagu ogaa, laakiin, caasannimo intaas la eg, waa ceeb iyo caado kale.

***

Biyood, iyadoon dharka si fiican u hagaajisan ayay albaabkii bannaanka xaggiisa aadday. Inay soo xirayso, ka dib qaylo iyo dood billaabayso ayaa lagu wada qiyaastay. Hasa-ahaatee, iyadoon ereyna ku tiraabin ayay xagga kale u dhaaftay. Garbasaarteedu, markaas, waxay si dhantaalan u saarnayd, garabkeeda oo aan marna dhaqaaqa iyo seedroorka joogin, siduu warka ilmaha oday Diiriye u soo kordhay. Gurigeeda, dhinaciisa waqooyi ayay la laabatay. Habeen iyo murugo ayay horteeda u sii dhex garguuratay.

Markay baxaysay miyirkeedu bar wuu joogay barna wuu buuqayay. Ereygii ugu dambeeyay ay si ogaal u tiraahdo, iyadoo aamusan, wuxuu ahaa: odaygu ma qarwayaa! Ma isaga jawaabin mana looga jawaabin. Habeenkaas, Biyood way dibbootay. Socod iyo saan culus ayay magaalada, intay garanaysay warqab la’aan ku soo dawaaftay.

Subaxdii ayay isla albaabkii ay shalay ka baxday ka soo gashay. Markan, garbasaarteedu waxay ku duubantahay luqunteeda hilboon. Rag badan oo ay jidadka ku soo dhaaftay, si aan u kas ahayn ayay luqunta kala soo daba leexiyeen, markay soo dhexmaraysay, qoorteeda cayilka iyo gabow la laallaabantay. Taas adigaaba sheegaya oo u fiirsaday.

Markay hadda soo gelaysay, ayay si kadis dambiil ay oroor kasta ku soo adeegi jirtay gacanteeda uga eegtay. Iyadoon isla yaabin, inaysan dambiil iyo adeeg midna ku maqnayn, xalayna habeendhex ahayd, ayay garwaaqsatay sababtii ay shalay galab carada ula carrowday. Daal iyo ciil ayay la soo gashay. Billowgii waxay xusuusteeda dib ugu celisay, fagaarihii shalay. Odaygii warkiisa ayay dhegteedu soo jabaq celisay. “Labadan carruur ah, anigaa dhalay!” iyadoon u fiirsan in la maqlayo iyo in la dhinac joogo, ayay tiri: “Ma adigaa dhali karaba!”

Markaas Biyood, daaradda ayay maraysaa.

Waa subax hore oo ayan qorraxdu soo iftiintay soona wada bixin dadkuna badankiisa hurdo. Qof reerkeeda ka mid ah, kama hor iman. Kaligeed ayay soo dhex jiirtay dhaxanta subxeed. Waxay ku fekertay: ‘Odayga hadalkiisii maxaa ka run ahaa?’ Taas cid aan isaga ahayn ma sheegi karto. Horta, xalay gadaasheed, muxuu odaygii xaraarugga ahaa ku dambeeyay?  Way soo socotay. Halkay ku ogeyd ayay madaxa ku taagtay. Waa odaygii oo aad mooddo in uu xalay oo dhan rafanayay. Sariirtii xumayd ay shalay galab uga tagtay, ayuu ku daboolgorofsan yahay. Labadiisii lugood oo haraggu laftoodu ku soohmay ayuu si qaabdaran u sii kala jeeda.

Intay eegtay ayay haddana qamuunyootay. ‘Ma uunkan ayaa adduunkaas oo dhan, sidaas u gelay! Ma odaygan xun ayaa aayahaagii maanta, warkaas baas ku soo gunaanaday. Ma axadkan tabarta xun ayaa, anigoo Biyood ah, sidaas igu samayn kara! Adduunyoy, kala warli’idaa!’

Hore ayay ugu sii socotay. Wuu khuurinayaa. ‘Ma caafimaad ayuu hadda la hurdaa mise!’ Intay kor istaagtay ayay dhegaysatay neefta laabtiisa xanuunsan ka soo hugmaysa. Madaxa ayay jiljishay. Dhinaca kale ayay kala wareegtay, iyadoo ku fekeraysa: sideed odaygan uga aarsataa! Madaxiisa hiirada iyo bidaartu isu kaashadeen ee timuhu ka hoolmeen ayay eegtay. Dhankiisii dambe iyo lugiihiisii kala qalloocnaa ayay mar labaad indhaheeda caraysan u celisay. In uusan aakhro mooyee, meel kale ku wanaagsanayn ayay ku hammiday. Labadiisa lugood ee isdhaafsan, mid ahaan intaad go’ soo tiraahdo, dhulka ma ku kala goysaa, sidii dhaladii lafihiisa bololoobay ha u kala faniinaan e! Markay u soo lixaadsatay ayuu soo gelay wiilkeedii Deeq, oo xalay oo dhan iyada Biyood ah, lafteeda soo goobayay.

“Hooyo,” ayuu uga naxdasaday.

Intay istaagtay ayay soo eegtay, haddana soo dhaqaaqday oo si qumman u damootay. ‘Ma Deeq baa mise waa ruux kale?’ hore ayay isha iyo socodka isula soo wadday. Waa Deeqeedii ay wiilba isaga kaliya ka dhashay. Laakiin, si buu ula dhallandoorsan yahay. Maxaa beddelay wiilkeedii, mise iyadaan si wacan wax ugu jeedin! Xalay, gadaasheed, maxaa isbeddelay!

Daaraddii ayay u soo baxday. Gabdhaheedii aaween? Midna ma muuqatee, xaggee bay u habaabeen? Ma sideeda ayay xalay dibjiroobeen? Iyadoo isla hadlaysa ayuu Deeq ka soo daba baxay.

“Hooyo…” Markan codkiisu wuu beddelanyahay. Yur e, ma odaygii baa lagu soo kordhay?

“Deeq.” ayay cod gaaban oo daallan ugu wacday.

“Xalay, ma habaryar Hindi baad aadday?” isagaa weyddiiyay.

Wuu ogyahay, inaysan habaryar Hindi jirin, waayo, isagaa tiro ka saddex jeer tagay oo ka soo waayay, guriga habaryartiis Hindi. Laakiin, Hooyo, xaggeed jirtay ayaa u cuntami weyday, in uu afkiisa ku yiraahdo.

“Meelna ma jirin.” ayay tiri, iyadoo jikada gambar ka soo sidata. “Aaween, gabdhahaygii?” ayay weyddiisay, markay fadhiisatay.

“Guriga habaryar Hindi ayay u hoydeen.” ayuu yiri, isagoo si u cabsanaya.

Sidii wax hingoonaya ayay u warsatay:

“Odaygu, ma hadli karaa?”

Inay muran uga socoto, lana garrami doonto Aw Diiriye, ayuu u qaatay.

“Hadalkiisu ma badna.” ayuu sidii inuu cudurdaaranaya ugu yiri.

Waxay mar kale soo aadday sariirtii odaygu ku labanlaabnaa. Maro baati ah oo ku jactadday xummaddii xanuunkiisa oo ilaa feeraha u saarnayn ayay hirig ka soo tiri. Lafihiisii qayaxnaa baa sidaas isu wada taagay.

“Fadhiiso, waad i furaysaaye!” ayay ku salaantay kagana kicisay, hurdadii wajaca jirkiisu la duubnaa.

Labada indhood ayuu si xanuun leh galac uga siiyay. Wuu hadli karaa, wuxuu ku hadlase, meesha yaallaan.

“Waxba ha isku kay maskiinin hana ii muujin in aad tabar yartahay. Aniga, madaxayga i sii, ka dib, haddaad rabro dhimo ama iska noolow, waa adiga… Laakiin aniga….”

Deeq oo galaas biyo ah wada ayaa soo gelay.

“Hooyo, aabbe miyaa toosay?” ayuu hooyadiis ku barqabtay.

“Indhaha wuu kala hayaa, hasa ahaatee, odaygan si loo rumaystaa way adagtahay. Kaalay, ila fiiri adigu…”

***

Buuq ayaa soo gelay gurigii Aw Diiriye. Gabdhihii reerka oo ay la socdaan abtigood Xasan iyo habaryartood Hindiya ayaa isla soo gelay. Intay bariidintu socotay, Biyood waxay ku fekeraysay, siday nolosheeda odaygan amarka iyo musiibada la yimid uga samatabixin lahayd. Niyadda ayay iska la sahwiday. ‘Markaan xajka joognay, oo aan ku iri iska kay cafi, waa kii ku celcleliyay adigu, i cafi. Waan la yaabbanaa, waayo, anigaa naftayda u baqayay oo ka cabsanayay ereygii iyo murankii na dhexmari jiray. Waan iska qaylo badnaa, laakiin, anigu ma khiyaamin weligay. Waxaan islahaa, odaygan awliyada ah, afka gaaban, weligaa waxaad ku qabsatay kaaga hari jiray, muxuu cafis kaga baahanyahay! Laakiin, dadow, sidaas ma aha arrini. Uun nool oo ilmahaygaba ku fac ah ayaa meel ugu huursanaa, anna aan ka warla’ahay. Waan isla qumanahay ayaan weliba cafis weyddiisanayaa! Oday waa abees. Aaminna ma gelo. Maanta, khiyaamihii baa jira oo dunida waa duubayaa iyo oday Diiriye ayay sidan ka suurtowdaa, waxaa ii dhow in aan khiyaamaha rumaysto, waayo, odaygu wuxuu isaga kay dhigay, malaa’ig dembiga iyo dhagarta ka daahir ah. Alleylehe, abris baa gogosha igula jiray! Weliba, abris iyo abees.’

Gabdhihii baa hooyadood dhinacyada ka maray. Midba garab bay ka istaagtay. Walaalaheed, markay odayga soo salaameen ayay bannaanka ula soo baxeen. Biyood, Xasan iyo Hindi baa gooni u shiray. Iyadaa hadalka qaadatay:

“Wax kasta waa sidaad u maqasheen. Ninkaan odayga ah, wuxuu ku kacay waa laydiin sheegay. Sidaas awgeed, waxaan rabaa…”

“Waxaad rabto iigu kaadi…” walaalkeed Xasan baa ka dhexgelay, “Horta, caafimaadkiisa nooga warran?”

“Xalay wixii ka horreeyay anigaa qaadayay oo dhigayay…”

“Sow odaygaagii ma ahayn, maxaad hawl uga dhigaysaa?” Hindiyaa weyddiisay.

“Haddaan ogahay wuxuu falay iyo wuxuu soo wado, kuma dhabarjabeen.”

“Maxaa idin dhexmaray?” Xasan baa ku soo celiyay Biyood.

“Nolosheenna ayaa laba weji kala yeelatay.”

“Warkan goorma ayuu la yimid?”

“Shalay baa iigu maqal iyo arag horraysay, ilmo uu leeyahay, waan dhalay.”

“Maxaa kale ayuu ku daray?”

Biyood baa inta fadhiga ku ribatay tiri:

“Wax kale kama ogi ee madaxayga iiga qaad, intuusan dhiman.”

“Biyood!” walaasheed baa lahjad adag iyo indho guduudan isugu dartay. “Dadka Ilaahay looma dardaarweriyo.” ayay ku canaanatay.

“Biyood i dhegayso…” isagoon hadalka dhammaysan ayaa laga soo dhexgelay. Biyo siin ku jira ayay Farxiyo u keentay. Intay hooyadeed eegtay ayay iska noqotay.

“Walaal Biyood, ma joogtid guri aad ka baxdo. Waxaad joogtaa guri aad ka dhimato. Furriin gadaha aad joogto, kuma habboona.”

“Walaalayaal, kadeed aan Eebbe ila maagin, anigu ku noolaan maayo.”

“Maxaad doonaysaa?”

“In lay furo ayaan rabaa, idinkuna walaallahay baad tihiin ee ila ogaada.”

Ereygaas markuu afkeeda ka soo baxayay ayaa waxaa ku soo wada orday, labadeedii gabdhood, Farxiyo iyo Fahmo docda taagnaa. Garka iyo gondaha ayay ka raaracsadeen. Illin iyo baryo ayay ku waajaheen hooyadood Biyood.

“Adigaa weligaa nagu waanin jirin hooyo, in aan aabbo u sabarno oo aan baarri u noqonno. Ma adigaa naga tagaya! Sabab hooyo, sabab. Aabbe, wuu xanuunsanyahay. Hooyo ha innaga tagin, hooyo macaan…”

Inay labadeeda gacmood kala dhex baxdo kana istaagto ayay damacday, haddana wejiga oohinta la bararay ee Farxiyo ayaa beerqaaday. Halkaas bogga ah ayaa qararac tiri. Lafteeda oo oohintu soo hayso ayay mar labaad fadhigii dhan kasta ugu dhaqdhaaqday.

‘Danta ayaa kaa adag ayaan maqli jiray. Wallee, dantu iyadaa qof kasta ka awood badan. Hadda, maxaan sameeyaa, waatan oo ubadkaygii baa faraqa igu dhaggan, odayganna lama joogi karo, ilmahanna kama tagi karo.. Adduunyadu waayo badanaa!’

Oohinta ubadkeeda iyo eegmada walaalaheed, erey ay uga afnaqdo ayay aqoonteeda waayeed ka dhex weyday!

Dhammaad

SHEEKOOYIN