Haddii aan dhaho: ”Afkii hooyo iyo dhulkii aabbe” Sax miyaa mise? W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

Haddii aan dhaho ”Afkii hooyo iyo Dhulkii Aabbe” Sax miyaa mise?

Waxa ay aheyd su’aal aan la wadaagay asaxaabta, waxaana ka soo noqday jawaabo badan oo kala duwan badankoodse aad isugu dhawaa. Marka aad aqriso jawaabaha fal-celiska ah oo la bixiyay waxaa kuu soo baxayo in loo batay difaaca kaallinta Hooyo. Waxa aadba is leedahay waxa la dhigay halkeedii, waa minaad ka deeymooto dhinaca xaqa hooyada. Waa tii xaddiisku ahaa: ”Ummak summa ummak summa ummak”.

Hooyada iyo kaallinta ay bulshada ku leedahay waa mid muuqato oo aan caad saarneyn, waataa haddana Rasuulkeenna suubban lahaa: ”AL-Jannah Taxta Akhdaamu ummuhaat”. Abaalka hooyadu, wax loo dhigo la waa…Middaasu waa biyo kama dhibcaan la isla waafaqsan yahay. Waa inta wax garata, nacas iyo qof liita kuma jiro xisaabta. Suugaanleeyda Soomaaliyeed, kaallinta hooyadu wax badan oo suugaanta ah ayey ku cabbireen oo aanan la soo koobi karin. Bal aqri ama dhegeyso kuwaan si aad u ogaato hooyada iyo maasooleyda Soomaalida:

  • Heesta hooyo ereyada Hadraawi
  • Heesta hooyo ereyada AUN Cabdi Bashiir Indhabuur
  • Heesta hooyo ee uu ku luqeeyo Cabdulle Yuusuf Hanuuniye
  • Gabayga (Saar) hooyo AUN Careys Ciise
  • Gabayga hooyo Abwaan Qummane
  • Gabayga hooyo Abwaan da’ yar Camaari
  • Guuroowga hooyo AUN Abwaan M. Gacal Xaayoow

IQK oo badan.

Intaas hordhaca ah waxaa iga keenay dareenka ka dhashay falcelintiina oo mararka qaarkeed aan arkaayay dad si caro leh iigu soo jawaabayo si aan dafiray kaallintii HOOYO. Idinka ma idinla tahay in aan dafiray kaallinta hooyo su’aashaas darteed. Middaas idinka ayaan idiin daayay. Waxa kor ku xusan oo su’aashu ay tahay waa laba erey iyo laba erey oo kala ah: (AF, Dhul) iyo (Hooyo, Aabbe), hooyo iyo aabbe waa laba waalid oo naga mudan in aan baarri u noqonno, sida ay u kala mudan yihiin diinta iyo dhaqanka ayaa xusay waase laba waalid oon ka beerannay.

Af iyo dhul, waa laba sheey oo la leeyahay. Sida loo kala leeyahay lafteeda waa kala mudan yihiin oo afka waxaa la siiyaa hooyada. Waa iyada waxaa af baro ilmaha, canugguna hooyada ayuu ku xiran yahay badiyaa as-baabo kala duwan darteed. Marka afku, waa afkii Soomaaliga, Carabiga iyo iyo. Mother language, Luqatul um, modersmål , Mader language IQK.

Qodobkaasi maahin biya dhaca su’aasheeydu. Soo bandhigidduna igama aheyn canaad iyo xujo bals, dhulku, waa meel goob xudduud leh oo qof ama dadi ay leeyihiin, dadku waxeey noqon karaan qolo, qabiil, qowmiyad ama dowlad. Dhulku, waxa uu qaataa dadkaas ku nool magacooda, marna dadka ayaa qaata magaca dhulka ay ku nool yihiin. Labadaas fikir waa lagu kala geddisnaan karaa, waana lagu kala miisaan badnaan karaa. Magaca cirqiga aad ka soo jeeddo iyo degaanka aad ka soo jeeddo, waa waxa ugu horreeyo ee laguugu garan karo. Waxaa sii adkeyn karo caddeynta hawiyadaada waa afka oo isagana kaallintiisa muhiimka ah leh. Afka iyo degaanka oo salka koowaad oo caddeynta u ah caddeynta qofka aad tahay.

Dhulku, waa wax u dhexeeya dadka ku nool labka iyo dheddigaba. Waxeeyna ku leeyihiin: xuquuq ku noolaansho, tacbasho iyo ka faa’iideysi badan oo kaleba. Labadooduna, dhulku waxa uu ku yeelanaa waajibaad ballaaran oo iyaga dushooda saaran. Waa middaas midda kugu xambaareyso in aad u dhimato oo aad cadaw kastaa ka yureyso, dhiiggaagana u hurto. waa kii laashin: Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” AUN uu ka lahaa:

  • Salaxa iyo suleeqadaad qabtiyo, Soohdintaya diintu
  • Afartuba isii malahan iyo igula saaxiib.

Haddaba, salaxa uu laashinku tilmaamayo, waa dhulka ama beertaada, suleeqadu waa xaaskaaga, soohdintuna waa cirifka iyo halka xudduudda u ah; dhulkaaga. Diintuna waa noloshi, dhaqanki iyo jiritaanki oo isku duuban. Diinta lafteeda ayaa caddeysay in dhulka aad ku nooshahay, xaaskaaga iyo diintaadaba loo dhiman karo, inaad dhowrataana ay sharaftaadu ku xiran-tahay. Qormada haddii aad adiga meel dhaw ka aragto yeelkaa. Jinkeey maahan in aan meelo suke fiirsho…Isheydu waxa ay qabataa meel fog.

Aan isku dayo in aan luuqa ka soo baxo oo aan bannaanka imaad oo waa tii la yiri: ”Bannaankiisa mare maradiisa geed ma xagto”. Waana hee tii mug kale la lahaa: Luuq luuq maroow bannaankaa u dambeeyo”. Dagaandegga dulucda iyo ujeedku waa kan: ”Dhulka ma aabbaha ayaa leh mise hooyada” mise wuu ka dhexeeyaa. Aan ka nimaado magac bixinnada kala duwan oo siyaabo kala duwan iyo ujeeddooyin kala duwan ku kala baxay. (Faderland, Moderland) Dhulkii aabbe, dhulkii hooyo, waa magacyo na soo galay oo Ideologiyo iyo falsafado hore oo ujeeddooyin lahaa. Mar waxaa la yiraa: ”ArdulAjdaad”, dhulkii awoowada.

Hooyadu, canugga ay dhasho maxay dhaxal ahaan u siin kartaa?

Aabbuhuse, muxuu dhaxal ahaan u siin karaa canuggiisa?

Waa halkaan, biyadhaca ujeedka. Abtirsiinta ayaa ah midda meelaha qaar loo cuskado oo waa meelaha qaar sida laga isticmaalo ee qabiil ku abtirsashada, meelaha qaarna waa ka tageen oo magaalo ayaa lagu abtirsadaa gadaasha dambe. Kolka haddii abtirsiintu ay tahay nasabka xagga aabbaha, canuggu waxa uu raacayaa nasabkaas sida diintuba qabto oo aayadda: 54-AAD ee suuradda: Al-furqaan ayaa leh:

.فَجَعَلَهُ نَسَبًا وَصِهْرًا

Eebbe wuxuu yiri, waxaan ka yeelnay: “Nasab lagu abtirsado oo ah; Aabbaha iyo sihri oo ah: hooyada”.

Haddaba, yaa Soomali ah? Yaa Masri ah? Yaa Swedish ah? Yaa Jabuutiyaan ah? Jawaabaha su’aalahaan ma isku midbaa mise waa kala duwan yihiin? Haddii ay kala duwan yihiin ”Maxaa ay ku kala duwan yihiin?” Xuquuqda dhalashada iyo lahaanshaha degaanka labada waalid ma u simman yihiin mise? Xuquuq iyo waajib, waa laba sheey oo wada socda isku xiran kala duwan oo aasaas u ah wax kasta ka billoow qoysga guriga illaa dowlad ilaa QM.

Labada isqabto, waxaa ka dhexeeyo xuquuq iyo waajibaad Zowjiya, dalku xaq ayuu kugu leedahay waajibna kugu leeyahay. Xuquuqda bixinta muwaaddinimmo ma aabahaa ayaa bixinayo mise hooyada? Yaa dhihi karo canuggeygu waa Soomaali ”aabbaha mise hooyada?”

Jawaabaha iyo talobixinta iyo furfurka halxiraaluhuba waa xaggiinna.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN