Haddii WIILKU yahay WADDANI maxaad tahay WAAYEELOOW?!

12670258_1668759450065879_8487386281575903525_n

Haddii WIILKU yahay WADDANI maxaad tahay WAAYEELOOW?!

 

Bulsho marka ay TIIH ku jirto iyo jiha wareer, waxaa lagu gartaa, is ku dhexyaac ogaal iyo ka la saarid la’aan aqoon. Wax walba, waxay u yihiin wax weyn, maadaama aysan samayn karin. Wax walba waxay u yihiin, wax qiimo leh, maadaama aysan ku hirgelin karin. Wax walba waxay u yihiin waxtar, maadaama aysan ku dhiirran karin.

Wax walba, oo dhaqaaqa, ee neexsada, waa u booddaa, iyada oo u qabta, naruuro iyo neecoow. Ma hubsato, ka ma fiirsato, mana ka baaraandegto waxa ka iman kara, ee waa haabataa, baalkana gashataa. Nacfi, nuxur, qiimo, tayo iyo ka ma fiirshaan waxtar. Wixii cusub caalamkaa jecel, ayaa u ah halbeeg iyo tusmo. Waa la sheegaye, adna ha ka harin.

Wiil aan la barin, lagu barbaarin WADDINAYD, ayey ku leeyihiin, waa WADDANI. Abuurka, aqliga iyo hibadu waa gaar, haddana, maangalka Aadanuhu wuxuu dhigayaa, qofka wixii aan la barin ka badan looga ma fadhiyo, balse, isagu is kiis dheeraad waa u la iman karaa. Tiro ciiddan ka badan ayaa halabuuray, wax aan la barin, haddana, ma ahayn, wax laga sugaayey, ka hor inta aysan la iman.

Maangalku wuxuu dhigayaa, in wiilkan maadaama aan lagu habin dhaqan WADDANIYAD, uusan asna noqonayn WADDANI, waliba da’diisa yar, ogaalkiisa gaaban iyo aqoonta liidata. Hadduu waynaan lahaa, waaba loo qaateen, oo waayaha wixii uu ka bartay, baahida jirta iyo waxaa lagu garan karaa sida uu isu xilqaamo.

Maangal ma garanno badankeene, aan caaddifadda ku tusaaleeyo. Wiilku haddii uu WADDANI yahay sida la yiri, adiga leh waa WADDANI maxaad tahay? Wiilka yar, wixii uu gartay, miyaad garan waysay? Saw ka ma dhigna, in aad is caynayso, oo aad leedahay, aniga wiilkaa yar ayaa iga garaadsan? Inta aadan is caayin is ceebso! In aad qof kale u qirto wax uu ku dheer yahay, waa geesinnimo, balse, marka ay boor is ku qarin tahay, qiimo gaar ah ma lahan. Micnaha, marka aad rabto, in aad fashalkaaga ku qariso iyo gaabiskaaga, waliba, dayoga ku hayo dawo u dayaya!

Si kale, WADDANIYADDA maxaa halbeeg u ah? Wiilku ma ciyaarayey, mise, dal buu difaacayey? Ma ogaa, in uu dal difaacayey, mise, waxay u eheed dheel? Waxa uu la ooyey, ma in uu qarankii uu matalayey guuldarraystaa, mise, waa in ciyaartii looga badiyey?.

Hubaal, in aysan guuldarradu ahayn wax la wada jecel yahay, oo aan aragnay, dad waaweyn, oo ilmaynaya, marka guushu raaci wayso, haddana, wiilka Cabdirisaaq ahi, tiisu maxay ku salaysneed? Ma la dhihi karaa, erayga dheelba ka garee, dheeshii uu dhaleeyey, oo dhankii uu raby aan dhicin awgeed, ayuu la ilmeeyey, ee qaran, dawlad iyo bulsho metelaaddeed warba u ma hayo?.

Ma ahan, in aan Cabdirisaaq wax u dhimayo ama ka dhimayo. Ma ahan, in aan uurkiisa dillaacshay ama daalacday, oo waxa ku dhexjira ogahay, haddana, adiga ayaan ku la hadlayaa, oo aan doonayaa, in aan ku la wadaago, dareenkayga ku aaddan dhacdada guud ahaan, ee ha u fiirin, in aan Cabdirisaaq wax u diiddanahay ama aanan la rabin guul. Guuleyso Cabdirisaaq.

Waa hubbanti, anigan dhashay dawladda oo jirtay, haddana, aanan wax ka aqoon, in uu isna iga sii xaggeeyo. Barashadu waa meesheeda, oo waaba sheegayoo, “eex uur HOOYO ayaa laga bartaa” waana dhici kartaa, in Cabdirisaaq noqdo HALYEY, haddana, uuba ahaan karo, balse, HALYEYNIMADA Cabdirisaaq, adigan tilmaamaya, ee u qiraya, maxaad ku qiimaysay? Maxaad ku qiyaastay? Maxaad ku miisan tahay? Ma ilmada? Ma badis la’aanta? Ma dheesha dhaammaad xumadeeda? Ma guuldarrada? Mise WADDANENIMO?

Qodobka aan uga socda qormada waa kan; ILMADA Cabdirisaaq maxay ku salaysneed; ma ciyaarta oo uusan cagtiisa ku caanamaalin, mise, HALYEYNIMO WADDANIYADEED? Hadday tan hore tahay, caado soo jireen ah waaye, curudna ku ma ahan Cabdirisaaq, sida aysan ugub u ahayn, haddiise ay tan dambe tahay, oo Cabdirisaaq kubbad laga badiyey darteed u ooyey, uu WADDANI ku noqday, adigu maxaad tahay? Ka sokow, inta aadan dhihin Cabdirisaaq waa WADDANI, oo aadan siin aqoonsiga WADDANINIMADA, horta adigu WADDANI ma tahay?!

Anigu waan ku la qiri kiraa, in Cabdirisaaq WADDANI yahay, balse, inaan ku la qiro, qiil kuugu noqon mee, in aad adna WADDANI tahay! Uga ma jeedo, in aanba WADDANI ahay, balse, waxaan ka soo horjeedaa, WADDANIYADDA, sida xaashinyihii loo bixinayo, walibana qof walbaa bixinayo!

Dhibka ugu adag, ee Cabdirisaaq haysta, sugayana aayihiisa dambe, waa adiga maanta leh HALYEY iyo WADDANI, oo berri qabiil, qabyaalad iyo beel marka uu weynaado ku fogyn doona ama ku tatajin doona! Haddii WIILKU yahay WADDANI maxaad tahay WAAYEELOOW?! 10632706_575419522612806_4792517556211876314_n

Qof qabyaalad beega ammin walba, ee haddana raba, in uu qof ku siiyo summadda iyo astaanta WADDANINIMO, ma xanuun ka weyn ayaa jira? Qofkaa ma la dhihi karaa, waa qof fayow, oo miyirqaba? Is ku dhexyaac ka weyn miyaa jira kan oo kale? Waxa aad ku faradhuuban tahay, ee aad si fiican u taqaan ee xumaanta ah, ee dib u dhaca ah, ee xagjirnimada ah, lidkeed iyo waxa ka soo horjeeda, ee samaan ah, hormar ah, wanaag ah qof kale ku ammaan waa dhib!

Cabdirisaaq, waajibkiisa ayuu gutay, shaqadiisa ayuu ka soo dhalaalay, xilkii saarraa ayuu ka soo baxay, ee adigan HALYEYGA iyo WADDANIGA ku tilmaamayaa, bulshada maxaad u qabatay? Maxaad ku soo biirisay? Maxaad ku korshisay? Maxaad lagaa dheefay dhalashadaadii ka dib? Maxaad ugu taal dadkan? Maxaad u qabatay dalkan? Maxaad u hurtay ammin, dhaqaale iyo maskax inta? Maxaad ….. maxaad…… maxaad…. Maxaad…

Sida aan weydiimahan iyo kuwo kale uga warceliso ayaa summad kuu noqonaysa, ee horta, inta aadan qof kale AQOONSI siin, adigu is AQOONSO! Qiiro Jabbaanka, aniga la igu ma qaldo, ee la noqo, oo qolkaaga iyo qoolka ku qabbiro!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/ 

SHEEKOOYIN