HAL ABUURKA HILAADIN KOLKII AAN DIB U HILAADIYAY W/Q: Axmed Maxamed Xasan

HAL ABUURKA HILAADIN KOLKII AAN DIB U HILAADIYAY

 

Maanta oo ay bishu tahay 50/01/2018 waxaan ebyay akhriska buugga “HILAADIN” ee uu qoray “QARYAAN” Bashiir M. Xersi. Inta aanan galin ararta buugga aan qeexo erayga “QARYAAN”.

Qoraa: waa qof buugaag iyo maqaallo la akhristo qora.

Hal-abuur ama Abwaan waa nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh.

Labadaa haybadood ee is hareer socda ninkii isku darsada Eebbana uu huwiyo waxaa la yidhaahdaa “QARYAAN”.

 

Bashiir M. Xersi aqoon qofeed iyo mid qoys toona uma lihi, balse in labadaa eray (QORAA & ABWAAN) uu kulansaday waxaa ka marag kacaya buugga “HILAADIN” waana sababta aan oogu dooray magaca “QARYAAN BASHIIR” ee aan intaa uga gudbo mancaha magaca.

Haddii aan u gudbo buugga “HILAADIN” waxyaabihii aadka ii soo jiitay intii aan ku gudajiray akhriskiisa waxaa ka mid ahaa gogol-dhigga, gun-dhigga iyo gaba-gabada buugga.

 

GOGOL-DHIGGA:

Qoraagu waxa uu ku xusay qiimaha waalidku uu leeyahay gaar ahaan “HOOYO”. Aniga qof ahaan waxaan qoray in ka badan kun maqaal, sidoo kale waxaan akhriyay in ka badan boqol iyo soddon buug oo qorayaal Soomaaliyeed ay qoreen. Anigu horay uma adeegsan, sheeko kuma maqal shaahidna uma aanan arag qoraa Soomaaliyeed oo maqaalkiisa ama buugga uu qoray ku bilaaba xusida iyo xurmaradda waalidka. Waa mid Bashiir u gaar ah waana bogaadinayaa. Hooyadaa, hooyaday iyo hooyo walba oo Soomaaliyeed, hooygooda Ilaahay janno ha ka dhigo “Aamiin”

GUN-DHIGGA:

Buugga “HILAADIN” sida ay u badanyihiin qoraaga Soomaaliyeed waxa ay ka hadlaan intooda badan tagtada iyo timaaddada, balse qoraaga “HILAADIN” waxa uu kaga duwanyahay in uu buuggan kaga hadlay tan hadda taagan, taas oo kugu hagaysa inaad yeelato han iyi hammi, si aad u higsato waxii aad horay uga habsaantay.

GABA-GABADA:

Qoraagu waxa uu ka hadlayaa “HOGGAANKA WANAAGSAN” waa arin waajib ah loona baahanyahay in muwaadin walba oo Soomaaliyeed uu ka hadlo, waayo marka aad aragto in waddankaagu uu yahay midka dunida ugu xun, ama mar walba lagu daro waddammada dunida ugu musuqmaasuqa badan, marka lagugu tilmaamo ummad fashilantay, marka aad aragto silica iyo darxumada meel walba ku haysata muwaadinka Soomaaliyeed waxaad mar walba tamanniyaysaa hoggaamiye badbaadiya dalkaaga iyo dadkaaga, sidaa darteed waa in had iyo goor laga hadlaa hoggaanka wanaagsan.

 

Guntii iyo gaba-gabadii waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba bogaadinayaa “QARYAAN” Bashiir M. Xersi, waxaan sidoo kale mahad gaar ah guddoonsiinayaa saaxiibkay Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) oo dadaal dheer u galay sidii uu ii soo gaadhsiin lahaa buugga “HILAADIN” waana helay.

 

Buuggaagii “HILAADIN” iyo hammigaagii wacnaa ee hingsanaayay meel dheer, helay waana kaaga soo hambalyeeyay

 

W/Q: Axmed Maxamed Xasan

ahmed3151@gmail.com

SHEEKOOYIN