Haldoorka Nolosha Waa Isaga! W/Q: Maxamed Mukhtar “Fuaad Yare”

Untitled copy 2

Haldoorka  Nolosha waa isaga!!

Saaxiib ka fiican, ka baarisan, kana deeqsinimo badan weligay maan arag mana arki doono. Yaraanteydii markaan soo garaadsaday ee caqli yeeshay ayaan ogaaday inuu ahaa garabkeyga midig ahaan doonana weligiis, intay naftiisu ku baaqi tahay dhulka “inta uusan dhiman”, Eebbe haku daayo noolow oo jir oo joog.

Anigoo yar ayaan u xiisi jiray hadduu saacado badan iga maqnaado, waa astaan ii gaara ooyinta haddii uu soo daaho. Hurdada igama soo dhacdo haddii aan isaga la seexan, Had iyo jeer marka uu soo noqdo wuxuu ii keenaa shay aniga iga farxiya.

Wuu ila ciyaara haddii uu waqti fiican heysto, waa majaajileyste si fiican iiga qosliya markaan aamusanahay, wuu naxariis badan yahay haddii aan ooyo wuu idareensiiya inuu ka xun yahay ooyinteyda. Waxaan ku soo barbaaray laabtiisa, waqtigaasi mid xusuus mudan iga dheh, waan ku ceshceshtaa sida filimada, xusuusta waqtigii aan yaraa aniga iyo isaga soo wada noolaanshaheena.

Duruuf,xanuun,walbahaar iyo fikir walbaa ee adduunka iga soo wajaha waa xalka kaliya ee aan u heysto isaga, Alle weyne ka sakoow, waxaadba mooda in loo sameeyey xalista mushkiladahayga,wuuna yahay haddii aan dhinac kaleba u fiirino, Alle ayaa mahad ku leh aniga ii dooray isaga. Boqolaal dhallinyaro ee asaageyga ah ayuu idhaafiyey, maanta magaalada shayga ku cusub jaad kasta uu yahay dhar,kabbo iyo wax kaleba ay dhallintu xiisay kuna wada yaacdo, waa hubaal anigoon weydiisan buu kadis iiga dhigaa, kamaba fikiro qarashka badan ee ku baxaya meel uu ka keenaba waa kaa soo dhameystiray, majiro qof aniga iga nasiib baddan .

“Alle ayaa albaabada Raxmada inoo furi doona” waa halkudhiga uu marwalba nafteyda ku dajiyo markay waxay muhato weyso, waan u calaacalaa balse wuu i waaniyaa, Arrinta kaliya uu I xasuusiyo waa Cibaadada iyo ku xidhnaanta Alle. Ma koobi karo isaga waxaan kala kulmay.

Wuxuu igu waaniyaa marwalba muslimiinta oo dhan inay iga nabad galaan, in aanan dhibin qof Alle rumeysan, ixtiraamana kuwa iga weyn, ilaaliyana kuwa iga yaryar, In aan caawiyo kuwa iga nolol liita, lana tartamo kuwa ila da’da ah si wanaag ku jiro aan aheyn ficil xumaan keena, in aan la saaxiibo kuwa iga wanaagsan, kuna daydo kuwa ay ka muuqato diintu.

Waa caalim yaqaana aqoonta maadiga iyo diiniga, wuxuu iga caawiyey xifdinta Qur’aanka kariim ah, sidoo kale kaalinta koowaad ee imtixaanka loogu baaso inaan ka soo muuqdo ayuu igu taageeray, waxaan gaadhay guulo muhiima isaga daraadii, maxaan oran karan maxaanse ku tilmaami karaa?. Anigu dareen aan ku cabbiro qof ahaantiisa maba lihi. Laakin waxan ku dadaalaya inaan sidiisoo kale noqdo.

Waan jecelahay isaga, horta halkee ku dhamaataa tirada ugu badani ee jeceylku gaadho, waan kuugu dhaaran karaa inaan isaga ujecelahay si aan xad laheen tiraba iskaba dhaafoo. Su’aal Kastaa jawaab ku habboon ayuu uhayaa, Waligay kamaan ooysiin kamana murugeysiin, mise niyohow wuuba qarsadaa haa laga yaabaa, waayo isaga wuxuu jecel yahay farxadeyda. Intaa ha iiga ekaato hadii kale waan u xiisi doonaa ..

Waa qofka uu Alle sababta uga yeelay inaan dunidan imaado,waa geesiga dhexda u xirtay nolosheyda, horumarkeyga iyo weliba kuwa kale oo aan anigu ugu weynahay, Kun karoonaha aan ku faano waa qofka iigu qaalisan raga dunidan kunool, madax,boqor,caaqil intaba wuu igala sareeya mana garab dhigi karo, Qofka aan ka faalloonaayo.

Waa Aabbe Macaan, Waa Aabe mudane, Waana Dhaqdhaqaaqa Wadnaheyga. Dhab ahaantii Waa qof bini’aadam ah. Igama istaahilo Hal maalin oo kaliya inaan xuso, saacad,daqiiqad walbaa ee noloshadeyda soo marta qalbigeyga ayuu kuxusan yahay. Waxwalbaa wuu isoo baray balse waxaan ka dhaxlay,Damiirka,Naxariista,Daacadnimada iyo Ku xidhnaanta Alle. Aabbahey waa qof Allihii abuuray Xidhiidh wanaagsan La leh, Intaas ayaan aniguna uga dayday . Allow Inagu kulmi Jannada halka ugu sareysa. Amin…

Dhamaad …

W/Q: Maxamed Mukhtaar Cismaan “Fuaad Yare”..

 

SHEEKOOYIN