Halgamadi lagu hungoobey! W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Halgamadi lagu hungoobey!

Ruuxii u halgama dad juhalo ah aawadood, waxa uu la mid yahay qof naftiisa dab qabadsiiyey si uu Wadada ugu iftiimiyo ruux indhoole ah
Mohamed Rashid Rida.


Che Guevara oo hormuud u ahaa halgankii (hantiwadaagga) ee lagu xoreynayey dadyoowga dabaqadda hoose ee Laatiin Ameerika ayaa lagu qabtay nolosha kaddib markii uu soo farmuuqay nin ari raacde ahaa, kolkii ari raacihii la waydiiyey sababta uu usoo tiftifay halgamaagii difaacayey qadiyadooda ayaa waxa uu ku jawaabay “daryanka hubka ee uu ciidanka u adeegsado ayaa mar walba iga didin jiray ariga waana sababta aan usoo tiftifay”.


Maxamed Kareem, kaddib sanadyo badan oo uu dadka reer masar ka difaacayey Gulufkii faransiiska ee uu horkacayey Napoleon Bonaparte, waxaa ugu danbeyntii lagu soo qabtay nolosha waxaana lagu xakumay dil toogasho ah, Napoleon oo doonayey inuu wax dareensiiyo Mohamed Kareem ayaa ku yiri sidatan “Waan kusii daynayaa haddii aad ii keentid Toban kun oo Kiilo garaam oo dahab ah taasi oo magdhow u noqoneysa askartii aad naga leysay, waxa aan ku siinayaa fursad aad ganacsatada reer masar ku soo weydiisato dhaqaalahaas”.


Mohamed Kareem waxaa lagu wareejiyey suuqyada isaga oo ka qabiran labada lugood si uu ganacsatada u haybsado qarashka dhaqaale ee lagu xiray xorriyadiisa, balse ganacsatadii ayaa ku gacan seyray dalabkiisa iyaga oo ku eedeeyey in dagaalladii uu faransiiska la galay ay dhaawac u geysteen isu socodkii dhaqaalaha iyo suuqyadii ganacsiga.


Napoleon waxa uu ugu danbeyntii ku yiri Maxamed Kareem “iminka waan ku daldalayaa, kuuma daldalayo in aad leysay askarteena, balse waxa aan kuu daldalayaa in aad u daagallantay dad uu ganacsigu kala qiimo badanyahay xorriyadda dhulkooda”.


W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN