Halista hubka Carruurta iyo Maalinka Ciida WQ: Sunni Carays Fayte


Halista hubka Carruurta iyo Maalinka Ciida.

 pizap.com14683187729421

Saameynta dhaqanka bulsho.

Qof walbaa wuxuu ku kacaamaa, kuna barbaaraa, dhaqanka bay’ada iyo deegaanka uu ku koro, haddii ilmaha yari ku kacaamo hooyadiis iyo aabbihiis oo Qaawan oo aan dhar gashanayn, hadhoow isagu ma ceebsanayo inuu noolaado isaga oo qaawan oo aan dhar gashanayn, waxayna noqonaysaa mid naftiisa la fal gasha.

Sidoo kale haddii ilmaha yari ku barbaaro bulsho wanaagsan oo dhaqan toosan, xumaantana la dirira wanaaggana isku dhiirigeliya, waa hubaal inuu ceebsanayo wax walba oo xun iyo wax walba oo aan wanaagsanayn.

Tusaale aan kuu siiyo, bulshadeena Soomaaliyeed nus qarni ka hor waxaa ceeb ka ahaa dhexdooda Balwadaha   Qaadka, Sigaarka, Qamriga iwm, waxaana dadka isticmaala ahaayeen 5% qofka bartaana wuu la dhuuman jirey isagoo og inuu wuxuu falayaa ay yihiin ceeb iyo wax aan qumanayn.

Muddo laga joogo 25 sanno waxaa aad usoo if baxaya in balwadaha qaarkood noqdeen kuwa dadka 40% dadku isticmaallo taasoo keentay inay bulshada indhaheeda ka noqdaan wax iska fudud oo aan sidaa u sii miisaan cuslayn.

Haddaba ujeedka qoraalkayga ayaa ah mid ku aadan,   carruurta yaryar ee maalmaha ciida iyo farxada loo iibiyo loona hadiyeeyo HUBKA, hubkani maaha mid dhab ah, balse, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda, “ Wadiiqad yar baa wadada ku tusta”

Hub uma baahna ubadkeenu

Carruurtu waa mustaqbalka bari, Aabbaha bari,Hooyada bari,Macalinka bari.Madaxwaynaha iyo Hoggaamiyaha Bari waa Hubaal in carruurtu waxa lagu tarabiyadeeyo ay inta badani ka soo dhalaali doonaan……

Qalad ka wayn ma jiro in carruuteena loo keeno Qoraygii qarankeena dumiyay oo ay looga dhigo wax fiican oo laysku hadiyeeyo ama ay ku madadaashaan, tani waxay u fududeynaysaa iney bari u noqdaan Qoryooley(Qori qaadyo)Wax Qarbuda, Qorigana aaminsan…

Agabka naloo soo suuq geeyey ee ah ciidsiinta carruurta oo loo soo ekeysiiyay qoryaha nuucyadooda kala duwan sida AK47, Shamshuutar, Dabajeex, Jabshe, Bistoolado iyo xitya Hoobiyaal ayaa waxa ay carruurteenu la ordayaan suuqyada iyagoona ukala baxay laba ciidan oo is diriraysa si ay u muujiyaan in ay askar yihiin .

Waa saamayn dahsoon mustaqbalka dhow markii cunugaaga u yaraanta ku jilo asigoo xabbada ridaya waa hubaal markii uu waynaado in uu dabka galayo isla markaana u qori ujoog noqon doono o qoriga xal moodo, maadaama uu ku soo ciyaaray kii been beenta ahaa, waa hubaal in xiiso u hayo inuu kan dhabta ah gacanta mar uun ku dhigo, xabbado holcayana ka rido.

Tusaale dhammaan dalalka adduunku ma jiro dal u ogol in carruurtoodu ay ku maaweeliyaan, kuna ciyaaraan nuucyada hubka ee na loo soo suuq geeyo halka Carruurta dalal kale ee adduunka loo suuq geeyo agab xambarsan ‪#‎Technolgy iyo Ilbaxnimo Xirfadaysan Sida Cumputero CagafCagaf,Diyaaraddo,Kamerooyin IWM.

Waxyeellada hubkaasi leeyahay

Dhibaatoyinka agabkaan waxa ka mida Dhalaan 8 jira o aan isbital ku booqday wuxuu ku waayay Mid ka Mid indhihiisa ka dib markii Kuul Qori AK ah laga so tuuray asiibtay…

Si aan uga hor tagno una muujino in aanan raali ka ahayn Agabkaan dilaya Mustaqbalka Carruurteena iyo dhallaankeena ee dhanka Nabada iyo Horumarka iyo in aan ka jiheysano wadada burburka iyo Dagaalada waa ina aan muujinaa Dareen xambaarsan la xisaabtan Dowladeed si aan dakaddaha dalkeena looga so dajin qalabkan dhibka mooyee aan dheefta noo lahayn, dhinac walba nabadgelyo iyo mustaqbalba.

Waa muhiim in aan Mar walba ka fikirno waxii dan inoo ah sida Mustaqbalka Carruurteena iyo in aan xaq u leenahay bulsho ahaan inan ka hadli karno wixii aan qalad u aragno sida xaaladda hadda taagan…

Bal qiyaas haddii dalkaagu uu noqdo goob loo soo suuq geeyo hub si tijaabo ah ka dibna ay dalalki ku soo suuq geeyay ee hubkaas sameeyey, uu mamnuuc ka yahay adeegsiga iyo isticmaalka hubkaasi, saw adigu ma tihid midkii lagu tijaabinayey sunta ee dhibka loo soo dhoofiyey dheeftana looga beddeshay iyo dhaqaalihiisi.

 

Gebogebo.

Waa inaan la Nimaadno qorshe xadidaya waxyaabahan dhaqaale burburiska ah ee aan dheefta lahayn, ahan dhiirigelinta xumaatada iyo inuu ubadkeenu noqdo, Burcad, hubeysan, Mooryaan, Jirri, iyo Dableey, waa in laga hortagaa in ciidaha dambe aaney dalkeena soo gelin waxyaabaha na loo soo suuq geeyo ee qoryo iyo hubka ku saabsan, ganacsatadu waa inaysan burburin mustaqbalka ubadka, maamulladuna waa iney fiiro dheer u yeeshaan, gaar ahaan kuwa Kastammada iyo dekaddaha dalkeenuna aysan ka qayb qaadan duminta mustaqbalka caruurteena .

WQ Sunni Carays Fayte

SHEEKOOYIN