Halka laga raadinayo xuquuqda dumarka W/Q: Anab Diriye

Canab

Halka laga raadinayo xuquuqda dumarka

 

Ka ma hadlayo xaquuqda dumarka Ilaah siiyey, oo qof kasta oo diintu wax uga billaaban tahay waa yaqaan. Waxaan halkan ku bidhaaminayaa xaqa gabdhaha soomaaliyeed meesha uu ku maqan yahay. Wax badan baan aragnay ilaa haddana la arkaa, iyadoo la leeyahay hay’adaha u dooda xaqa dumarka soomaaliyeed, welina cilladda la ma helin iyo meesha wax ka qaldan yihiin.

Xuquuda dumarkeenna waxay ku dhexmaqan tahay dhaqankeenna soo jireenka ah. Umadaha adduunka ku nool qolo walba dhaqan u gooni ah bay leedahay; dhaqan iyo hiddo raac dadkii aan lahayn jiritaankooda danbe halis baa ku dhici karta iyo in la waayo waxyaalihii hore oo ay soo mareen, haddaba, sidee xaquuqda dumarka ugu dhexmaqan tahay dhaqankeenna?.

Waxaan leenahay dhaqan wanaagsan, oo aan dadka kale uga duwan nahay. Waxaa jira dhaqanka mid laga tagi karo hadduu yahay mid aan wax gooni ah soo kordhinayn iyo mid aan laga teki karin oo haddii laga tago jiilka danbe ay samaysanayaan mid cusub, oo loo malayn doono, in soomaaliya aysan dhaqan hore lahaan jirin ama la mid noqon doonto dhul waqti dhow la helay.

Aan dib ugu soo noqdo meesha wax ka qaldan yihiin iyo sida loo maareyn karo. Dhaqanka ah in gabdhu guriga ka shaqeyso wiilashuna noqdaan daawadayaal marti ka ah howlmaalmeedka guriga, waa mid miyi iyo magaalo wadayaal. Waxaad arkaysaa gabar yar oo 7jir ah inay ay reerka ciidan u tahay, waxaana laga yaabaa, inay 5wiil la dhasheen iyaduna yaraantii tahay, gabdhaas waxay qabanaysaa howsha guriga oo dhan, haddey iskuulka wada aadayaan iyadaa hor kacaysa oo canjeelada dubaysa, shaaha karinaysa ka dib saxamadooda ugu ridaysa.

Waxba u ma arkayso waqtigaas ay howsha ku jirto, waayo, waa dhaqankeeda, cidna cabiid u ma ahan, in kastoo lagu qaylsho haddey wax si ka noqdaan, qayladaas tababbar baa laga wadaa iyo in gabadha la diyaariyo, si haddey reer yeelato u hanato gurigeeda.

Markii laga soo noqdo iskuulkii, meeshii bay howsha ka billaabaysaa, wiilashiina turub inay is ka sii dheelaan baa laga yaabaa, mid u diirnaxaya ma jiro, oo wuxuuba moodaa, inay waajib ku tahay howshaas ay qabanayso walaashiis, qofta ugu horreysa ee ku abaabisa howsha inay gabdhu leedahay waa hooyada dhashay, waayo, iyadaa sidaa soo martay.

Weli la ma arag haddii ay jirtana waa yar tahay hooyo tiraahda wiilalyahow walaashiin la qabta howsha wey ku badan tahaye. Hooyadu waxay jeceshahay, in ilmaheeda curadkaa ay noqdaan gabar, si ay howsha uga la wareegto. Gabadhu markay soo weynaato waxay ku hammisaa, inay guursato, si ay howshaan tirada badan uga nasato, laakiin ku ma talagelin, in wiil gabar walaashiis ah u soo shaqayn jirtay oo dharka u dhaqi jirtay, cunto u karin jirtay, mararka qaar la yiraah; naa wiilka cunto ma siisay inay u guri geli doonto.

Waxa taas kuu caddeynaya marka ay dharka dhaqayaan waxay dhagaystaan oo ka daba qaadaan heesaha ay is leeyihiin waa ku dhiirragelinayaan, si aad reer u samaysato, tusaale waxaan u soo qadanayaa heesta Sahro Axmed  ku luuqayso;

 

Caashaqa i soo riday 

Aan ka raysta howshee

sow ma raaco, sow maraaco, kaan rabay.

 

Dhaqankii sidaa ahaa wuxuu keenay, in wiilku u moodo walaashiis inay u qaabilsan tahay inay diyaariso ama ka fekerto wax kasta oo uu guriga uga baahan yahay. Hab nololeedkaa aan fiicnayn, wuxuu wiilka dhaxalsiinayaa, in marka uu guursado, uu u la dhaqmo xaaskiisa sidii uu gurigooda ku ahaa, sida in uusan caawin marka ay culus tahay ama cajis hayo iyo marka ay daallan tahay.

Wuxuu is ku dayaa, inuu ku qayliyo si ay howsha u qabato, waayo, gurigoodii buu ku soo arki jiray hooyadii oo gabadhii walaashiis ahayd ku qaylinaysa iyadoo leh; naa maxaad la fadhisaa, maad wiilka qado siiisid! Waxaas oo dhan maskaxdiisa bay ka soo buuxsantay, teeda kale wuxuu soo arkay hooyadii oo aan gabarba dhalin oo adeegto u joogto ama iyadu howsheeda qabsata oo xaajigeeda fadhiga wax ugu keenta, marka denbigaas oo dhan waxaa leh dhaqankaas aan wax macno ah noo soo saa’idinayn, oo aan ka hari la’nahay.

Ragga qaar markay seexdaan waxay xaaskii ku leeyihiin i kici berri meeel baan u socdaaye. Bal maa isagu kaco, kaba sii darane isagoon u sheegin inay kiciso haddey hurdo la tagto wuxuu ku leeyahay; naa belo kugu dhacdee, maxaad ii kicin weysay? Qaar salaadda subax ii toosi bay leeyihiin! Ma aalad uu samaystay baa, maxaa isaga korka ka saaray in xaasku wax u qabato?.

Aan ka jawaabee waxaa ku qasbaya ilaa markuu yaraa baa gabar ka wakiil ahayd, horay u sii soco, marka ay is la duqoobaan oo da’weyn gaaraan weysada iyaduu ka sugaa inay u keento, waxaana laga yaabaa, inay ka tabar yar tahay, iyaduna ma diiddo, oo wey keentaa ileyn waa dhaqankiiye, haddaba, sida looga gudbi karo, oo lagu joojinayo xaquuqdaan maalin kasta la raadinaayo oo haddana meel aysan jirin laga doonaayo, waxaa ka mid ah;

1-Soomaaliya dadka hadda ku nool waxay u badan yihiin dhallinyaro, wixii tagsaday ka soo noqod ma leh, waxaa dhallinta laga rabaa wiil iyo gabar kasta oo guur gaara inay howsha u simaan carruurtooda lab iyo dheddig. Waa inaysan midkood kan kale u adeejin oo aysan howsha guriga noqon mid gabadha ku gooni ah laguna ababiyaa in ay u wada siman yihiin.

Wey fiican tahay in gabdha la baro howsha guriga, waayo, haddii ay guursato oo Ilaah ilmo siiyo ninku shaquu aadayaa qofta guriga joogaysa waa iyada, marka si aysan u dhibaatoon waa qasab inay taqaanno sida howsha guriga loo qabsado. Waa in qayb laga siiyaa wiilka howsha guriga si isaguna markii loo baahdo uu xaaskiisa u caawiyo. Xaqa maqan oo maalin kasta aan maqalno waa is kaalmayn la’aanta qoyska, oo uu inta badan ninku xaaskiisa ku sii daayo shaqada adag ee guriga ka jirta.

2-Tan shaqo raadinta; waxaa jira in wiil iyo gabar jaamacad ka soo wada baxeen oo shahaado is ku mid ah wataan haddey shaqo wada raadsadaan in wiilka la horsiiyo gabdhiinna jidka ku soo noqoto. Ogow shaqadaas maahan mid xamaali ah oo xoog u baahan, taasna waxaa la rabaa, in wiilka guriga lagu baro, in shaqada caadigaa ay gabadhu u la siman tahay oo haddii ay madax noqdaan ay shaqaalaysiiyaan walaashood.

3- DHANKA GUDNIINKA, waa la mid oo sidaas oo kale baa looga doodaa weliba dad aan shaqo ku lahayn aqoonna u lahayn macnaha laga leeyahay gudniinka baa yiraahda waxaan u doodaynaa gabdhaha dhibaatada gudniinka fircooniga ah la gudo. Waxaa ku dacwoonaysa gabar kale oo soomaaliyeed oo miciin bidday hayadahaas shisheeye, taasna waxaa looga hortagi karaa ama lagu yarayn karaa iyadoo la guubaabiyo qoyska ay gabari u dhalato, si loo fahamsiiyo dhibaatooyinka caafimaad, nolol iyo qoys oo gabadhooda berri qabsan doonta, haddii la gudo. Haddi sidaa la yeelo arrintaas waa dabar go’aysa, marka waalidka waa ku qasnaan doonaan, inay ka joojiyaan gudniinka fircooniga ah.

Gabadhii tiraahda xaquuq baa iga maqan meel kale yaan laga doonin, ee guriga ay ku soo barbaartay bay ku dhexmaqan tahaye, ha laga raadsho.

Talo ku socota gabdhaha hadda guursanaya haddii Ilaah owlaad ku siiyo gaabdha ha u adeejin wiilka, oo meesha uu qaban karo oo uu ku fiican yahay u dir, si aysan u dhicin gabar danbe oo xaq baa iga maqan tiraahda, in kasta oo waxyaabo kale jiraan haddana middaan baa ugu weyn dhibka gabdhuhu ka dacwoodaan.

Waxaa muhim ah, in la ogaado, in dhibka dumarka haysat, uu dunida meel walba ka jira, bulsho walbana uu dhexyaallo, marka waxaa habboon, in qaab dhaqankeenna ku salaysan lagu baaro, laguna raadsho xalka, waa hubaal, in laga helayo xurmo badan.

 

W/Q: Anab Diriye

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.