Halkee Af-Soomaaligu ka soo jeedaa? Q-2AAD W/Q: Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim “Suldaan Garyare”

Halkee Af-Soomaaligu ka soo jeedaa? Q-2AAD

Sida uu buuggiisa “Taariikhda iyo Luqadda Bulshada Soomaaliyeed” ku caddaynayo Professor Mansuur waxa jirta in Af-Carabigu uu la wadaago bahdan Kushitigga, gaar ahaan Af-Soomaaliga saddex erey oo keliya, halka afafka kale ee Kushitigga sida Oromada iyo Canfartu ay la wadaagaan Af-Soomaaliga dhammaan ereyada. Marka la eego qoraalka Cabdalla Mansuur ayaa ah mid u muuqata in aan Af-Soomaaliga iyo Af-Carabigu aysan ahayn kuwo isir wadaaga marka laga reebo in ay kawada tirsan yihiin bahda Afafka ee Xemitic-Semitig (Afro-Asiatic), balse, afafka la isku yiraahdo Kushitiggu ay yihiin qaraabo amase ay yihiin kuwo ay ka dhaxayso ehel-afeed, ayna muuqato isu dhawaanshahoodu. Aqoonyahanka la yiraahdo Cabdulqaadir Saalax Maxamed, ahna cilmi baare ku takhasusay aqoonta dad-barashada (sociology) iyo tan dhaqankaba (anthropology), una dhashay dalka Ereteriya ayaa waxa uu qabaa in Af-Soomaaliga iyo afka saaxadu ay aad isugu dhow yihiin, ereyo badanna ka siman yihiin waxa uuna tilmaamayaa in ereyga Soomaali uu ka yimi “soo” oo ah xoolaha iyo“maal” oo iyana ah soo lis, sidaa si le’eg ayuu ereyga Saaxo isna ka yimi ”saa” oo ah xoolaha iyo “xo” ilaali ama dhaq, sidaa darteed ayaa waxa isku mid ah ‛soo iyo saa’ oo labaduba tilmaamaya xoolo.1

Sida uu isna ku caddeynayo qoraalkiisaHistory in the Horn of Africa”, taariikhyahan Maxamed Nuux Cali oo ah caalim taariikheed Soomaali ah, barena ka ah jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa ee dalkaasi Kanada waxa uu leeyahay: “Saaxo”, Canfarta iyo Soomaalidu waa isku dad waana isku af marka laga reebo deeggaannada ay ku ka la nool yihiin oo saameyn weyn ku yeeshay afafkooda, ka la duwanaansho afeedna abuuray.2 Waxa kale oo uu aaminsan yahay in ay isaga mid yihiin waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo “Universal Concepts”, Maguurtada ama erey dhaxaleedka (inheritance words) sida Cunid, Cabid (inkasta oo ereyga cabid af-Carabina uu yahay), Roob, Cir, Qorrax, Dayax, Xiddig, Dhul iyo magacyada Xoolaha iyo weliba sidoo kale xubnaha jirka dadka.

Waxa kale oo jira in afka Saaxo laga helayo qabiilooyin kuwaas oo loogu yeero ina ayahooda (magaca aabbahood), sida “Ona Daa’uud Gaisha, Ona Ismaaciil Gaysha iyo Ona Cabdalla Gaysha waana kuwo la mid ah sida: Ini Daa’uud Gaysha, Ini Ismaaciil Gaysha iyo Ini Cabdalla Gaysha, taas oo muujinaysa in ay sida Soomaalidu isugu yeeraan ina ayaha qofka ama qoyska. Waxa kale oo afka Saaxo laga helayaa erayo u eg ama u dhow Af-Soomaaliga waana kuwa ku xardhan ama ka muuqda jaantuska hoos ku yaal.

Canfar/Saxo                                                   Soomaali

  1. Abooyo – Abooto/ayeeyo
  2. Warise – Sheegid/werin
  3. Kaca – Duulid/kicid
  4. Ani – Ani
  5. Namma – Labo
  6. Sadixi – Saddex
  7. Affara – Afar
  8. Ilko – Ilko
  9. Laf – Laf
  10. Af – aF
  11. Qab – Kab
  12. Dhaln – Dhal
  13. Kimbir – Shimbiro 3

Sida afafka kale ee dunida ayaa Af-Soomaaligu leeyahay lahjado/Af-guryo (dialects) dhowr ah iyo weliba ka la duwaansho ku salaysan gobollada (regional varieties) ay Soomaalidu degto oo dhan. Sida uu ku caddeeyey qoraa Khaalid Cali (Guul) Warsame (aun) buuggiisa la magac baxay “Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida (2010),” waxa uu ku xusayaa in Afka Masaaridii hore (Ancient Egeptian) iyo Afka Soomaaligu ay wadaagaan ereyo dhawr ah waxa uuna Khaalid rumaysnaa in mar taariikhda ka mid ah ay isu dhawaayeen dadyowga ku ka la hadla Afafkan, Soomaaliga iyo Masaaridii hore, balse ay dhacday in ay muddo dhexe ka la durkeen, ummado kalena soo ka la dhex galeen. Qoraa Khaalid oo sii wata qoraalkiisa ayaa waxa uu tilmaamayaa ereyada ay Af-Soomaaliga iyo Afka Masaaridii hore isaga midka ahaayeen ama ay isaga dhawaayeen waana kuwan ku cad jaantuskan hoose.

Af-Soomaaliga                                                    Masaaridii hore

  1. Cir – Xir
  2. Qorrax – Rac
  3. Dayax – Abax
  4. Aniga – Anuk
  5. Isaga/usaga – Su
  6. Annaga – Anan4

Guud ahaan lahjadaha ama Af-guriga ayaa la rumaysan yahay in ay yihiin ama ay salka ku hayaan ka la duwanaashaha deegaannada bulshadu ku ka la dhaqan tahay waana mid ku xiran qaab nololeedka bulshadu u dhisan tahay. Waxa kale oo sababi kara lahjadaha, dabaqadaha nololeed iyo cunsurka bulshada oo ka la geddisan ama ka la duwan. Lahjadaha iyo dhawaaqa ka la duwan ee ku salaysan deegaamada bulshadu ku dhaqan tahay, ma aha mid loo qaadan karo ama ka turjumaysa in lahjaduhu ka la wanaagsan yihiin ama ka la sarreeyaan ee mid waliba waxa ay mudnaan iyo tixgelin ku leedahay deegaankaa lagaga dhawaaqo ama laga adeegsado. Waxa jira doodo la xiriira xagga ka la saaridda Afafka iyo lahjadaha, su’aalo badan ayaana la iska weydiiyaa waxa ay ku ka la geddisan yihiin AFafka iyo lahjaduhu. Waxaana aad u soo noqnoqota hadba lahjadda la adeegsado oo noqota Afka rasmiga ah ee dalka, maamulkuna adeegsado in loo arko lahjad ka sarreysa lahjadaha kale taas oo run ahaantii, muujinaysa in siyaasadi soo gashay meeshaa, bulshaduna ay u arkayso ama u dareemayso in mudnaan la ka la siiyey lahjdihii ama Af-gurigii ay ummaddu ku dhawaaqaysay.

1Cabdulqaadir Saalax Maxamed

2Maxamed Nuux Cali

3Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim (Garyare), 2015, Hormuud Habaabay. Stockholm, Sweden.

4Khaalid Cali (Guul) Warsame (2010).

W/Q: Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim “Suldaan Garyare”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

 

SHEEKOOYIN