Halkudhega dowladnimo iyo hoggaanka dalka
Ummad waliba oo adduunka ku nool waxey leedahay dano iyo duuruufo dhaqaale, siyaasadeed, hiddo iyo dhaqan deegaan iyo Hawo(Cimilo)…IWM oo iyada ugooniya,lagana yaabo inaaney jirin ummad kale oo la wadaagta.
Haddaba ummad kasta iyadaa laga doonayaa iney dagsato, sameysatana sharciyo iyo xeerar u adeegaya danaheeda, kuna jimmeysan duruufaheeda siyaasadeed, dhaqaale iyo cimilo, isla markaana ku saleysan kuna jaan go`an danaheeda diineed iyo hidde.
Waxaa iyana dharaar kasta soo kordha dano iyo duruufo horleh, waxaana si joogta ah isku baddala kuwii hore, arrintaas oo keeneysa in isha lagu hayo, si wixii cusubna xeerar iyo qawaaniin ku habboon loogu dajiyo, wixii is baddaleyna loola socdo, si loogu biiriyo wixii baahidu keeneyso; haddey ahaan laheyd xeelad horleh ama xeer cusub.
Ka hor inta aan la sameyn qawaaniinta waa in ay jirto aragtiyo quman iyo mabaadi` toolmoon oo laga heysto danaha kor ku xusan iyo kuwa la heer ahba, si loogu saleeyo qawaaniinta loo dajinayo duruuf kasta ee jirta iyo dantii la doonayaba.
Haddii ay dhacdo in ummad umaddaha kamid ihi; dadka arrimaheeda hor kacaya ay noqdaan kuwa aan laheyn aragti suuban iyo wada cad oo aayahooda ku jimeysan; waxaa hubaal ah oo waliba marag ma doonta ah, in dadkaasi ay ku milmayaan ayna fullinayaan dano iyo mashaariic dad kale.
Kuma sii jiraan danaha hoggaaminta iyo maamulka la xiriira, oo ayagu waxey u baahan yihiin foojignaan iyo taxadar dheeraad ah, maxaa yeelay hadii ayagu toosaan ayna haggaagaan, waxaa la toosmaya arrimaha kale ee umadda, haddii ay qaloocdaana sidoo kale wey la qaloocan.
Anigoo arrimahaas ka anba qaadaya ayaa waxaa ila gudboonaadey inaan wax ka iraahdo mabaadi` iyo aragtiyo guud oo ay tahay in lagu saleeyo sharciyada iyo xeerarka la xiriira hogdaanka waddanka Soomaaliya.
Markii la eego sharciyada hoggaanka la xiriira waxey si toos ah marka koowaad u quseyn karaan; seddex dhinac oo kala ah: dowladda dhexe, ismaamul goboleedyada iyo Axsaabta iyo ururada siyaasiga ah. Haddaba saddexdaas dhan ayaan ka kala eegayaa arrimaha.
Qeybta koowaad: Dowladda dhexe.
markii uu gumeystihii caddaa(Saancaddaale) ciimadasiisa kala baxay waddanka Soomaaliya, wixii ka danbeeyey, ummadda Soomaaliyeed waxey ku taameysay, in badanna quud dareyneysay mar uun iney ku diirsadaan, kuna doogsadaan Dowlad ay yeeshan, oo iyaga difaacda ee aan dilin, danahoodana dhowrta ee aan dayicin, sharciyadana ay iyagu iskood u siiyaane, ee aan iyadu isa siin, nasiib darose ma dhicin arrintaasi, oo wali baadi goob ayaa loogu jiraa, lagamana quusanoo, wali yididiil baa jira. Haddaba sidii loo heli lahaa Dowladdaas mar haddii doon doon loogu jiro, ayaa qofba dhan ka eegaa, qofba wax uu is leeyahay waa lagu gaari karaa ayuu soo bandhigaa(dadkaas waxaan kala jeeda kuwa aragti qaran xanbaarsan, kana duulaya isla ayada). Anigoo aragtidaa ka anba qaadaya ayaa waxaan soo gudbinayaa mabaadi` guud oo dhowr ah, oo ay tahay in lagu saleeyo dastuurka dalka, sharciyada iyo qaanuunada quseeya hey`adaha Dowladda dhexe, oo ay tiirka u yihiin: Golaha shacabka(baarlamaanka), Garsoorka iyo Golaha fulinta, saddexdaas tiir oo ay hoos imaanayaan hey`ado, qeybo iyo gudiyo fara badan. Aragtideyda arrinkaa ku aadanna waa sida tan:
- In la qaato nidaamka Madaxweyne fullineed ka ah, ee uu Madaxweynuhu xukuumadda madaxda ka yahay, uusanna jirin Reysul wasaare, dabadeedna madaxweynuhu asagaa soo dhisaya golaha Wasiirada, asagaana wax kasta lagala xisaabtamayaa, xatt’aa waxii ay wasiiradu bi`iyaan, Wasiiradana asagaa la xisaabtamaya. Waxey iila muuqataa nidaamkaan qaaddashadiisa iyo hirgalintiisa in wax badan looga badbaadayo, waxaa ka mid ah is qab qabsiga tirada badan ee mar waliba ka dhex aloosma, labada masuul ee kala qabata labadaasi jago, kaasoo aalaaba ragaadiya waxqabadka iyo howlaha xukuumadda. waxaa la helayaa hal qof oo masuuliyadda qaada, wax kasta oo xukuumadda quseeyana lagala xisaabtamo, waxaana meesha ka baxaya in Madaxweynuhu uu masuuliyadda saaran k asiibto ama qof kale u saariyo. Sidoo kale waxaa dag dag noqonaya go`aan qaadashada masuulka jagadaas haya.
2. Waa in la tirakoobo hantida qof kasta oo xil qabanaya(hantida maguurtada ah iyo tan guur-guurta intaba), sidoo kale waa in tirakoob lagu sameeyo hantida qofka xilka qabanaya xaaskiisa iyo waliba carruurtiisaba, ka dibna ay ka reebnaato dhammaantood in ay galaan ganacsi, waxaase u furaanaanaya iney noqdaan shaqaale mushaari ah, qofkii xil baneeyana waa in la tirakoobo mar kale hantidiisa, hantida xaaska iyo tan carruurtaba. Hadii sidaa la sameeyo waxaa laga faa`iidayaa dhowr arrimood; wa midda koowaade waxaa si fudud lagu ogaanaya qofka xilka qabtey wixii hanti ah oo u korortey intuu uu xilka hayey, kadibna waxaa soo baxeysa in uu xoolo lunsaday iyo inkale; si haddii dheeraad kusoo baxo dib loogu celiyo hantida Qaranka. Marka 2aad waxaa dhamaamneysa sheeka baraleyda ah: anigu xoola ma lihiye xaasaskeyga ayaa ganacsato ah ama in hantida lagu qoro xaaska iyo carruurta. Marka xigta waxaa soo af jarmi kara hadii arrintaas si toos ah loo hirgaliyo xil ku tanaadida iyo ku xooleysiga jagada.
3. Caddaalad-daradii Ummadda Soomaaliyeed daashatey iyo dhibaatadii ragaadisey, oo adduunka ka reebtey, si looga baxo ayaa hadba meel laga baadigoobaa, marba si` loo raadiyaa, qaabkii ugu danbeeyey ee la danbidey wuxuu ahaa: awood qeybsi beeleedka, habkaan awood qeybsiga ah, ee qabiilka ku saleysan waxaa la galiyey dhankasta oo dowladda ka mid ah, waxaa hab beeleed lagu qeybsadaa qeybaha kala duwan ee Dowladda sida:(Barlamaanka, Xukuumadda, maamulka dowladda, diblomaasiyiinta, laamaha kala duwan ee ciidanka iyo shaqaalaha bulshada rayadka ah), ka dib markii hab beeleed wax kasta lagu qeybsadey, meel kasta oo nolosha ka mid ahna la galiyey, ma lagu heley caddaaladii la baadi goobayey? mase looga baxay dhibtii laga cararayey? maxase laga dhaxley? hubaal dhib iyo diif toona loogama bixin, garsoor iyo guul midnana laguma helin, waxaase laga dhaxlay in Xukuumad kasta oo dhalataahi ay howl gab noqoto, ileyn dadka shaqada loo dhiibey waxey ku yimaadeen war yaa ii tolaheey, musuq maasuq iyo iska daba wareeg, waxeyna ku soo baxeen sidii uu sheegey maansayahan Yamyam:
- Kuwa damacu waaloo, danta guud ka beyroo
- Dawarsigu la wacanyahay, daqligu qoys u xiranyahay
- Dakanadu halbeeg tahay, daqar aan qaboobeyn
- Qabyaaladi dastuur tahay, daneysigu ku hodanyahay
- Dib kanaax xildhaan yahay, dable janan dalacay yahay
- Nin doorkuna damiin yahay, doqonkuna fariid yahay
- Darxumadu wanaagtahay, daryeelkuna ku diim yahay
- Daran doori qarax yahay, danbiiluhu shariif yahay…
Haddaba inta ay Soomalidu ka gaarayaan nidaam dowladnimo ee ku yimaada doorasho dadweyne qof iyo codkiis, kuna saleysan hab deegaan, ka dib markii la helo tira koob rasmi ah ee aan mala-awaal aheyn, gobollada iyo degmooyinka raacsanna loo jeexjeexo la iskuna raaciyo si u adeegeysa danta Qaranka, lagana gudbayo habka awood qeybsi beeleedka; waxaa haboon in awood qeybsi beeleedka “lagu ekeeyo Baarlamaanka iyo Xukuumadda, ee aan la gaarsiin maamulka Dowladda, waayo wuxuu keeney tayo xumo halis ku ah habsami u socodka maamulka dalka(rayid iyo milatariba”[1], sidaa awgeed waa in maamulka dowladdu uu noqdo mid lagu gaaro aqoon iyo howl-karnimo, ee aan lagu saleyn awood qeybsi beeleed, kadib markii loo dajiyo sharciyada iyo qawaaniinta qeexeysa habka lagu qoro shaqaalaha dowladda, lagu qiimeeyo, lagu dalacsiiyo, laguna galiyo howl gabka.
Qeybta labaad: Axsaabta siyaasiga ah.
Intaanan guda galin arrinta ku saabsan sharciyada la xiriira Axsaabta siyaasigga ah ee la quud dareynayo iney mar uun ka hirgalaan waddanka Soomaaliya; waxaa mudan in marka hore la isweydiiyo waa maxay Xisbi siyaasi ah?
Labada eray ee kala ah: Xisbi(wadartiisuna tahay axsaab) iyo siyaasi(ee kayimid siyaasad) labaduba waa laba eray oo Afsoomaliga kasoo galey dhanka Afcarabiga, hasayeeshee ka mid noqdey Afsoomaaliga, kadib markii loo yeelay dhawaq iyo dhadhan Soomaaliyeed, luqad ahaanna ujeedkooda guud waa la garanaya. Sidaa awgeed labadani eray waxey ka midyihiin erayada aan tira koobka laheyn ee aadka ubaaxadda weyn ee Afsoomaaliga uga soo biiray dhanka Afafka shisheeye; arrintaasina ma ahan wax Afsoomaaliga oo qura ugooni ah, ee Afafka nool oo idil waxaa dharaar kasta ku soo biira erayo horleh, kadibna waxaa lagu laraa dhadhanka iyo dhawaqqa Afka ay kusoo biireen, dhacdada ceynkaas ahina Afafka dhaleeco iyo dib u dhac uma keento, balse waa wax uu Afkastaahi u baahanyahay hodmiyana.
Hadii labadaasi eray ay luuqad ahaan cadyihiin ujeedkoodana la garanayo; dhanka cilmi ahaan markii la eego arrintu sidaas wey ka gadisanaaneysaa oo waxey u baahnaanayaan qeexid iyo falaqeyn dheeraad ah, sidaa awgeed ayaan isugu howlay inaan qeexo waxa loola jeedo markii labadaan eray la isku lamaaniyo oo la yiraah: Xisbi siyaasi ah.
Xisbi siyaasi ahi waa: waa (Urur)hey`ad leh mabaadi` cad iyo aragtiyo qeexan oo ay hirgalintooda tiigsaneyso, habkii iyo wadadii ay ku hirgalin laheydna ay u qeexantahay, arrimaha ay qabaneysaahina ay yihiin kuwa siyaasadeed iyo kuwa siyaasadda la xiriira(ilaalinta danaha umadda); waxaa xubin ka noqda, kuna biira qofkii mabaadi`daas iyo aragtiyahaas si xor ah ula dhaca kuna qanca, markii ay la noqoto in aragtida iyo mabda` xisbigu ayney qumaneyna ka baxaya, oo weynaya xubinimada. Haddii si kale loo dhigo waxaa la dhihi karaa; Axsaabta siyaasigaahi waxey u dhaxeeyaan shacabka iyo Xukuumadda, si ay shacabka uga kaalmeeyaan ilaalinta howlaha Xukuumadda iyo la xisaabtankeeda.
Halkaas ayaan uga gudbayaa qeexidda; Xisbi siyaasi ah, waxaana guda galayaa dhowr mabda` oo ay tahay in aan la il duufin markii la dajinayo sharciga Axsaabta siyaasiga ah.
Markii la xuso Xisbi siyaasi ah waxaa jira dhowr arrimood oo in lala xusuustaahi ay lagama maarmaan tahay, ayna lama huraan tahay in lagu sheego qaanuunka Axsaabta siyaasiga ah, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:
1-Xisbi siyaasi ah oo kastaahi waxa uu doonayaa in uu hirgaliyo mabaadi`da iyo aragtida uu qabo; si ay ugu suura gasho arrintaasina waddooyin badan ayuu u mari karaa waxaa ka mid ah: in uu shacabka ku baraarujiyo kuna wacyi galiyo halka uu u arko inla tiigsado iney wacantahay. Waxaa ka mid ah in uu hoggaanka markaas jira gafafkiisa farta ku fiiqo, una tilmaamo waddada quman. Waxaa kaloo kamid ah in uu ku dadaalo sidii uu asagu(xisbigu) uu hoggaanka u qaban lahaa.qodobkaan danbe waxaa ku lammaansan arrin kale oo ah in waddada uu doonayo in uu ku gaaro hoggaanka waddanka ay tahay si nabadgalyo ah, sidaasi darteed waxaa ka reeban Axsaabta siyaasigga ah inay ku doonaan hoggaanka dalka qaab xoog iyo qori caaradiis ah.
2- Xisbiga siyaasiga ah ee aan markaa asagu talada dalka heyn waxaa ka reeban in uu xiriir la yeesho Dowladdo shisheeye, sida: wadahadalo, heshiisyo, xiriir dhaqaale, xiriir siyaasadeed ama diblomaasiyeed…IWM. Hadiise uu xisbigu xiriir iyo iskaashi la yeesho Dowladdo shisheeye;howshiisu howl xisbi wey dhaafsiisantahay, wuxuuna ka dhiganyahay: xukuumad tu kale ku hoos nool!
3- Aragtiyada iyo mabaada` Axsaabta siyaasigga ah u qoran, iyo dhaqankooda siyaasadeedba waa ineysan noqon wax kala dhantaali kara midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, aanna liddi ku aheyn(aan kasoo horjeedin) tiirarka iyo axkaamta sugan ee shareecada islaamka iyo hiddaha suuban ee umadda Soomaaliyeed.
F.G; ogaalkeyga kama jiro waddanka Soomaaliya wax qaadan kara tilmaamta ah; Xisbi siyaasi ah, waxaana muuqata in badan oo dadka arrimaha xisbi sameynta isku howley ay isaga dhex yaacsantahay howlaha:(IGO, Hey`ad samafal, Xarako wacdi iyo Xisbi siyaasi ah), taasina ay keentey in qof waliba shaqadii uu horey u watey uu huwiyo tilmaamta ah Xisbi siyaasi ah.
W/Q: C/salaan Macallin C/llaahi.
Email: isalaan2@hotmail.com.
[1]) eeg dhiganaha: midnimada dalka iyo ismaamul goboleedka, ee uu qorey; bare sare Faarax Qare, bogga 82aad.