Hammi caashaq iyo hunga been ah Q14AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirs

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q14AAD 

Saacadihiibaa ku balamay iney dhaqaaqaan, socodkoodii caadiga ahayna iska sii wataan, oo aysan cidna u joojin waa sida ay had iyo jeer u dhaqmaane,weliba si degan, oo aan degdegsiimo ahayn, waxaa la moodaa iney gaabinayaa, mase gaabinayaane, waa sida Xasan moodo, sababtoo ah waaxa uu sugi la’yahay talefoon ay u soo dirto walaashiis Khadra, waa laga dhex hadlayaa waxa uu isku duway, iskuna dubbariday hadalladii iyo weedhihii ugu habboonaa ee u ku cabiri lahaa xaaladda uu ku sugan yahan saaxiib kii Axmed.

Horta qofkale dareenkiisa qof ma cabiri kara mase? Jawaabtu waa haa waa haddii daacadnimo jirto iyo aqoon dheeri ah oo qofkaas aad u leedahay.

Xasan iyo khadra waa laba ruuxo oo walaalo ah,   Naasna wada nuugey, iskuna da xiga oo Xasan ayaa khadra labo sano ka wayn, waa sheeko wadaag walaalo kaliya ma aha ee waa saaxiibo isku sir warrama iskuna xog ah. Waa laba sheekadu isugu baxdo marka ay sheekaysanayaan, aadbay isku tixgeliyaan waana is qadariyaan, waxaa la oran karaa waa walaalo ay walaanimadoodu kortay, Xasan asaga ayaa siiyay walaashiis Khadra hantida ay hadda ku shaqaysato, dukaamanka ay leedahyna asaga ayaa u furay, haddana marnaba ma moodo in uu wax siiyay, ee waxa uu dareemayaa in weli wax ka dhimman yihiin, ayaduna ma ahan mid abaal moogad ahe habeen iyo maalin duco ayay dhankiisa u soo dirtaa, waxaa u caado ah Xasan iyo walaashiis iney sannadkii mar is arkaan oo fadhi ku wada sheekaystaan, inta badan Xasan ayaa Nairobi yimaada.

Xasan oo fikiraaya ayaa waxaa soo dhawaaqay taleefoonkiisii cod dabacsan ayaa ugu qafilan ama ugu xiran,   korbuu usoo qaaday isla markiiba waa qabtay mise waaba Khadra .

Khadra:War xasan waan ku salaamay walaalkay hooyaday dhashayow ayay khadra hadal kaga bilowday.

Xasan: Waan qaadaye ii warran seetahay, kawaran ciyaalkii aan abtiga u ahaa iyo seedigay?

Intaasbuu isdaba dhigay asaga oo degdegsan.

Khadra:Walaal way fiican yihiin dhibna ma jiro waa sidaad nala jeceshay.

Xasan: Horta caawa arrin xasaasi ah baan kuu soo wacay waxa aanan rabaa inaad dhegahaada ii furto, Hawlbaan kuu dirayaahee aad ka war keentid waan ku ogahayoo waxaad tahay qof firfircoon, kalsooni badana waan kugu qabaay e .

Khadra waa yaaban tahay waxay isleedahay caawa Xasan maxa uu la degdegayaa, ugama aysan baran dafdaftaan iyo su’aalahaan is daba yaalla, way soo ruuqaansatay saanina waa u fadhiisatay, una diyaar garowday iney shaqada loo diri rabo sifiicaan u fahanto, waa gabar caaqilad ah ma rabto iney gafto waxaa loo diraayo ma ahan maahansan gadaal ka soo maaxata, ee waa dhiifoon dhab tiraahda dhawaqa. Mana ahan gudban dhego adag, ee waa gabar dhego fudayd loogu dowglay kolkay si fiican u dhuuxday hadalkiisa ayay tiri: Xasan shaqo walbood ii dirto waan qabanayaa diyaarna waan ahaye maxay tahay shaqadu?

Xasan: Waan ogaa inaad dhego fududahay, arrintaan aan ku diri rabo waa arrin sina u fudud, dhankale haddii laga fiirshana culays yar uu ku jiro, waxaa jira wiil aniga saaxiibkay ah aadna aan u jaclahay, wiilkaas waxa u haasaawe la wadaagay gabar Nayrobi joogta weliba ISLII degan, gabadha iyo wiilku waqti badan ayay xariir lahaayeen, wiilkuna gabadha aad buu u jaclaaday, nasiibdarose gabadhii iyo saaxiibkay waa is khilaafeen, gabadhiina saaxiibkay waa ka baxsatay, waana ka xanibtay dhammaan meel walba oo uu kala xariiri karay, asana waa gara waayay tab u gabadhii markale kula hadlo, aniga ayuu iila yimid gorfayn dheer kaddib waxaan go,aansaday anigu inaan arrinka kula wadaago adiga, si aad gabadhaas kula joogta oo aad isku meesha degan tihiin aad war bixin ugu keento.

Khadra waxaa halmar kasoo booday neef kulul oo ay maanta dhan isku calinaysay, waxay malaynaysay in arrin culus loo diraayo, tanse waxay u aragtay ciyaaraheedii, ayada oo qoslaysa ayay tiri:Xasan walaal tani waaba shaqadaydiiye, maxaad maanta dhan isla tooxtooxinaysay oo nin wax wayn ii diraaya iskaga dhigaysay, ar anaa gabdhaas madaxa soo qabanayee number maka haysaa?

Xasan oo asna qoslaaya ayaa yiri: Haddeey adiga kula fududahay anaga bir iyo dhagax waa nooga cuslaataye, bal ka war keen numberkiidiinaa waa kaas ayuu hadal ugu soo gaabshay, waxa uuna raaciyay magaceeda. Sidoo kale waxa uu sheegay sababta ka danbaysay inney Nasra iyo Axmed isku dhacaan inay tahay in gabar Nasra Saaxiibadeed ahi ay Axmed u sheegaty in gabadhaan laba mar la soo furay, Axmedna arrinkii inow si sarbeeb ah gabadhii u waydiiyayna waa u sheegay, halkaasna iney ka booday Nasra waa u raaciyay hadalkiina waxa uu ka baxay asaga oo leh gabadha wax badan kasoo ogow waqti badana yaysan naga qaadan.

Khadra talefoonkii ayay qoratay waxayna u sheegtay inney wacayso sacaaddaha soo socda, warbixina uga keeni doonto, waa lays macasalaameeyay caawa lays la ma sheekaysan,oo Xasan ayaa howshoona. Intii aysan wax badan kala maqnaayeen ayaa Khadra Xasan soo wacday, Xasan oo hawlihiisa ku mashquulsan ayaa arkay telefoonkiisa oo dhacaya, hadduu eegay misana waaba Khadra waa ka qabtay.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirs

SHEEKOOYIN