Hammi caashaq iyo hunga been ah Q28AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q28aad.

Nasra ayaa calaacal iyo catoow ka dayn weyday Xaliimo, walaaley mar qura indha ii saar oo i tus gabar miskiin ah oo la shirqooley baan ahaye.

Xaliimo: Kuma tusi karo, taasina  shaqadayda ma aha nee maxaad u haysaa ninka?

Nasro: Walaal ninka uur baan u leeyahay waana ninkaygii ee halkuu joogo igu hagaaji.

Xaliimo: uur baan u leeyahay aa!  Ayay la soo booday, ayada oo yaabsan, hadalkiina waa jartay,mar kale ayay ku soo noqotay oo tiri:

War khayr leh ma  aadan sheegin,  wax aan kuu qaban karana  ma jiraan, kaliya waxaan isku dayi doonaa inaan Nuur arrintaan u sheego, waxaa laga yabaa in uu kuu  imaado haddii uu maqlo in aad uur leedahay, mase hubo in Nuur kuu iman doono, ma ahan, nin ciyaal inuu yeesha ku fikiraaya, waa nin xaaladdo kale ku furan yihiin, balse dad lagama quusta e waan kugu tagayaa, arrinkana waan u sheegayaa.

Xaliimo kuma farxin uurka Nasro way ka naxday, sababtoo ah waxaa u muuqday dhibka ay mari doonto Nasro.

Nasro: walaal anigu aan ku raaco kolka aad u tagayso, si aan anigu ula hadlo, waa intaasuu wax iga maqlaaye.

 Xaliimo waa ka oggolaatay iney raacdo waxayna u sheegatay in ay ku raadi doonto beri galab,galabtii Naso sugaysay ayaa la gaaray,  waxa ayna isku siidaayeen  guri ay xaliimo taqaanay in Nuur laga helo,  waa gaareen, nasiib wanaag waxa ay tageen Nuur oo markaas soo fariistay ,laama jaadana kala baandhaynaayo, oo naftiisa u kala qaybinaaya, kolkay albaabka soo istaageenba waa ka naxay oo waa dhibsaday aragoodu , isla markiiba waa kacaa fadhiistay,  asaga oo yaaban ayay Xaliimo u  yeertay oo kaalay ku tiri, kolkuu soo ag istaaganay waxa ay dhab ku siisay oo u sheegtay in Nasro uur u leedahay loogana baahan yahay in uu gabadhaan meel gaysto si wacano u dhaqdo, Xaliimo oo hadalka wada ayay Nasro ka boobtay hadalna ka bilowday: beenlowyahow maxaad ii sirtay, oo aad noloshayda ugu ciyaartay, maxaad iskaga kay dhigtay waxaadan ahayn?

Nuur oo su’aalahaas kululi ka xanaajiyeen ayaa yiri: Naa buuqa igala tag anigu kuma sirine adiga ayaa isoo doontay, baahidii aad igu timidna waa kaa baahitiraye, haddana kuma aqaane wejigaaga iga qari, tan kale Xaliimow naagtaan yaa igu soo raadi ku yiri ,mase hubtaa inaan anigu uurka u yeelay, Xaliimow gabadhaan mar danbe yaanan ku arkin meel aan joogo, uurka ay sheegaysana ciddii u yeeshay ha raadsato, aniga kaligay uma tagine, hadana  I dhaafi, meeshaad doontana geey.

Nasro: Anigu uurka uma yeelin aa! All anaa ba’ay war yaa kale oo ii yeelaayay?

Nuur: Ciddii doontaba hakuu yeesha e, anigu kuuma yeelin.

Nasro talo ayaa ku caddaatay, in Nuur inkirayna waa aragtay, cid ay cabashadeeda u sheegatana waa garan wayday, waxaa ku dhacday, laguu xumee oo ha caban, hana caroon, ee ciil iyo caabuq la seexo.

Intaas kolkii lays dhaafsaday ayuu Nuur ku laabtay fadhigiisii xaliimana ku yiri: Samaanteena haddii aad rabto gabdhaas mardanbe meel aan joogi ha keenin, haddii kale wax kale ayay igala kulmaysaa.

Hanjabaad iyo inkiraadbaa layskugu daray, Nasro, waana la duleeyay, oo la caayay, mana haysato garab, cid u gargaaratana warkeeda meel iska dhig.

Xaliimo isma dhibine Nasro ayay ku tiri: Naa nasoo wad waad i ceebaysaye , nin aan uur kuu yeelin baad igu raadi igu tiri, ana caqli daridayda waan ku soo raacay.

Dib ayay wadadii ay ku yimedeen ugu noqdeen, ayaga oo soo hungoobay, iyo Nasro oo caro bisteed la ah.

Waxa ay yimideen  gurigii, isla durbadii ay Albaabka kasoo galeenba Xaliimo waxa ay u qayla dhaamisay gadbhii la deganaa, dhammaantood in ay u yimaadaan ayay codsatay, ayaga oo yaaban ayay u yimdeen.

Midkastana waxay tiri: Naa maxad noogu yeertay?

Xaliimo: Maanta  ceeb ayaa igu dhacday, gabdhaan feeraha wayn ayaa igu tiri: Ninkii Nuur ahaa ee nagu yiri waan qabaa igu raadi uurbaan u leeyahaye, waan ka naxay oo waan ku raadiyay, Nuurna waan is helnay, Nuurna waxa uu sheegay in uusan uurka u yeelin qabina,  oo waa inkiray, ayaduna waa is ceebaysay ana waa i cabaysay inkaar qabtadu.

Gabdhihii qosol ayay mid walba meel ula dhacday, markaasbay halmar dheheen oo uurka malagu inkiray, oo ninku gabdha ma qaban miyaa? War qaraaxo leh ayaad haysaaye ka warran?

Xaliimo: Ma qabin, kaliya heshiis ayay iskula joogeen, asaguna beenbuu noo sheegay ayaduna beenbay noo sheegtay.

Fartuun oo ah gabdhaha meesha jooga midooda ugu beerka adag ayaa hadalka qaadatay oo tiri:Anigu naagtaan in uusan ninkaasi qabin mar hore ayaan ka shakiyay markay igu tiri Nuur ayaa safar taylaan ugu maqan aniga oo maalin walba suuqa ku arka,dhibsa maleh oo ayada ayay ku kooban tahay, haddiiba ay safar u soo gashay si ay nin aan qabin u tiraahdo waa i qabaa………………………………………..

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN