Hammi caashaq iyo hunga been ah Q30AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q30aad.

Fikradaasi waxa ay noqotay mid wanaagsan oo laysla qaatay, waxaana loo bandhigay Nasro, ayaga oo og in aysan diidin Karin, ayay si quursiya Fartuun go’aanka ugu dul aqriday, Nasrana kama caga jiidine aqbal iyo guddoon ayay tiri kaddib markay xaqiiqada meesha taal aragtay, waxa ayna noqotay jaariyadii(khaadimadii) guriga, aadbaa loogu caano maalay,looguna diirsaday  shaqadeedii loogu bogay, dhammaan howsha gurigana waa ka soo dhalaashay.

Maalmihii hore, balse waxa ay caga jiid noqotay goortii ay walacday, oo caga barartay cuslaatay, cuntadiina ka go’ayday  tabarteediina hoos u dhacday, shaqadeedii hoos ayay u dhacday, waana la karahsaday, waxa dhacda inmaalin walba waa lagu qayliyo, haddii ay  wax qaadan waydana waa la garaacaa oo shaqadaas waxa gabdhaha u qaabilsan fartuun oo aad u jecel in ay wax disho, Amarna bixiso, Nasro waxa ay noqotay gabar addoomad u noqotay Fartuun, maalin iyo habeena waxa ay la duljoogi jirtay qaylo, aadbay Nasro u  necebtahay fartuun, markastana waa habaari jirtay lagamasa hoos qaadi jirin, habeen walba waxa ay seexan jirtay ayada oo is leh, subixii nabad kuma soo kacayso, haddana waa soo kici jirtay.

Nasro waxa ay hadda adeegto guriga ka tahay mudo ku siman  sideed  bilood, waa galab jimco ah, oo dadka dhamina faraxsanyihiin, waxaa guriga ay jaariyada ka tahay jooga, rag fara badan oo qayilaaya,oo aadna u faraxsan midkastana ay gosha ugu jirto gabar ka mid ah gabdhaha guriga degan, Nasro oo kaligeed qol iskaga jirta xanuun fara badanina haayay ayay  Fartuun  ku tiri: “Wiilaashaan shaah u soo kari, oo degdeg shaah ugu keen.

Nasro: Oo galabta xanuun darani haayay ma aqbalin hadalka Fartuun waxa ay u sheegtay in aysan galabta shaah kari karin oo ay xanuunsanayso, sidaa darteed waxa ay ka codsatay in ay galabta ayadu shaqayso.

Fartuun oo aan Nasro diidmo uga baran ayaa aad u xanaaqday, oo si wayn u garaacday ilaa ay dhulka ku dhacday Nasro dhiigna ka yaac, kadibna dhaqtar loola caray, dhaqtarkii kolkii la geeyayna daawo la siiyay, baarintaan la baaray si loo ogaado sababata dhiiga keentayna waxa lagu ogaaday in cunuga Nasro caloosheeda ku jira jug wayni gaartay.

Nasro kama nixin cunug jugtu gaartay, wax dhib ahna uma arkin, waxa ay dhaqtarka waydiisay, in ay dhalmadeedii dhowdahay iyo in kale dhaqtar kuna waxa uu u sheegay in aysan dhaqtarka bixin ilaa ay ka dhalayso, maadaama ay dhowdahay dhalmadeedii oo laga yaabo in ay beri ama saadanbe dhasho, arrinkaa xaliimo  oo la socotay waa aqbashay, waxa ayna u sheegatay dhaqtarka in aysan wax lacag ah ahayn dhaqtarkiina waxa uu sheegay in aysan dhib lahayn oo ay ayagu caawin doonaan.

Nasro hadda waa fool-dhawr, sugaysa goorta cunuga ay caloosha ku hayso dhalan doono, dhanka kale xanuunkii Fartuun u gaysatay ayaa laga baxnaaniyaa, kolkii ay seddex habeen dhaqtarkii ku jirtay ayay Nasro dareentay anuunkii foosha, aadbay ugu dhibtootay fooshii, oo waxa ay foolanaysay muddo laba maalmood ah oo baxaadeg iyo taah ku jirtey, dhaqtarka oo go’aansaday in la qalo ayaa illaahay kala keenay ayada iyo cunigii.

Ummulisadii dhalisay waxa ay aad uga naxday markey cunugaan gabdhu dhashay oo dhan ka madow, dhaqtarkii kolkii ay waydiisayna waxa uu u sheegay in jug la garsiiyay, Nasro waa aragtay in ay dhashay cunug xanuunsanaaya, dhaqtarkuna waxa uu u sheegay in ilmaha yari jug wayni gaartay, balse ay isku dayi doonaan in ay  ku dedaali doonaan samatabixintiisa.

Nasro hadalka dhaqtarka waysoo dhowaysay, laba maalin iyo laba habeen kolkay dhaqtarkii ku jireen ayuu ilmihii Nasro dhashay geeriyooday, Nasrana murugo hooyanimo ayay dareentay, markii cunugii la aasay waxa ay dib ugu noqotay gurigii ay jaariyada ka ahayd, aadbay u fikirtay, waxa ay damacday in ay dadkeedii raadsato, balse waa ceebsatay oo is tiri hooyadaa iyo aabbaha war aad la hortagto ma hayside noloshaan qurmuun iskaga jir, waa umul aan haysan cid daryeesha, in la daryeelo ayay u qalantay balse daryeelkaas ma helin.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN