Hammi caashaq iyo hunga been ah Q31AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q31AAD

Dhanka kale fartuun waxa ay noqotay gacan ku dhiigle maadaama cunugii Nasro ay ayadu sabab u noqotay, Xaliimo ayaa Fartuun u sheegay in cunugii  Nasro dhashay u dhintay jugtii ay gaarsiisay, aadbay uga murugootay arrinkaa fartuun, oo waxa ay ka cabsatay in dhakhtarku warbixin ka gudbiyo(Report) kaddibna arrintaasi booliiska gaarto, kama aysan baqayn Nasro iyo dadkeeda oo way ogeyd inaysan tani mid dad leh ahayn, waxa ayse cabsi ka gashay dhanka dowladda Keenya(Kenya) oo haddi dilkaa ilmaha yari ku caddaado xabsi dheer keeni karta iyo diif iyo darxumo, waana baxsatay.

Fartuun baxsiga waxaa u dheeraa dambiyadii ay hore u fashay kama murugoon jirey ee waaba ku faraxsanayd, haddase gacan ku dhiigle inay tahay dhagarna gashay ayaa qalbigeeda hurinaaya, waxaa la yiri: “ Dhagarqabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa, teeda kale waxay ka cabsatay, xitaa inay Nasra ku soo dhiirato oo dhib gaarsiiso, iyadoon cidna u sheegin ayay halmar furdug tiri, lamina oga meel ay jaan iyo cirib dhigtey.

Xaliimo oo lafteeda laxaw naxariiseed u galay qaabka ay ula dhaqmeen ayaa soo dhaweysay, haatanse looma dirin, hawl ee qolbaa la dejiyey gaar ah, hadalkii badnaana waa laga joojiyey, waxaana booskeedi la keenay gabar keenyaati ah oo habeenki gurigeeda u hoyata maalintiina u adeegta, halkeeda ayaa cunto lagu siin jirey.

Nasri muddo kaddib ayay soo kabsatay, kaddibna waxay bilowdey inay sigaarka cabto iyadoo Xaliimo ka dhaadhiciyey inuu werwerka yareeyo oo aysan wixii dhibaato soo maray xasuusan doonin, Nasro waxay bilowdo cabida sigaarka iyo cunista qaad aan badnayn oo ay farxad ka raadineyso, sidoo kale waxa ay Nasro bilowday goortay muddo joogtay in ay niman la saaxiibto, maadaama aysan hadda uur lahayn, bilicdeediina soo noqotay,  nimanka ayay guryaha u raacdaa, oo maalinba midbaa wata, waxaasna waxba uma aragto oo xaliimo ayaa ugu sheekaysay in ilbaxnimada ugu way nee gabari gaarto tahay in ay niman badan shiriso shilimana ka qaado, taladaas Nasro waa qaadatay waxa ayna goostay in ay ragga dhib marsiiso, jeebkoodana baarato ayada oo u maraysa, wada walba oo suura gal ah, haba uga badnaato in ay jirkeeda u ogolaato e.

Waa bisha September 15keedii maalin axad ah, waxa maraykan ka aadaysa  oo heshay visa lottery ah, gabar la dhalatay Cumar oo uu aad u jeclaa, waxa ay ka baxaysa wadanka keenya, Gaar ahaan maggaalada Nayroobi(Nairobi) waxa ay ka codsatay in uu raaco maadaama uu yahay walaakeed ilaa inta ay Nayroobi joogtana uu la joogo, asna waa ka aqbalay, waxa ayna safar u soo galeen, waddanka kiinya, si nabad ah, ayay ku soo gaareen.

 Waxa ay degeen Hotel ku yaala xaafada islii, Cumar waa nin ganacsada ah, rag badan oo ganacsato ah oo ay qaarna qaraaba yihiin qaarna ay shaqo wadaag yihiin ayuu Nayroobi kula kulmay, waqtina kula qaatay, meeshana isku arkeen, Cumar dadkiisabaa marba dhinac asaga iyo walaashiis magaalada u mariyay, galab casarkii ayaga oo baqaar nin Cumar ay ilma adeera yihiin jooga ayaa waxaa soo gashay Xaliimo baqaarkii waxa ayna is garteen, Cumar oo ah ina adeerkeed meeshiibay laysku waraystay,  in yar kadibna waxa ay Xaliimo ka codsatay cumar in uu gurigeeda u raaco, haddii ay suura gal tahay, Cumarna waa ka aqbalay.

Xaliimo inta aysan gurigii tegin waxa sii dirtay taleefoon,  si guriga ina adeerkeed imaanaayo, Nasro usii hagaajiso, Nasro waa soo hagaajisay Nasro weliba si wanaagsan.

Xaliimo iyo Cumar waxa ay soo  gaareen gurigii, waxa ayna wada fadhiisteen, qolka fadhiga, markii ay salka ku hubsadeen ayay xaliimo Nasro u wacday oo ku tiri, Naa biyo iyo shaah keen maanta walaalkay aan jeclahay ayaa ila jooga e.

Nasro waxa ay la soo carartay biyihii iyo shaahii, kolkay qolka soo gashayse waxa uga soo baxay wax aysan filinayn, waxaa qolka dhex fadhiya ninkeedii ay ka soo baxsatay, way naxday, oo wadno gariirtay, isla markii ay alaabtii dhulka dhigtayna waa carartay.

Cumar waa amakaagagay kolkuu Nasro arkay, muuqaalkeeda waa ka shakiyay dhowr mar ayuu shaydaanka iska Naaray oo uu indhaha marmaratay, waa fajacsan yahay, asaga oo fikirsan aay Xaliimo tiri: Cumar  horta reerihii iiga warran?

Cumar: Walaal Xaliimooy warku haynoo dambee waxaan ku weydiiyey gabdhaan shaaha iyo biyaha noo keentay maxay ahayd?

Xaliimo:Walaal  gabdhu waa gabar ila joogta e maxaa dhacay oo aad aragtay?

Cumar: Waxba ma arkine magaceed?

Xaliimo: Walaal Nasro ayaa la yiraahdaa?

Cumar: Walaal yaa halkaan keenay?

Xaliimo:Nasro walaal miyaad taqaanaa?

Cumar: aqoonteeda dibaan iskaga sheegi doonaaye ii sheeg cidda kuu keentay?

Xaliimo: Walaal gabdhaan ninbaa halkaan keenay oo ku qabay dhowr cisho.

Cumar: nin baa qabay aa!

Xaliimo: haa ninbaa qabay weliba hadda dhow ayay wiil u dhashay, wiilkiina waa ka dhintay?

Cumar: walaal hadda ninku ma qabaa?

Xaliimo: Walaal gabadhan rafaadka adduunka ayaa soo marey nin isaguba aan innaga dheerayn oo Nuur Ganey la yiraahda silic maariyaad marshey, hanti waxay haysayna ka furtay, bilna hoteel ku qabay, markii uu ka dhergayna halkan keenay, meeshaney ka shaqeyn jirtey oo adeegto noo ahayd, Uurbaa ku soo baxay waa ku jiratey, ilmihiina waa ka dhintey isna waa ku inkirey!

Xaliimo waxay bilow ilaa dhammaad si hagar la’aan ah uga warantey xaalka Nasra, Cumarna intaas afkeeda ayuu eegaya wuxuuna haleeltiin u waayey inuu biyihii iyo shaahii loo keenay Afka saaro, waa midabyeynayaa marba nooc ayuu wejigiisu isu rogayaa, Xaliimo isuma taqaan, waa halkii Soomaali ka tiri “ Xaajo nimaan ogeyn baa ba’ shaye, Xaliimo oo warkii wada ayaa mar qura isbedelka wiilka ku dhacay intey la yaabtey tiri: “ Walaal maxaa kugu dhacay maad wax cabtid, qoftani maaha mid aan sheekadeeda halkan ku dhammeyn karnee.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN