Hammi caashaq iyo hunga been ah Q34AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been Q34aad

Sidaas si la mid ah Cumar waxa uu is waydiiyay siduu ka yeeli lahaa, Nasra maadaama ay xaaskiisii weli tahay, talan iyo baarandeg dheer kaddib waxa uu go’aansaday, in uu  Nasro la kulmo  isna hor fadhiistaan, si uu u waydiiyo cida buyuurtaan u horseeday, waxa uu aaday una kicitimay isla galabtiiba gurigii Xaliimo, waxa uuna Xaliimo waydiistay in uu Nasro la kulmo, Xaliimana waxa ay u sheegtay ineysan Nasra Joogin, guriga oo ay ka baxsatay, meel ay aadana aysan garanayn, balse ay raadin doonto, haddii ay aragtana ay ku soo wargelin doonto, tusina doonto.

 Cumar talo ayaa ku caddaatay, arrinkiisii in uu dhicisoobey waa arkay, waxa uu  mar kale ka ku tashaday,tallaabada labaad, ee uu qaadi karo, waxaa u soo baxday in uu xariir la sameeyo, waalidkii Nasro dhalay, waxa uu wacay  oday Xuseen is bariidin kaddib waxa uu Cumar u sheegay oday Cumar in uu Nasro arkay oo ay ku sugan tahay Nairobi nooshashayna.

Oday Xuseen oo gabdhiisa ku tirinaayay in ay dhimatay, laabta u qaboowday marba haddii ay inantiisi nooshahay,  gef kastana aysan uga go’ayn, Cumar intaas waxa uu u raaciyay in ay nin kale Nairobi ku guursatay, markii ay soo tagtana ay ninkaas dartiis u soo tagtay, wiilna in ay dhashay, wiilkiina dhintay, oday Xuseen argagax iyo amakaag ayaa markale hareeyey, oo maankiisa ciriiri galay uu ku dhawaaday inuu qarxo, magac xumada iyo wiirsiga adduun in uu  dhex fadhiyo ayuu isku aqoonsaday,  asaga oo neef tuuraaya oo  dhankasta ka cabursan ayuu Cmar ku yiri: Adeer aan isla soo hadalno, xaaladdydu ma fiicno e.

 Odaygu waxa uu isku arkaa in milgihiisi iyo maamuuskiisi god madow ku dhacday, aysana habboonayn in uu maanta dabadeed rag golo la fadhiisto, arrinka odayga ku dhacay agtiisa waa ka ugub filan waa iyo fara taag ayay la noqotay, in gabar uu dhalay ay laba nin hal xili mar qura wada guursato.

Waan maqli jirey ee ma anigay  I dul yuururtaa ayuu nabdiga iska yiri: Laban in aa adduunyoow xaalkaa ba’, waa isla hadlayaa ismana oga, waxaa uuna galay heehaab iyo heedadow isagoo socda ayuu hadba jidka dhan u dhufanaya, qofkii si dhab ah ugu fiirsadaa waa dareemayaa in qof wax weyni ka si yihiin uu yahay.

Waxaan ogsoonahay oday kasta, waxa uu jecel yahay, ama ku taamaa in ubadkiisu weyneeyaan oo u keenaan magac iyo maamuus wanaagsan sidoo kale ay ilaaliyaan milgaha dadkooda, dhaqanka iyo diinta, si taas la mid ah waxaa  hubaal biyo kama dhibcaana ah, in nin kasta ceebta gabdhiisu gaysato samayn taban ku yeelanayso.

Cumar asago quus buu taagan yahay,  Xaaskiisiibaa nin rag ahi ka ilmo dhalay,  asaga oo nool, ma ahan  wax  gobbi qaaddan karto, waa fal mudan in uu ka dhiidhiyo, waxes  kama qaban karo oo waa kii ninkii ka baxsaday, maskaxdiisa wax wayn baa gaaray, talankiina waa ku fara batay, habeen iyo maalin nin kaligii isla hadla ayuu noqday.

Waa aroor hore maalin qamiisaad, taleefoonka Xassan ayaa kusoo dhacay codkii ogaysiiska, Xasan oo garatay in qofka soo wacayaa tahay, Walaashiis Khadra ayaa ka qabtay, is baraadin, iswaraysi, iyo sheeko talan teel ah gadaasheed, waxa ay Khadra xuseen ku tiri: waxaan warbixin kaaga wadaa gadhii Nasro, ee saaxiibkaa jeclaa.

Xuseen: khadra warbixinta waadba la habsaataye, waanse ogahayoo, arrin aad hubtid baad ii wadaaye, bal warbixinta  aad hayso, isoo gudbi aan la wadaago e widaagaygiiye.

Khadro: walaal waa runtaa oo waan kaala habsaamay warbixinta, sababtuna waa inaan  ku maqnaa xog sugan tafaftiran, waad ogtahay ma jecli inaan war kale dhimman sheego sugnanta iyo hadalka saxda ah Ayaan jeclahay ,  war aan ku kasloonahay Ayaan hadda kuu wadaa, oo caddaymo wata, madmadoowna ku jirin.

Walaal waxa aan la kulmay Nasro, waana aa  wada sheekaysanay, weliba gabar aan saaxiibo nahay oo dhalinyaro ahna waan u diray si ay war badan iiga keento, qof aad isku ilaalisa waaye, mana jecla in arrimaheeda hoose la ogaado.

anniga oo aan waxba ogaan ayay maalin guriga ku martiqaaday, martiqaadki waxaa ka soo qayb gashay, gabar aan daris nahay, oo Xaliimo la yiraahdo, nasiib wanaag gabadhii iyo Nasro ayaa is gartay, Xaliimo oo Nasro taqiinay markii ay casuumadii ku aragtay, waaba ii is gashay, gurigiina waa ka baxday, waan ka daba tegay, kolkaan ka daba tegayna waxaan ka codsaday, in ay ii sheegto, waxa ku dhacay ay gurigayga uga baxsatay, waxa ay ii sheegtay, in ay aad uga xun tahay in aan gurigayga ku marti qaaday dumar dhaqan xumada dadkoodii u naceen, waxa aan waydiiyay, in ay Nasro taqaano iyo in kale, waxa ay ii sheegtay in ay aad u taqaano

laso qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN