Hammi caashaq iyo hungo been ah Q8AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q8AAD 

Ugu dambeyn waxay go’aan ku gaartey inay Najma kala tashato, sida ay ka yeelayso arrinka ku soo kordhey, iyadoo sidii u fekeraysa ayay albaabka ka soo gashay Najma, is wareysi dheer lama gelin, Nasrana sheeko diyaar uma ahayn xitaa arrin ay Najma rabtay in ay kala hadasho mar kale nooga dhig bay ku tiri Najma, Najma oo la yaaban kuleylka maanta Nasra haya ayaa ku tiri: Maanta maxaa kaa Qaldan saaxiib?

Nasra ayaa hadalka qaadatay uguna jawaabtey saaxiibadeed: Saaxiib wax badan ayaa maanta iga qaldan waxa aanan kaa rabaa garab, waxaan caawa isla hadalnay Axmed waxa aanan ka dareemay in uu i yool beraayo oo uu soo maqlay xan aniga igu saabsan, taas oo ah in aan horay usoo guursaday , cid u sheegatyna ma ogi balse caawa wax wayn ayaan ka dareemay, ima dhihin waxbaan maqlay iyo cidbaa ii sheegtay, wuuse ii sarbeebay oo wuxuu iiga sheekeeyey sheeko saaxiibkii ku dhacday, kuna saabsaneyd gabar saaxiibkiis sheekh u geystay oo aan hore ugu sheegin wiilka aroosaya, inay guur soo martey, balse sheekha hortiisa ka qiratey. intaas marka ay tiri ayay Najma qosol la dhacdey, waxayna oo awel arrinkaas ma ogayn miyaa?

Nasra ayaa la soo booday oo yaa u sheegay anigu uma sheegin!

Maxaad uga qarisay markii hore ayay Najma ku tiri?

Waxaan uga qariyay aniga ayaa oge kumana qusaysee hadda maxaan sameeyaa? Najma ayaa ugu jawaabtey: Haddaaney waxba iga quseyn maxaa iga galay waxaad sameynayso.

Nasra ayaa tiri: Koley arrinkaas hadduu daacad ka yahay xitaa waa mid saameyn igu leh, hadduu aniga ii sarbeebayna waan ogaan doonaa qofka u sheegay.

Najma ayaa tiri: Oo maxaad ku sameyn qofka u sheegay? Haddiise uu sheegay ma been ayuu sheegay?

Nasra ayaa tiri: Ma adigaa u sheegay?

Najmaa tiri: Anigaa u sheegay mana ogeyn inaad ka qarineyso, ama aad noloshaada inkireyso aad soo martey, isaguna waa ogahay iyo ma ogi midna ima dhihin.

Nasra oo qaylinaysa ayaa ku tiri: Haa waan ogaa! Anaa mas saaxiib la noqday alla ba’ay naa maxaa kuu geeyay arrinka naga dhaxeeyay aniga iyo ninka aan shukaansado waa maxay cadaawadda aad ii haysaa?

Najma waxay ku tiri: Is deji saaxiib anigu mas maahiye adiga ayaa waxaan la qarin karin qariyaye wiilkuna waa wiil soomaaliyeed,teeda kale anigu in uu og yahay ayaan moodayee is deji wax walba runtaa u xal ah.

Nasro waxaas ma gelin maskaxdeeda ee waxay billowdey cargaagtan iyo hadba darbi isku qaad, waxayna furatey afka iyada oo aan waxba hambeynin, Najma caay ayay dabada u qabatay wax alla waxay aflagaado haysay, sirihii ay ogeydoo dhan ayay ku cayday, kor bay ula qaylisay, ilaa ay dareemeen oo bannaanka yimaadeen dadyoowgii u dhawaa ee guriga la deganaa, iyo kuwa ku dhegana, ugu dambeyntii waxay ku tiri albaabka guriga ii dhaaf ismana arki karno.

Nasri waxay u ekayd qof haliilyeysanaya oo aad moodo in maandow ku dhacay, hore iyo gadaal ayay u socotey, hadba alaab ag taal intey qaado ayay haddana meel kale dhigeysay.

Najma markay aragtey xaalka saaxiibadeed, ayay ka dhaqaajisay iyadoo xanaaqsan, Nasri waxay isu haysataa inay Najma dank u qabtay, balse, haddii labadooda la eego waxaa dan badan qabay Nasra.

Hadda Nasri guriga iyadaa ku qoran oo uu kireysan yahay, waxayse Najmo wax badan soo haysey Nasra oo ay wada noolaayeen, wax kastana la garabtaagneyd.

Najma lafteeda waxaa usoo baxay weji cusub oo aysan saaxiibadeed ku aqoonin, Aflagaadada iyo xanaaqa ka sakoow, waxaa maskaxdeeda ka sanqadhayey, baahiyo yaryar oo ay dabooshay Nasri oo ay ku cayday Najma.

Najmi iyadoo caro awgeed dhuuntu kala go’an tahay ayay albaabka ka booday, waxaana maskaxdeeda isaga soo daba dhacayey, xasuuso badan oo iyada iyo Nasra dhexmarey, iyada sida ay ugu abaalgudey. Nasra ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha ay ku cayday, rag ay is fahmi waayeen Najma, hebelbaa ku hebel kalaa ku nacay, haddana waxaa hunguri kaa galay ninka aan shukaansado. Najmi markey albaabka ka degaysay, waxay go’aan ku gaartay inay erayadaas ka shalaayi doonto Nasri.

La soco qaybaha kale:

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN