HAMMIGII HUNGOOBAY W\Q. Mustafe Osmaan

Waa subax arbaca ah bishuna ay ku astaysan tahahy 1dii bishii agoosto, Waxaan ka toosay firaashkaygii oo aan aniga iyo asaguba habeen walba la ciishoonno wehel la’aanta na wada haysa. gacmaha goorsheegtataydu waxay tilmaamaamayaan lixdii oo rubi dhiman. Si deg-degsiimo leh baan salaaddii oo aad mooddo in ay amminkeedii yara dhaaftay ku tukaday maryahaygii dugsiga oo aan xalay oo dhan mayrayey baan isku taagay quraacdaydii baan quutay. Waxaan u tabaabushaystay aadista dugsigaygii oo saaka dib-loo furayey ka dib seddexdii bilood ee gu’ga oo uu dugsigu fasax ahaa. Waxaan milicsaday goorsheegataydii waxay dulheehaabaysay qaddar dhan 6:30subaxnimo. waxaan garowsaday in Axmad oo aan sugayay uu soo daahay. Axmad daris ayeynu ahayn. Isku dugsina waanu dhigan jirnay waxa uu ahaa wiil furfuran oo sheeko badan. Hooyo ayaa ii dhawaaqday “xasan, Maxaa ku helay hooyo maad dugsigii aad aaddid waad daahdaye?”


“Hooyo, Axmad baan sugayaa, saaka wuuba soo yara daahahy!”.  Ayaan ugu jawaab ceshay. Qof baa albaabka ka soo digay intaan hooyo la hadlayey. “xasan, Ina keen saaxiib waa Axmade.” Durba horay ayaan u soo baxay. Salaan baan is dhaafsanay aniga iyo Axmad marka aan guriga ka sii baxaynay. “Ma soo daahay?” Axmad ayaa si kaftan ku jiro ii weydiiyay isagoo qosol ilkaha daaha ka rogaya. Ma aad soo daahin oo keliya aad baad u soo daahday,” ayaan iri anoo ugu baaqaya inaynu saanta kala qaadno si aan dhakhso dugsiga u gaarno. Dugsigii ayaan soo gaarnay aniga iyo axmad waxaan u kala leexannay fasalladeenni . Sida caadada noo ahyd maalinta kowaad ee fasax laga soo laabto wax cashar ah ma aanan qaadan jirin. Waxaan iska xog-waraysan jirnay qof walba iyo maalmihii fasaxa wixii uu la soo kulmay. Aniga asxaabtaydii oo sheeko qurux badan meel dhexe noo marayso ayaa waxaa irrida hore ee fasalka soo istaagay maalmulihii dugsiga waxa uu wadaa ardayad cusub. Macalinkii xiisada ku jiray ayuu ka codsaday inuu ardayada cusub meel fariisiyo.


Macalinkii wuxuu inantii cusbayd fariisiyey kursi waqooyi-bari iiga toosan.
Aniguse, intaan kursigaykii isku dhacdiishey baan inantii wajigeedii daymo ku xaday oo misna gaaddadeedii u dhaafshey markaan arkay in aragga dhaayaheedu ay iga  dadban yihiin. Waxay ishaydii ku daahday gaaddadeeda oo labo naas oo jaangooyo fiicani ku qotomeen. Waxaan  jeclaystay inaan naasahaas taabasho la gaaro. Waxay maskaxdaydu ku hawlanayd sidaan usoo jidan lahaa iyo halkaan haasaawaha uga billaabi lahaa hadii ay ii suurto gasho inaan is baranno. Tan iyo maalintaas waxaan jacayl xad-dhaaf ah oo aysan cidna ila ogayn u qaaday Hodan. Hodan waxay ahayd inan dheer, dhuuban oo qurxoon oo leh weji jaangooyo fiican. Qosolkeeda iyo ilkaheeda qaabsamida u teedsani waxay ahaayeen kuwo bilicdii foolkeeda dheeLlitiray. Naasaheeda tognaa iyo jirkeeda oo dhani wuxuu ka marag kacayey inannimadeeda iyo dhawrsanaanteeda Hodan waxaa kale oo ahayd inan ku cusub dugsiga.


Marar badan oo aan damcay inaan Hodan la sheekaysto waan ka yara cabsaday maxaa yeelay Hodan iyo asxaabteeda ku taax-tegay quus-gooyada. Markalena, waan ka cabsan jiray oo waxa ay had iyo jeer u wada socon jireen wadar. Yey raxan ah haddii aad damacdo inaad mid kala hadho, adiga unbaa ku daali doona ayaa dhuunta ii taagnayd. Waxaa se hubaal ah, hadba waxaad iska dhaadhiciso uun inaad la jaali-doonto oo aad u qoob xidhnaan-doonto. Hodan iyo saaxiibbadeed waxa ay ahaayeen kuwo ka dhex muuqda dugsiga, qurux iyo shacni badanna Eebbe waa uu ku galladay. Hase yeeshe, nin walba oo hunguriyeeya gadaal buu farta dhaxda ka qaniini jiray. Sidaa aawadeed, nin ba aashii wuu iska ilaalin jiray oo uu ka fogaan jiray inta uu ka fagoon karo balse anigu Hodan kama fogaan karo.

W\Q. Mustafe Osmaan

SHEEKOOYIN