Hamsada fudud.‏

46632_153615807990781_100000270872126_408997_1954411_n

 

Hawl qabadka hamsadu, waxaa weeye in ay kala celiso laba xaraf iyo laba shaqal wixii ka badan oo uu is raacooda diidayo xeerka af soomaaliga, sidaa darteed hamsadu waxey u kala baxdaa laba nuuc oo kala ah ” Hamsa culus iyo Hamsa fudud”. Hamsada culusi dhawaaq ama cod ay dheguhu fahmi karaan bey leedahay, laakin hamsada fudud ma laha cod la fahmi karo ee xeer ahaan baa loo gartaa, waxaana loo yaqaan “Hamsa dhagool”.

Haddaba si aad u garato howl qabadka hamsada fudud sheekadan gaaban ee curiska kaga bogo iyada oo ku tixan shanta shaqal ee dhaadheerka ah, sheekadu waxey u billaabaneysaa sidatan:-

Meeshu waxey aheyd, tuulada Goobweyn ee ku taalla jiinka wobi weynaha jubba halka ay biyuhu ku hardamaan ee ay kuwa badda iyo wobiga is kaga darsamaan.

Waxey aheyd goob uu ( daa’in ) ku manneystay barwaaqo dabiici ah, isla markaana laheyd dhul carrasan ah oo ay ka dul muuqdeen doog iyo xareed is barkaday iyo miro beereed kala duwan oo isugu jiray geed hoosaad iyo geed koraad labadaba!.

Daa’uud, oo ahaa aqoon yahan cilmiga beeraha ku soo takhasusay, wuxuu ahaa nin aad iyo aad u dadaal badan oo howl karnimo ku caan baxay, wuxuuna wobiga qarkiisa ka sameystay beer qurux badan oo uu ilaah u barakeeyay.

Beerta, waxaa ka baxayay mira hoosaad ay ugu horreeyaan qaraha, bocorka, basasha, yaanyada iyo waxa la midka ah, uguna korreeyaan qunbaha iyo geed miroodka kale ee aynu ka tilmaami karno“ Canbaha, canuuniga, cananaaska, canabka, nuucyada liinta, babbaayga iyo mooska iyo waxa la midka ah”.

Jawigaasi quruxda badan, waxaa iyaguna ku dhex noolaa oo bilicda goobta sii bilayay shimbiro amaba baalalley nuuc walba leh oo uu ( Daa’uud ) halkaasi ku xannaaneyn jiray.

Baalalleyda ama haadda iyo shimbiraha beerta ku dhex noolaa, ee isu rogay dad la yaalka, waxaa ugu caansanaa nuuc filsamida quruxda uu rabbi ugu deeqay magac ahaanna loo yaqaanno“ Daa’uus ”.

Daa’uusku, wuxuu leeyahay baalal aad u fara badan oo leh midabbo kala ceyn ceyn ah oo ay indhuhu ku doogsadaan una qaab eg sida midabka “ Jeegaanta ama Qaanso-roobaadda”.

Daa’uud, beertiisa, wuxuu ka ( faa’iiday ), dhaqaale fara badan oo damaca hankiisa gaarsiiyay, inuu goobtaasi ka dhigo meel dalxiiska loo tago oo daawashada ku wacan, maadaama ay ka ag dhoweyd ( daa’irada ) ama goobada ka dul qotonta taallada ku taalla tuulada ( Sanguuni ) ee ku calaamadsan loolka dhexe ee dhulbaraha meesha ay qorraxda kaga abbaaran tahay soomaaliya oo aan beertiisa sidaa uga sii fogeyn.

Faa’iidada tarantay ee uu ( daa’uud ) ka abuuray beerta iyo xayawaannada uu muddada dheer xanaaneyn tooda ku soo dadaalay, wuxuu ka dhaxlay magac iyo maamuus lagu qaddariyo xag dhaqaale iyo xag aqooneedba, wuxuuna beerta albaab keeda hore ku suray boor weyn oo ay ku qoran tahay “Daa’in baa mahadle, iyo dadaal gaari doontide!”.

 

Bashiir . Cali . Xuseen

Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.