Hanadyadii Hiilka Waayey W/Q: Axmed Siciid Maxamed Sarsarrey

12799367_975096075872230_1854261067867274433_n

Hanadyadii Hiilka Waayey

Dhiiri galinta ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid ka mid ah shidaalada ugu mugga iyo miisaanka culus ee bini’aadamku ku shaqeeyo.Waxaa jirta xikmad maqal ahaan igu soo gaartay, aanse ka cududaaranayo in aanan garanayn qofka saxda ah ee yiri, taas oo oraynaysa “Reer galbeedku waxay nagu dhaafeen kooda guuleystana way hambalyeeyaan kooda guuldareystana way dhiiro galiyaan”. Waa dhif iyo naadir ama maba jiro qof soomaali ah oo ku baraarugsan faaii’dada hambalyeynta iyo dhiirigalinta ku duugan! Taas badelkeedana waxaa Soomaalida dhexdeeda caan ka ah in la cambaareynayo, la maagayo, lana niyad jabinayo dadka faro ku tiriska ah ee horumara, heersarana gaara.

Waa hubaal in qofkaasi halkii uu gaaray hoos uga soo dhacayo, mar haddii mudnaantiisii la marin habaabiyey. Anigana waxaa ii muuqda dhallinyaro Soomaaliyeed oo sanad kasta ka qalin baddalata dugsiyada hoose/dhexe, kuwa sare, machadyo iyo jaamacado intaba, kuwaas oo aan helin hiilkii ay naga mudnaayeen, sidoo kalana aan helin cid hagta, hoggaamisa, hormarisa hankooda iyo himilooyinkii ay hiigsanayaan.

Waxaa ii muuqda dhallinyaro dhiirran, maan togan leh, mar-marka qaarna aadba moodayso, in ay ummadaha hore u maray  ka heer-sarreeyaan.Nasiib darro se kuwaasina ma haystaan hiilkii ay u baahnaayeen. Hiilka aan ku cel-clinayaa ee aan tabayo waxaa ugu weyni waa dhiirigalin.

waxaa ii muuqda dhallinyaro si iskood ah isugu xilqaamay,uqareemmidda, kaalmaynta, iyo garab istaagga dadka daryeelka u baahan, siiba agoomaha iyo kuwa danyarta ah. Waa iga weyddiin e kuwaasna maxaan ugu abaal gudnay? Ma dhiirigalinay si ay howsha ugu sii dhiiradaan? In kasta oo warcelimaha weyddiimahaasi kuwa taban u
badanyihiin, bal aan soo qaato oraahyada caanka ah ee dadka masaakiinta caawiya inta badan Soomaalida qaarkood ku yiraahdaan kuwaas oo ay ka mid yihiin: NGO bay nagu soo qaateen!!, lacag bay ku cunaan!! Dano kale ayey ka leeyihiin, iyo kuwa la mid ah.

Waxaa ii muuqda dhallinyaro tiro beel ah oo baryihii danbe baratan dhanka qoraalka ah bilaabay, waana guul dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo hoyatay. Tusaale waxaa kuugu filan dhiganayaashii lagu soo bandhigay dabshidaydii ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Hargaysa waxaa ugu badnaa  buugaag dhallinyaro. Tolow ayana ma u hiillinnay? Maya! Oo iskaba daa in ay hiil iyo hoo naga helaan qaarkood waan sii niyad jabinay inaga oo si aan cilmiyeysnayn u durayna una dibindaabyeynayna qoraaladooda, qaarkoodna waa gubnay dhiganayaashoodii inaga oo aan si fiican u dheegan una gorfeyn.

Waxaa ii muuqda dhalin isu xilqaantay soo sawiridda, soo bandhigidda iyo soo gudbinta bilicda dalkeenna hooyo, kuwaas wakhtigooda qaaliga ku bixiyey sidii ay dadkooda ugu soo gudbin lahaayeen sawirro baddala
kuwii hore ee caalamku Soomaaliya kaa aaminsanaa. Ayana kuwii oo kale u daa! Ugu danbeyntii, si loo dhiirigaliyo, loo geesi galiyo loona garab istaago dhallinyarada soo baxaysa, waxaa shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay kaalintooda qaataan, isuguna xilqaamaan sidii ay da’yartooda u adeegaysa u sii hormarin lahaayeen dhalliyaradana waxaa laga doonayaa in aysan dadaalkooda hakin ay halkaas ka sii wadaan xataa haddii aysan helin cid u hiillisa.

Dhammaad
W/Q: Axmed Siciid Maxamed Sarsarrey
Email: Sarsarrey44@gmail.com
Facebook: Ahmed Said Sarsarrey

SHEEKOOYIN