Hanashada Hiigsiga iyo hanaqaadka himilada W/Q Abdirisak Ahmed Nur

Hanashada Hiigsiga iyo hanaqaadka himilada 

Marka hore mahdin eebbe weyne aan ku bilaabo marka xigtana aan dhaadhaco micnaha guud ee maqaalka oranaya hanashada hiigsiga iyo hanaqaadka himilada oo micno ahaan loo adeegsan karo wajiyo aad u tiro badan hase ahaatee waxaan ku qaadaa dhigayaa maqaalkaan gaaban anoo adeegsanaya Afkaar xisi ah, Ogaalo laysla meel dhigay iyo Afkaar diini ah.

Haddii aan guda galo faahfaahinta cinwaankan wuxu ugu horayn isugusoo biyo shubanayaa oraahdan oranaysa “ Qeex hadafkaaga nololeed” jawaabta su’aashani waxay ku xiran tahay jawaabta su’aashaan soo socota oo dheheysa maxaa lay abuuray? (why was I created?), hadaba jawaabta su’aashani way ka hoos baxday in badan oo ka mid ah muslimiinta, sidoo kale waxaa iyana waqti iyo fikir dheer ku bixiyey cilmi-baarayaal, aqoonyahano, faylasuufyo hase yeeshee jawaabtu waa ay ka hoos baxday, bal aynu soo qaadano dhawr jawaabood ah ka bixiyeen:

Ninka la yiraahdo karl marx waxa uu la yimi dadaal iyo fikir uu in badan la maqnaa hase ahaatee ugu dambayn waxa uu soo gaaray warcelin qaldan oo dheheysa “Allah wuxu doonay ciyaar dabadeed wuxu abuuray bini aadamka fan ama dheel ula yeesho” subxaanallah tan bedelkeeda allah wuxu qur’aankiisa inoo ku sheegay Suuratu Mu’minuun aayada 115aad oo macneheedu yahay (ma waxad u malayseen in aan idiin abuurnay dheeldheel, oo idinkana xagayaga aydaan usoo noqonayn).

Sidoo kale ninka layiraahdo Ilya Abu-Madi oo ahaa gabyaa carbeed ayaa yiri:

  • Waan imid magaranayo meel aan ka imid laakiin waan imid
  • Waxan arkay waddo hortayda taal waana ku dul socday
  • Weli waan wadaa socodkii, ha xumaado ama ha fiicnaadee
  • Magaranayo meel aan ka imid ma garanayo meel aan usocdo

Si kastaba ha ahaatee jawaabta su’aasheenii waxaa in ka kaafinaya Aayada 56aad ee Suuratu daariyaat oo macneheedu yahay (Uma abuurin jinka iyo insiga illaa in ay ani ii caabudaan mooyee.)

Ogaalka jawaabta cajiibka ah waxay ku dhaxalsiinaysaa inaan dhulkaan laguu keenin cunid, cabid, hurdo, dhalmo iyo dhimasho bal laguu keenay cibaado.

Waxan filayaa hadda in aad rakibtay hadaf nololeedkaagii kowaad ee nolosha waxad hanatay mid ka mid ah hiigsiyadii aad in badan ku taamaysay. Haddii aan wajiga labaad ee maqaalkaan aan usoo laabto wuxu noqon karaa: Himilooyin aas aasi ah iyo hiigisyo daruuri ah sida cilmi dalab, hab dhaqan bulsheed, hoggaamin iyo dhaqaala abuur iwm. Waxa ay iyana isugu soo biyo shubanayaan ku dabaqidda 6 qodob oo kala ah:

  1. Rabitaan (desire): waa inay jirtaa xiiso iyo rabitaan ruuxi ah oo aad u haysid shayga markaasi maankaaga ka guuxaya.
  2. Go’aan (determination): waa inay jirtaa ka go’naansho iyo ku dhegenaansho si aadan uga laba labayn shaygaad illaafatay inaad ku tillaabsatid.
  3. Hurid (dedication): waa inaad u hurtid shay kasta oo qiimo agtaada kaleh ha ahaato waqti, lacag iyo wixii kaloo la hal maala.
  4. Jiho (Direction): waan ay jirtaa jiho ama meel loogu hagaagi karo himilada aad qorshaysatay in aad gaartid.
  5. Nidaam (discipline): waa inay jirtaa nidaam ama system habraac unoqon kara waxaad rabtid in aad hiigsatid.
  6. Bar dhammaad (deadline): waa in hadaf kaaga laga helo ama la yaqaanaa bar bilowgiisa iyo bar dhamaadkiiso hadii taasi dhici waydona aad ogsoonaataa in aad laf cad toobin ku haysid.

Gunta iyo gabagabada:

Waxan filayaa hadda in wax badan iska bedeleen hab nololeedkaaga waayo waxaad hadda rakibtay ujeed nololeedkaagii oo ay bar bilow u tahay cibaadada eebe, dalabka ridahiisa, iyo wax kasta ood alle ugu dhowaanaysid, sidoo kalena waxaad bar dhammaad uga dhigtay shay kasta oo ay naftaadu daruuri u aragto inaad ku lifaaqday lixdii qodob aan u horey usoo tilmaanay.

=== DHAMMAAD ===

Qore: Abdirisak Ahmed nur gelinbacayn

Email: gelinbacayn79@gmail.com

BOSASO, SOMALIA

SHEEKOOYIN