HANNAANKA DAMBIGA: DAMBI LA’AAN ILAA DAMBI W/Q: Hassan Mudane

HANNAANKA DAMBIGA: KA SOO BILLOW DAMBI LA’AAN ILAA DAMBI
فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ
(Surat Al-Ma’idah Ayat 30)

Sidee qofka dambiile ku noqon karaa? Ficiladiisuna ay isku beddali karaan dambi? Imisa marxad ayuu maraa dambiga? Waa saddexda su’aal ee aan doonayo in aan ku lafaguro maqaalkan. Laba maalin ka hor ayay aheyd mar aan ku dul-kufay aayada kor ku xusan, aniga oo akhrinaya Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Dhowr jeer ayaan ku celceliyey akhrinteeda, si aan u fahmo xikmada daahsoon. Haddii si qoto dheer ah loo eego farrinta guud oo ay aayada gudbinayso, waxaa si fudud lagu daahfuri karaa in aayadu ay sharaxaad guud ka bixinayso tallaabooyinka is xig xiga ee loo maro dambiga. Dhanka kale, haddii sharaxaadani laga arkay meesha aan ka arkay, waxa ay is-beddal guud ku sameyn kartaa gundhiga ama aasaaska sida aynu u daraaseenno barashada dambiga (Criminology).
Hannaanka dambiga (The Process of Criminalization) waa sida qofka uu ku noqon karo dambiile, ficiladiisuna isku beddali karaan dambi. Sikastaba, marka loo eego fasiraadayda aan ka dhex arkay aayada, waxa ay tilmaamaysaa in labada marxad ee hore ay yihiin labada marxad ee uu dambigu maro ama loo maro, mida saddexaadna waxa ay sheegaysaa natiijada laga dhaxlay. Haddaba, saddexdaas marxad waxa ay kala yihiin:
1. Suuraysasho
2. Ficil
3. Qoommameyn

Markaad dib u fiiriso billowga sheekada, Illaahey waxa uu ka sheekeynayaa wixii dhex maray Qaabiil iyo Haabiil oo ahaa dhashii Nabi Aadam. Mid ka mida inta uu xanaaqay kadibna go’aansaday in uu dambi sameeyo. Marka ay halkaasi marayso, ayuu Illaahey yiri “Naftaa u suuraysay, wuuna dilay, waxaa uuna ka mid noqday kuwa qasaaray.” Ka hor inta uusan dambiga sameyn waxa uu maray marxalada koowaad oo ah suuraysasho, kadibna waxa uu billaabay in uu ficil ahaan u sameeyo dambiga, ugu dambeyntiina natiijadii waxa ay noqotay ka qoommameyn iyo qasaaro.

Suuraysasho

Ka hor inta aan dambiga la sameyn, waxa uu yaallaa marxada koowaad oo ah, in ay maskaxdu suuraysato. Kadibna ficilka ayaa rumeeya ama beeniya. Tusaaleha ugu fudud ee loo soo qaadan karo waa dambiga zinada (Galmada guurka ka hor). Ka hor inta aadan dambiga sameyn, marka hore waxaad suuraysanaysaa gabadha ama ninka aad galmada la sameyn doonto, meesha aad ku sameyn doontaan, quruxdeeda ama quruxdiisa iwm. Markaas kadib, adiga oo u maraya waddo walba si aad u soo xiro galiso, durbadiiba waxaad go’aansanaysaa in aad sameyso ficil.

Ficil

Marka la joogo marxadan laba waddo mid un baa furan. Mida koowaad oo ah in ficilku rumeeyo suuraysigii hore. Mida labaad oo ah in ficilku beeniyo isla suuraysigii hore. Haddii ficilku rumeeyo waa barta billowga dambiga. Haddii uu beeniyo dambi ma dhicin waayo looma gudbin marxalada saddexaad.
Haddaba, marka la joogo xayndaabka dambiga gaar ahaan marxaladan, qof walba waxa uu ku magac yahay ficilka ama dambiga. Tusaale, qofbaa geystay fal dil ah! Ficilka uu geystay waa dambi, asagana waa dilaa. Tusaale kale, qofbaa sameeyey fal kufsi ah! Ficilku uu sameeyey waa dambi, asagana waa kufsade. Qofbaa bangi lacag ka dhacay! Ficilka waa dambi, asagana waa burcad ama tuug.

Qoommameyn

Marxaladan waxa ay ku dulwareeganaysaa natiijada ka dhallan karta dambiga. Maahan dhammaadka dambiga, marwalbana natiijada ma noqonayso ka qoommameyn, balse waxa ay noqon kartaa cagsigeeda. Waxaad arkaysaa qof dambi galay, haddana ku faraxsan dambiga uu sameeyey. Taasi waa natiijo ka duwan qoommameyn, sow maahan? Waxa ay aheyd in uu ka shalaayo wixii uu falay balse sidaa ma noqon, wayna farxad galisay. Inkasta oo ay adagtahay in aynu daawano qalbiga qofka dambiilaha ahi, haddana waxaa laga yaabaa in ay laabtiisa la gubanayso xumaanta uu falay. Halkaasna uu kaga qoommameynayo fal dambiyeedkii uu suuraystay.
Ugu dambeyntii, maqaalkan waxa uu ku dooddayaa, sida Illaahey tilmaamay, in dambiga ama go’aan walba oo natiijadiisu xun tahay ku dulwareegto saddex marxad oo kala ah: Suuraysasho, ficil iyo ka qoommameyn.

W/Q: Hassan Mudane
Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN