Hannaanka Federaalka iyo mustaqbalka Soomaaliya W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

pizap.com14578000847831

Hannaanka Federaalka iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Guud ahaan dawlad waxaa aas aas u ah seddex tiir; oo kala ah dhul, shacab iyo awood maamusha .Dawladda marka laga eego qaab dhismeedka waxaa lookala saaraa laba nuuc oo kala ah dawlad mid ah iyo dawlad gobaleedyo(dawlad federaal ah).

Maamul ahaanna dawladdaha aduunka ka jira waxay kala qaataan laba nidaam oo kala ah nidaam dhexe oo awoodda hal gacan ay kujirto iyo nidaam xukun baahin dowlad wadaag ah.

Marka la baahinayo xukunka dawladda waxaa loo maraa laba siyaabood :

1-In la baahiyo awoodda maamulka (maamul goboleed).

2- In labaahiyo siyaasadda iyo maamulkaba(dawlad gobaleed/fadaraal).

WadDanka soomaaliya waxaa soo maray laga soo biLlaabo markii xornimada laqaatay 1960 illaa 1969 laba xukun oo rayid ah oo si nabad galyo ah xilka lagula kala wareegay, maamulkuna waxa uu ahaa mid dhexe.

1969 bishii oktoobar waxaa waddanka afganbi kula wareegay millatarigii waddanka waxa ayna sameeyeen dawlad dhexe oo awood leh oo kali talis ah, caburis iyo dulmi mudo soo Jiitamayay oo ay ku kacday dawladii milatariga ahayd ka dib waxaa xukunkii kariday jabahadihii qabiilka 1991.

Sannadihii ka danbeeyay xukunkii kali-taliska ee malitariga ahaa iyo bur bur burkii dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa saaxadda siyaasadda soomaaliya kusoo kor dhay; aragti dadka qaar ay qabaan oo ah in hannaanka waddanka lagu hagayo in uu noqdo mid federaal ah iyo in awoodda xukunka lagu baahiyo gobaladda dalka. dadkaas u arkay in damacooda siyaasideed in uu ugu hirgali karo nidaamka federaalka oo laqaato sidoo kale waxa ay ku doodaan in aan loo baahnayn dawlad dhexe oo xukunka kaligeed gacanta ku haysa si aysan soo noqon falalkii foosha xumaa ay ku kacaday dawladii milatariga ahayd oo kale.

ayadoon l asamaynin ama aanba lagu fakarin cilmi baaris iyo dood cilimiyed ku saabsan hannaanka waddanka lagu haggayo si looga gaaro aragti midaysan nidaamka waddanka lagu haggayo, ayaa waxaa ka soobaxay shirkii lagu qabtay waddanka kiinya oo lagu dhisay xukuumad iyo baarlamaan ku meel gaar ah nidaamka waddanka lagu hagdayo in uu noqdo mid federaal ah.

dastuurka hada jira ee qabyada ahana waxaa lagu xusay (soomaliya waa dawlad federaal ah oo madax bannaan).

haddaba dooda ku saabsan hannaanka waddanku waxa uu noqonayo waa mid wali taagan oo la iskuma raacin hannaanka federaalka .

sax ma ahan in la hirgaliyo nidaamkaan ayadoo dastuurkiiba aan Afti dadweyne loo qaadin lagu ansaxin, arrintaan waxa ay masuuliyad gaar ah ka saarantahay aqoonyahanka iyo dadka arrimaha siyaasadda u dhuun duleela ee xanbaarsan qiiro soomaalinimo iyo mid waddaniyadeed in wax kaq oraan arrimaha federaalka, shacabkana waddada saxda ah u tilmaamaan, nidaamkaana dadka baraan in danta soomaaliya ku jirto iyo dhibaato ugu sugantahana u kala cadeeyaan.

haddaba qoraalkaan iyo kuwa ka danbeeba waxaan ku eegayaa waxa uu yahay Federal iyo suurta galinimada in uu ka hirgalo waddanka soomaaliya , aragtidayda kusaabsan nidaamkaanna waxaan kusoo bandhigi doonaa qoraalada soo socda hadii Eebbe idmo.

Hadaba su`aasha ugu horreysa waxa ay tahay waa maxay Federaal.

Federaal:qeexid.

Federaalku waa :nidaam siyaasi ah oo ku salaysan qaybinta awoodda xukuumadda ayadoo la siinayo maamul gobaleedyada awood dastuuri ah, sida: xukuumad, baarlamaan, garsoor iyo boolis u gaar ah.

Dawaladda federaalku dhanka dibadda waxa ay umuu qaneysaa dawlad mid ah, siyaasadda arimaha dibadda iyo hishiisyada caalamiga ah waxaa ku shaqo leh dawladda fadaraalka .

Halka arrimaha gudaha ay umuuqaneyso dawalado farabadan oo ku kala duwan xeerarka iyo go`aanada.

Billawga iyo dhamaadka hannaanka federaalka.

A-Sida uu ku billowdo hanaanka Fedelaarku.

Nidaanka fadaraalku waxa uu ku billowdaa labo qaab midkood, oo kala ah:

1_dawlado ama gobollo kala madax bannaanaa oo danahooda ka arkay in ay ku midoobaan dawlad federaal ah ayadoo dawlad kastaahi ay katanaasulayso qayb kamid ah awoodeeda gudaha iyo siyaasadda arimaha dibadda oo dhan .

Qaabkaan waa sida ugu badan oo ay dawlad federaal ahi ku aas aasanto, tusaale waxaan usoo qaadan karnaa dawaladda iswizerland iyo dawladda maraykanka, Dawladda maraykanka waxa ay ku bilaabatay 13 gobol oo ka xoroobay gumaystihii Ingiriiska ka dib waxaa kusoo biiray gobollo kale, halkaas oo ay ku noqdeen 50 gobol oo samaystay dawlad fadaraal ah.

2_qaabka labaad ee dawlad federaal ah curato waa ayadoo dawlad dhexe kala furfuranto sababo jiro awgeed, iskuna badasho dawlad goboleedyo (dawlad federaal ah). Inta badan qaabkaan waxa uu ku yimaadaa dawlad bulshadeedo ku kala duwan yihiin dhanka dhaqanka, asalka, luuqadda, diinta iyo taariikhda, tusaale waxaan ugu soo qaadan karnaa dawladaha hindiya, biljam, brazil IWM, qaabkaan waa wadada loo maro marka la rabo dawlad mid ah in lakala gooyo, sidoo kale dadka u ololeeya gooni isutaagga waa waddo ay umaraan danahooda sidii ka dhacday Suudaan haddana lala doonayo dalka Ciraaq.

Marka larabo in la daciifyo dawlad dhexe oo awood leh, fadaraalka nuucaan ah ayaa laga hirgaliyaa si aysan usoo noqon awoodeedii, tusaale waxaa noogu filan dalka Ciraaq.

B-dhamaadka hannaanka Federaalka ah.

Dawlad fadaraal ah marka ay dhammaanayso waxa ay kudhamaataa laba siyaabood oo kala ah:

1-Dawlad fadaraal ah oo kala goo go da oo noqotta dawladdo kala madax bannaan.

2-Dawlad fadaraal ah oo isu badasha dawlad dhexe, oo mid ah.

Federaalka iyo nidaamyada kale ee u ekaan kara.

Waxaa jira dhawr hannaan oo ku saabsan nidaamka dawladda oo laga yaabo in ay federaalka ku darsamaan, sidaas daraadeed waxaan iftiiminaynaa nidaam yadaas kale iyo farqiga udhaxeeya ayaga iyo federaalka.

1_Nidaamka kon-fadraalka.

Kon fadaraalku: waa hannaan ku saabsan hishiis dhex mara laba dawladood iyo in kabadan, ayagoo ku hishiinaya arrima kooban, waxa ayna samaysanaya mu`asaso ama hay`ad maamusha arimaha lagu midoobay hey`aduna waxay ka koobnaanaysaa xubno matala dawladdaha ku midoobay hannaankaan, dawlad kastana waxay uga tanaasulaysaa hey`adaas awoodeeda qayb kamid ah, ayadoo ilaashanaysa madax bannaanideeda .

Sababta midawgaan keenta waxa ay tahay ayadoon dawladdahaani ay yihiin kuwa aan kala maarmin, una arkay in ay isku darsadaan arrimo ay kamid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaa tusaale u ah hanaankaan midawga yurub. Dawaladaha uu kakooban yahay midawgaasi waa dawlado kala madax baan, laakiin waxa ay kumidoobeen arimo gaar ah, oo ay kamid tahay ammaanka iyo dhaqaalaha.

Farqiqa udhaxeeya nidaamka konfadaraalka iyo federaalka waxaa loo celiyaa dhawr arimood oo ay kamid yiihiin:

1- dawladdaha xubnaha ka ah dawlada federaalka ah ma haystaan madax bannaani, oo wax ay ku hoos jiraan dawladda federaalka, halka dawladdaha ku midoobay Kon-fadaralka ay yihiin dawladdo kala madax bannaana oo ay arrimo kooban isugu darsanyihiin.

Labo-nidaamka kon-fadaraalka waxa uu ku yimaadaa heshiis, dhex mara dawladdo ayagoo isku darsanaya arrima kooban, una xilsaraaya hay`ad arrimahaas maamusha, halka federaalku uu ku yimaado;dastuur lagu hishiiyay oo midaynaya goballada ama dawladdaha ku midoobay hannaanka federaalka, waxa ayna noqonayaan hal dawlad.

2_Nidaamka xukun-hoosaadka.

Hannaankaani waa: nidaam kusalaysan awood qaybsi, oo ah in loo ogolaado qawmiyad ama koox diin gooni ah aaminsan, kana soocan bulashada inteeda kale ee waddanka dagan, maamul hoosaad ugooni ah, ayadoo dawladda dhexe ay kormeerayso awoodda loo ogolaaday qaybtaas.

Waxaa tusaale u ah qaabkaan dawladda ciraaq oo 1974 u ogalaatay dadka gobalka Kurdishka dagan iney yeeshaan xukun-hoose oo ayaga ugooni ah .

3_Hannaanka baahinta maamulka(maamul gobaleed).

Hannaankaan: waxa uu kusaabsan yahay baahinta maamulka xukuumadda ayadoo loo ogaalanayo gobalada iyo hay`adaha kale ee dawladda awood maamul in ay yeeshaan, dawaladda dhexe ayaana kormeeraysa hawshaas waana awood ku kooban arrimaha fulinta.

Nidaamkaan federaalka waxa uu oga duwan yahay awoodda la baahinayo waa midda fullinta, halka hannaanka federaalka la baabhinayo awoodda maamulka tan siyaasadda, sharci dajinta iyo garsoorka, dawlad gobaleedyadduna waxa ay yeelanayaan hawshaas aan soo sheegnay.

 

Xigasho.

1_ maxamad cali warti: al nidaam al fadaraali bayna al nadariyati wal tadbiiq.

2_maxamad haamuundi :alfederaaliyah wal dimoqoraadiyah lil Ciraaq.

3_sucdaa ibraahiim : al federaaliyah wal hawiya al wadaniyah alciraaqiyah.

 

 

Email: shaafici994@hotmail.com

Facebook: Shaafici Macalin

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.