Hannaanka labada xisbi W/Q: Shaafici M. Axmed

    Hanaanka labada xisbi              

Aqoonyahannada iyo xeel dheerayaasha siyaasadda waxa ay aad u ammaanaan hannaanka labada xisbi siyaasadeed, waxa ayna yiraahdeen, loolanka bulshooyinka u dhaxeeya waxa uu ku kooban yahay laba garab ,haddii uu yahay dhanka aragtida siyaasadeed, waxa uu yeelanayaa laba  qaab oo kala ah: isbaddal doon ( radicalism) iyo aragti muxaafid ah(conservatisam).

Loolanku haddii uu yahay heer kala duwanaansha nolasha bulshada mid ka dhex jira waxa  uu yeelanayaa, asaguna , mid u dhaxeeya hantiilayaasha, gacanta ku haya wax soo saarka bulshada, iyo hay`adaha dawladda, iyo bulshada xoogsatada ah, waxay leeyihiin aqoonyahankaas, labada aragti siyaasadeedkaas waxa ay bulshada ufududaynaysaa laba aragti kali ah in ay kala doortaan, loolan kastana waxa uu markaas yeelanayaa laba xal.

Aragtidaas waxaa kasoo horjeestay qayb kamid ah sharciyaqaanada, iyo cilmi baaraayaasha siyaasadda,waxayna yiraahdeen, in loolan kasta iyo dhib kastaa ay leedahay laba garab iyo labo xal, waa arrin ka soo horjeedda garaadka fiyoow,sidoo kale waxa ay yiraahden adduunkaan aan joogno waxaa k ajira saddex aragti, oo kala ah siyaasadda aragtiyada taageerada ku dhisan, iyo aragti xagjira ah sidoo kale dhexdhexaad u ah labadaas aragti u dhaxaysa, ayaa jirta,

hanaankaan labada xisbi dalalka kudhaqma waxaa ugu magic dheer dalalka  maraykanka iyo ingiriiska .

Si kastaba ha ahaatee hanaankaan waxaa lagu amaanaa,        In uu keenayo xasilooni siyaasadeed, sababtoo ah xisbiga ku guulaysta, doorashada xubnaha ugu bandanna ka hela baarlamaanka waxaa u suurta galaysa kaligiis in uusoo dhiso xukuumad hal aragti lagu hoggaamiyo,waxaana meesha ka baxaya jahwareerka, uu keenayo xukuumadda wadaagga ah oo dhawr xisbi soo dhisaan.

Hanaankaan ayaa u suurta galinaya bulshada si toos ah in ay u soo doortaan, xubnaha baarlamaanka iyo madaxwaynaha,

Halka hannaanka xisbiyada badan aysan shacabku dooranaynin xukuumadda oo ay dooranayaan xubnaha baarlamaanka oo kali ah, maxaa yeelay xukuumadda waxaa soo dhisaya xisbiga ugu xubnaha badan baarlamaanka.

Bulshada waxaa u fududaanaysa siyaasaddo cad iyo aragtiyo muuqda in ay kala doortaan, halka hannaanka xisbiyada badan ay shacabku ku jahwareerayaan arrimaha faraha badan ee kala wataan xisbiyada faraha badan.

Hannaanka labada xisbi oo aan soo faah faahinay, marka laga fiiriyo dhanka heerarka iyo udhaxeeya waxa uu noqonayaa dhawr heer oo kala jaad ah:

Laba xisbi oo xeerkoodu adagyahay:

Waxaa lagala jeedaa xeer adkaanta: In xubnaha u fadhiya xisbiga baarlamaanka in aysan ka madax bannaanayn xisbiga , oo ay ku sanduleysan in ay ucodeeyaan xisbigu sida uu rabo, labada xisbi ee dalka ingiriiska ayaa tusaale u ah labada xisbi oo xeerkoodu adagyahay, xubnaha labadaan xisbi baarlamaanka u fadhiyaa waxa uu dhigayaa xeerka labadaan xisbi in ay u hoggaansamaan, soo jeedinta xisbiga,marka baarlamaanka dhexdiisa, la codaynayo.

Haddii ay diidaan waxaa dhacaysa in ay waayaan xubinnimada xisbiga, hannaankaan ayaa keenaya xasilooni siyaasadeed, madaxa xukuumaduna ee xisbiga talada haaya ,waxa uu kuk alsoonaanayaa xubnaha xisbigiisa  ee baarlamaanka, marka baarlamaanka lala hortagayo  arrimo siyaasadeed, oo laga doodayo.

Laba xisbi oo xeerkoodu fududyahay:

hannaankaan oo ay ku dhaqmaan labada xisbi ee ka jira dalka maraykanka,ayaa waxa uu yahay in xubnaha labada xisbi u fadhiya koongarayska maraykanka ay leeyihiin madax bannaani dhammaystiran ,waxa ayna u codayn karaan aragtidii ay rabaan,waxaa dhacda mararka qaar in ay isku aragti noqadaan laba garab oo ka kala tirsan labada xisbi, waxaa kaloo dhacday madaxwaynaha maraynkanka in uu kala kulmo mucaarad xubnaha xisbigiisa  u fadhiya aqalka kongarayska ,hannaankaan, ayaa mararka qaarkeed waxa uu keenaa isku dhex yaac siyaasadeed, oo soo wajaha xukuumadda, iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Haddaba sida aan kor ku xusnay waxaa 100% laysku raacsan yahay in hannaanka labada xisbi ka siyaasad wanaagsan yahay hannaanka xisbiyada badan.

Waayo waxaa uu qofku kala dooranyaa laba aragtiyood oo isu dheelitiran isaga oo codkiisa ku taageeraya mida la cuddoon ee la wanaagsan.

Halka qofku ku dhex ambanayo kuna dhex dayoobayo, hannaanka xisbiyada badan oo qolo weliba ay wadato hawl uu qof ku arki karo inay tahay lagama maarmaan in loo coddeeyo.

W/Q: Shaafici M. Axmed

SHEEKOOYIN