HANQAAR JACAYL Q-1AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

HANQAAR JACAYL Q-1AAD

Waa goor barqo ah oo ay jirto dabeyl yar oo xeeno-xeeno ah. Waa subax ay qorraxdu la soo muuqatay nabad iyo neegaadi, saxansaxada dabeeysha gu’eed ee biligleynaysa darteed, taasi oo lagu sii laray udgoonka ubaxyada ka soo baxaya geedaha naqa iyo nagaarka la tiicaya ee waddada hareereheeda ku yaalla. Waa dal iyo degaan aysan joogin xoolo harfaha ka daaqa dammalka iyo doogga dhulka is xiray.

Neecaawda udgoon ee naftu ay kugu qasbeyso, inaad sanka la sii raacraacdo carafteeda dareemimayso Carfoon Xaaji, maxaa yeelay, naf deggan ayaa wax dareenta ee ma ruux tallamaya oo aan ogeyn halka uu tillaabta dhigayo, ayaa waxaas oo naxariis Eebbe ah ogaal u haaya amase arkaya?! Ni mcadatan udgoon iyadase ka oowdan, ayey ku dhinac lugaynaysaa iyada oo keligeed isla hadleysa, waddada ay baabuurto marto dhinaceeda, waddo lugeedka (Marsho biyeediga).

Fikir dheer bey la jidbeysan tahay, waxayna wax yar uun ka hor isa soo dagaaleen, nin ay toddobo carruur ah u dhashay, si kasta oo ay wax u jiraanba , dagaalka dhacay iyadu raalli kama ahan, mana jecla, in ay ninkeeda la daagaasho, balse, carrab iyo ilkaba cidi isagama dhawa wayna is qaniinaane, iyada iyo gacaliyaaheeda qeylo iyo buuq ayaa soo kala dhex-galay, ka dibna fara isku taagtaag ayuu isu rogay, kaasi ku dhowaaday, in leysu gacan qaado!

Carfoon Xaaji waddanka ay ku nooshahay xeerarkiisa, ayaan oggoleyn in ay laba qof isku xad gudbaan oo ay is garaacaan, sidaasi awgeed,  laysma dilo, laysmana ducuryeeyo ee waa lays canaantaa oo kaliya. Dagaalka dhexmara lammaanaha iyo dadka kale ee caadiga ahba wuxuu ku dhammaadaa fara isku taagtaag iyo qeylo, balse, Soomaalidu mar mar, ayey gacan isu qaadaan, Illeyn horaa loo yiri: “Dhurwaa ceyrin kuma baajo Ragna caadadii ma daayee” Carfoon iyo gacaliyaheeda dagaalka dhex yaallana waa uun sidaas oo gacan la isu ma qaadin, waxna la isuma hambeyn oo si daran oo caro kulul leh, ayey faraha isugu taagtaageen!

Carfoon oo ka cabsatay, inuu odaygeedu gacan u qaado, ayaa dib u xasuusisay halka uu joogo iyo waxa uu mudan doono gacan qaadkiisa ka dib! Caraboow dib, ayuu u degay oo gacan qaadkii wuu ka hakaday, balse, afka ayuu furtay wixii uu sheegi karay, ayuu sheegay!

Carfoon ayaa cod laalmo ah ku tiri iyada oo ka fog: “Waa Ilaah mahaddiis, haddii aan isku mid ka nahay xagga awoodda reerka, waana Rabbi mahaddiis, haddii aadanba gacan ii qaadi karin, sidaa darteed, maanta inaan carrab dhabo oo aan alalaaso ayaa igu waajib ah, waxaanse dhowrayaa dadka deriska ah oo aan sidoodaba qeylada oggoleyn loona oggoleyn. Carfoon iyada oo ciishoon kana xun dagaalka dhex maray iyada iyo odaygeeda ayey haddana libin geeraareysa, maadaama uusan u gacan qaadi karin, waxeyna mar kale “Cod dheer ku tiri: “Run bey sheegtay Ilaah ha u naxariistee, Faadumo Nagruuma”.

Caraboow oo uu xanaaqii ku sii laba jibbaarmay cod dheerna la xabeebtay ciilka haya dartiis, ayaa ku yiri: “Naa maxay tiri: naagta aad sheegeyso oo ay ku run sheegtay?”

Carfoon oo weli libin hadleysa ayaa ku tiraabtay; Nagruuma waxay hees ku tiri:-

  • Laysmana dirqiyo
  • Laysmana dagaalee
  • Waa la kala dambeeyaa
  • Dadnimadii waa fariid
  • Dumar iyo raggoode.

Haah! Way oo way!, Dhaqanku waa sidaas! oo dadnimadu waa fariid Carfoonse, weli lama ay qabsan noloshaan qalloocan ee dhaqankeedii hore ee asalka ahaa ayey daba dhakoobtaa. Sideedaba ma ahan qof dagaalka iyo buuqa jecel, kaaga darane ifka waxay ugu necebtahay in hadal iyada iyo reerkeeda ku saabsan ay deriska iyo islaamankuba bannaanka kula sheekeystaan. Marka loogu maahmaaho: “Nin iyo naag is qaba colna maahan, nabadna maahan”. Waxay tiraahdaa: “kuwa aan is geyin ayaa is guursaday ee sidee ayaan ninkeyga u la dagaalaa ama uu isagu ii la dagaalaa? Waxaa maskaxdeeda ku meeri jirtay; sidee ayey laba qof oo aan heshiis ahayn, nabadna ahayn meel ugu wada noolaan karaan?!

“Geeridii galbeed laga sheego gondahaaga, ayaa laga dayaa” Soomaalida ayaa tiraahda ee waa tan saaka dagaalku ka aloosan yahay aqalkii ay ifka ugu jeclayd ku noolaanshihiisa, sidoo kalena, ay u joogeen ubixii Eebbe ka beeray iyada iyo Saygeeda.

Carfoon haloosiga ay ku socoto dadka hareeraheeda maraya uma jeeddo,  mana oga, inay dad kale waddada la leeyihiin bulshada inteeda kalena ay la wadaagto. Kaligeed ayey laabta iska la hadleysaa, dad iyo duurba waxaadan fileyn ayaa kaaga yimaada, ayey hoos ugu yoto’eysaa. Dadka waddada maraya laftoodu dan kama leh, islaaan marya waaweyn qabtana waxba uma dhaafsana.

Maryaha waa weyn ee ay xiran-tahay iyo jalbaabka ay jiideyso ayaaba dadka qaarkood la ah ilbaxnimo xumo iyo wax aad u liita. La yaab ma leh! Oo sababta ay u asturan-tahay ayey sanba garaneyn. Islaan caddaan ah oo sii dhaafeysa, ayaa hadal tuurmo ah ku tiri: “Ma waadan ku gubaneyn maryaha aad jiideyso?”

Carfoon Xaaji, waxaa ay  hal-celisay: “Haah! Hadda waan ku gubanayaa, adna hadhow, ayaad ku guban- doontaa!” Kuleylka jalbaabka waan hormasanayaa, adna kuleylka naareed, ayaa ku sugaya! Qumanyo! Islaantii hadalka billowday danba kama ay gelin ee socodkeedii ayey sii laba lixaadsatay. Inay u jawaabto iyo inay ka aamustana kala ma ay jecleyn ee maryaha ay jiideyso ayaa dhib ku hayay oo ay la yaabbanayd!.

“Laba kala bariday kala war la’” baa la yiri. Balse, dadka qaarkood ayaa dareemaya, inay islaantaan maanta wax ka qaldan yihiin, haddana gacan gargaar uma fidiyaan, waayo, dadka aan garaad ahaan u buuxin ayaa waddankaan ku badan, sidaa darteed, dhib looma arko haddii qof isla hadleysa waddada lagu arko.

Dadka marka seddex loo dhigo, ayeyba laba dhig yihiin kuwa isla hadla, haddana howshooda wata oo aan lagu takooreyn. Dalka ay Carfoon ku nooshahay, celcelis ahaan dadka ay taladu ka go’do ee waddanka kala haga, ayaa 15% ka ah bulshada. Halka 85% soo hartay dadku ay yihiin kuwa bukaan socod ah oo si uun ula nool dhimmaal maskaxeed. Waddadamada galbeedka oo idil ayaa sidaas ah ee ma ahan wax u gaar ah waddankaan ay Carfoon ku nooshahay, haddiise aan hardanka nafteeda iyo gubashada hoomaalkeeda la dareemin waxba kuma jabna! Oo dhaqanka degaankan, ayaa sidaas ah, Carfoon teeduse waa dani keentay ee iyada weli sooma gaarin jirrada isla hadalka.

Saan qaadka iyo tillaabta ayey hoosta ka xadeysaa si ay u gaarto ballan ay laheyd oo aysan ka baaqan karin, maxaa yeelay Carfoon waddanka ay joogto ballantu, waxay ka tahay; lama dhaafaan, malaha waa tii dadka islaamka ah la faray oo ay si dadban u maroorsadeen bulshada galbeedku.

 Haah! Waa tii uun! Maxaa yeelay waddanka ay Carfoon dhex deggan tahay, qofkii ballan ka baaqda sabab la’aan ama ka dib dhaca sabab la’aan, wuxuu yahay qof aan masuul aheyn. Maya ee ciqaab lacageed ayaaba lagugu ganaaxayaa. Dadku jeebkooda ayey u baqaan, intii ay sharciga iyo ballanta u baqi lahaayeen. Diinta islaamka ayaa dadka fartay; “Qofkii aan ballan laheyn, waa qof aan diin laheyn”.

Dalkaani islaam ma ahan haddana ballanta waxaa lagu qodbay xeerar adag oo lama dhaafaan ah bulshaduna ay u hoggaansan tahay. Carfoon, waxaa ay ka timid meel aysan ballani ka jirin ama aan aad loo qiimeyn, haddase, isha ayey ka rar qaadatay oo weligeedba ballan kama baaqan sabab la’aan kamana dib dhicin. Ballanteeda ayey u degdegaysaa. Ma fiiriso dhinacyadeeda, mana deymooto horteeda, gadaal warkeedaba daa! Wax aysan hore u arkin nolosheeda ayey saaka la soo kulantay.

 Doodda ka dhaxeysa Carfoon iyo odaygeedu maalmahaanba way aloosnayd, subaxdaan arbacaad ayeyse bannaanka u soo baxday. Waxay nabdiga iska leedahay; maalinta arbacadu horta ayaan daranaa! “Arbaca madow ayaan maqli jiray, maantase aniga ayey ii madowdahay! Caku ayaan darinayaa! Mar kale ayey isku qancisaa inaysan arbacadu shar iyo kheyr midna keeni karin ee ay iyadu biti xun tahay! Maya sidaas ma ahan! Maxaa loo yiraahdaa: “Soomaalidu been waa sheegtaa, kumase mahmaahdo”. Warkaas waxbaa ka jira. Arbacaduna waa inkiis! Arbacadii la soo dhaafana waa tii aabbeeheey dhintay! Arbaco madoobeey ayaan daran iimana roonid, wixii madoow laguu la meel dhigay, ayaad qabtaa. Waa doodihii isku hertinayay halquunka hoose iyo hoomaalka Carfoon Xaaji.

Waxay is wayddiisay: “Haddii aysan arbacadu aheyn maalin shareed, maxaa mugdiga loogu tusaaleeyay. Wixii xunba mugdiyaa leh! Maalin madow, habeen madoow, guri madow, gasar madoow, gaso madow, gacan madow. Noolahana sidoo kale, gariir madoobe, lama jecla, guumeys madoobe lama jecla, habas iyo eriguulna waa la mid oo madowga la baaseesto ayey qeyb ka yihiin”. Waxaas oo idilna waxay tusaaleynayaan ayaan madow iyo aayo dilan! Waxey hadalka ku soo xirtay “Haddii waxaasi oo shar ah aysan wax ka jirin, maxaa arbacada ku daray walxaha madow? Maxaase arrinteyda ku soo aaddiyay? Aniga iyo odaygeygu weligeen isma dagaalin, berigase wax isuma reeban! Sabab?”. Carfoon iyada oo aan weli arbacada iyo sharteeda u helin jawaab ay ku degto maalintana ku aaminto ayaa nabdigu u hilaadiyay sooyaallo kale oo ka sii nixiyay. Niyadda ayeyna iska tiri:

Qoomkii reer Caad ee loo diray Nabi Huud (c.s.) markii ay warkiisii diideen waxa Eebbe ka dul hooriyey ciqaab daran, isla markaana ifka ayaa lagu cadaabay! Dabeyl iyo qeylo ayaa la isugu daray. Dabeysha iyo qeyladaas lagu ciqaabay, waxay ku billaabatay: “Maalin arbaco ah”. Waxayna ka joogsatay: “Maalin Arbaco ah”. Ciqaabtu waxay ku socotay: toddobo habeen iyo siddeed maalmood. “Arbaco, arbaco ka siddeed”.

Qoomkii xigay ee reer Thamuud, loona diray walaalkood nabi Saalix (c.s) markii ay warkiisi raaci waayeen, waxay xujo uga dhigeen inuu Eebbe uga baryo hal. Hal gaaban oo gaameel leh. Hasha waxa dhaleysa buur dhagax ah. Buurtu marka ay dhasho hasha, hashuna waxay dhaleysaa qurbac. Ilaaheey agtiisa wax ku culus ma jiraan ee dalabkoodii ayaa loo fuliyey, balse, waxa dushooda lagu qabtay ballan adag, taas oo nabigoodii Saalax (c.s.) uu ku yiri: “Ha isku taabannina hashaan Eebbe, wax xummaan ahna ha ku sammeynina”.

Reer Thamuud, warkii nabigooda ma yeelin ee maalin arbaco ah ayey hashii feyla gooyeen! Seddax maalin ka dibna waxa u yimid ciqaabtii Eebbe. Maalin arbaco ah ayey hasha dileen. Khamiis, jimco iyo sabti guryahooda ayey ku negaadeen. Axadna waxa u yimid ciqaabkii Eebbe. Axad, isniin iyo talaado ciqaabkii ayaa ku socotay, waxaana la dabar-jaray intii xummaha sammeysay oo idil maalin arbacaad.

Carfoon Xaaji, waxay hoos ugu yoto’day: “Hadda ayaan ogaaday sababta ay soomaalidu arbacada ugu bixiyeen arbaca madow!” Mar kale, ayey niyadda iska tiri: “Malaha anna teydu shil dhacay ayey aheyd ee maalintu shareysi ma leh!” Doodo iyo wayddiimo aysan warcelin waafi ah u heynin ayaa boggeeda ku hardamaya. Waxay la cajabsan tahay waxa iyada iyo odaygeeda isku diray?!

Iyada oon dhinacyada fiirin ayey haloosiga ay baabuurtu maraan hardadaf ku soo tiri. Danteedu waa inay si dhaqsa ah haloosiga (High wayga) u goyso. Ammarku kula tashan maayo! wixii dhici rabana hore ayey u qornaayeen oo lama celin karo! Wixii dhici raba kun sano ayey kaa weyn yihiin, mayee kumannaan sano ayey kaa weyn yihiin. Amarku sidiisaba wuxuu ku jiraa gacan Eebbe. Ka hortaggiisana aadanuhu shaqo kuma lahan, balse, mararka qaar ayuu aadanuhu ka dib tag sammeeyaa! Haah! Markii wax dhacaan ayuu farsamo aad u kooban oo iyadana Eebbe u oggolaaday la yimaadaa aadanuhu. Qaddarta celinteedase shaqo kuma lahan oo waa mid Eebbe u gaar ah!.

Laba cagood markii ay haloosiga dhigtayba waxa dhankeeda bidix ka yimid baabuur xiimaya isla markaana shaabada ayuu ku qaaday. Carfoon waxa hadal ugu dambeeysay, waa arbacadii! Alla waa arbacadii! Aa’! Aa’! ka dibna waa miir beeshay!

  • Ayaamaha Ilaaheey
  • Eed ma leh middoodna.

La soco qeybaha xiga haddii Alle idmo!

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN