Hanti guud. W/Q. Shaafici Macallin Axmed

Hanti guud

Hanti waa: wixii milgo iyo mug leh, tayo iyo tira muuqatana leh, oo noolaha waxtar iyo waxgalba u leh.

Afka Soomaaliga  waxaa hantida loo kala saara, Mood iyo Nool, Mood waa wax kasta oo aan naf lahayn, sida dhulka, gadiidka, walxaha cayriin sida: Dahabka, dheymanka iyo qalinka iwm.

Hantiduna mood iyo maalba waxay u qaybsantaa 3 Qaybood :

  1. Hanti gaar ah.
  2. Hanti qaran(Hanti dawlad)
  3. Hanti guud(Hanti dadweyne).

Hanti gaar ah

Hantida gaarka ahi waa mid qof ama dad isku duuban leeyihiin ee qaab xeerka lahaanshiiyaha u degsan ay ku hantiyeen, wax ayna noqon kartaa wax kasta oo gaar loo yeelan karo, waana mid aan wada ognahay wada garanayno, habkeeda iyo hannaankeedaba.

Hantida guud

Hanti guud waa hantida waxtarkeeda dadka ka wada dhaxeeyo bulshaduna si siman u wada adeegsato, mana jiro qof si gaar ah u sheegan kara ama ku magacaaban.Waxaana ka mid ah hantidaas guud ee la wada leeyahay lana wada dheefsado sida:

  1. Biyaha iyo daaqa
  2. Macdanta cayriin iyo ilaha dhaqaale ee dabiicigaah ee dhulka iyo badda: sida cusbada, batroolka kala duwan, dahabka, qalinka ,birta iyo macdanta oo dhan, sidoo kale khayraadka badda sida kalluunka, cambarka iyo wixii badda laga helo ee macdan waxtar leh, ayaa ka mid ah hantida guud.
  3. Adeegyada lagama maarmaanka ah ah:sida waddooyinka, Danabka(korontada)gaadiidka dadweynaha, masaajidda, goobaha wax barashada, xarumaha caafimaadka, gegida diyaaradaha, goobaha ciyaaraha, dakaddaha. Gacannada webiyada iyo baddaha.

Hanti guud iyo Hanti qaran

Waxaa jirta hanti  aan ahayn midda guud balse dadwaynuhu xaq kuleeyahay. Waxaana lagu magaacaabaa Hanti qaranama hanti dawladeed. Waxaa tusaale u ah canshuuraha. Dhulka, Hawlgalada horumarinta gaarka ay dawladdu samayso,  Heer siinta(Darajada)ciidanka, deeqaha wax barashada iwm.Waxa ayna ku kala duwan yihiin hantida guud iyo hantida qaranku arrimihan soo socda:

  • Doorka dawladda ee ku aadan hantida guud waa maamulid kali ah sida xeerka iyo heshiis bulsheedku(dastuurku) qabo , cid gooni ah kuma gaar yeeli karto. Dheefsigeedana waa loo simanyahay.
  • Halka hanitida qaranka loo ogolyahay dawladda in bulshada qayb ka mid ah ku gaar yeesho. Tusaale ahaan canshuuraha waxa ay ku taageeri kartaa dadka taagta daran kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kale beeralayda, kalluumaysatada, iyo hawlgal horumarineed ah oo dadwaynaha dheef iyo waxtar u leh.
  • hantida guud ma ahan mid suurtagal ah hanasho si gooni ah qof uu gaar yeesho tusaale ahaan badda iyo webbiyada ma ahan wax qof gacantiis gali kara.Halka hanitada qaranku ay tahay asal ahaan mid noqon karta hanti gaar ah sida dhulka .

W/Q. Shaafici Axmed

SHEEKOOYIN