Hareerahaaga dhugo! W\Q: Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”

Hareerahaaga dhugo!

Adduunyadu waa dhibleey iddeedaba…Waxaase ka samatabixi kara kii garta dhibkeeda, ogna waxa ku xeeran–sammaan iyo xumaanba. Waana muhiim in aad taqaan maha aad u socoto iyo waxa aad rabto in aad u qudubto, haddii kale intaad jahwareertaad dhumeysaa. Waa jahawareer aan adiga uun kugu koobneeyn, balse dhumiya adiga iyo intaad waddaba. Waxaa fiican in aad leedahay bar kuu tlimaansan ood geeddi u tahay. Waxaa kaloo fiican in aad hayso shax iyo qaab tilmaamaayaa meesha iyo kobta aad geeddiga u tahay. Waa in aad ogtahay in khariidad kastaa (map) ay ku dhisantahay mala awaal, meelmarinteeduna maan iyo muruq u baahantahay. Isku-xirka labadaas dun haddaan si qumman la isu waafajin, waxaadan ka bixidoonin jahawareer iyo danti aad laheeyd oo murugta. Waxaad noqoneysaa “Dantiisa mooge mara duuga horteedow dhammaadaa”. Waxaad arkee meel lagu kala tegey adoo cidla ciirsi la’ taagan.. Dadkaaguna ku wada hiifayaan..kuna wada nacladayaan, iyaga oo leh “Habaar qabahaan maxaa madaxa noo galshay“. Marka, muggaad dhugato adigana is eegto, lana qabsato cilimada jirto, Kolkaasaad inta kugu xeeran u meel dayi kartaa! “Tiisa daryeelaa tu kale ku dara”.

Waxay rabtaa caqli fadhiya, feejigan, lehna aragti qoto dheer. Waxay rabtaa wax wadaag, “Talo wadaag”..ummase baahna aniga iyo uun. Markaad u fiirsato bulshooyinka jira ama kuwii horeba waxaa sal u ahaa ama ahba isku tiirsanaan iyo is tixgelin; waa dhankaaga ka qabo, anna keyga igu daa…Waa Iskaashato ma kufto.. Adduunyadaan hore u martayna waa kuwa raacay, kuna aflaxay sida muuqata tubahaas iyo kuwa la mid ah. Marka aad taariikhaha waddamada hore u maray fiiriso waxay soo wada taabteen derbiga..waxay soo wada mareen dhibo aan iyaga u aabbayeeleyn, haddaaney la imaan iyagu aragti ay ku dhaafi karaan muujadaha hirarkaa ee jiray… Waxaa jiro wax dadka u dhexeeya oo waajib adag naga wada saaran yahay iyo waxyaabo la kala leeyahay oo qof walbaa goonidiisa u ah..kuwaas oo haddii la dayaco ay been noqoheyso waxa aad ka qabaheyso midda guud. Taas waa midda ka jirto qaybo ka mida Bulshadeenna oo toodii gaarka illaaway kuna mashquulsan midda lala wadaago uun…Bulshadana waxaad kaali kartaa marka aad taada kaasho.

Waxaa la yiraa danaha guud waxaa ku dhex milan danaha gaarka ah, laakiin midda gaarkaa kuma milno midda guud..Waxa qof u gaarana tammar kuma dhamma waxa kooxi leedahay. Sidaa awgeed waxaa mudan in la ilaalsho midda dadka ka dhexeyso. Haddana micnaha maahan in lagu mashquulo uun tii guud lagana tago middii gaar ahaaneed. Markaad is qurxiso ayaad cid kale qurxin kartaa. Yaad ku haleyhee oo kuugu maqan taada? Marka aad si fiican indhaha u furto si qummanna aad u maraanmarto hareerahaaga, hortaada iyo gadaashaadana aad dhugato, waxaa kuu soo baxaayo waxaa tahay oo cad.

Waxaad arkee in lagaa kala tegey oo aad keligaa dib u-dhacsantahay.. Kolkaasaad waqti xeero iyo fandhaal ay kala dheceen xusul-duubi doontaa War hooy mid kastoow taada garo. Cid kastaana ha ogaato qiimaha ay wadajirku leeyahay. “Isku duubni baa dadka yagoow dulli kaga baxdaa”. Ereyadaas waxay ka mid ahaayeen heesta waddaniga ee caankaa ee Heegan. Waxaan ku soo koobaa in qof walba rabtiisa , xandho iyo xoolo wuxuu heysto iimaansado, una qumo uun falashada beertiisa waxa Rabbi ka siiyaaba. Meel meel ka fiican ma jirto meeshaan waxa yaal waxaa ka maqan waxa meesha kale yaal “Bude qabe iyo Biya qabena waa isu baahan yihiin” ee Ummad yahay Midnimo. Waxaan ku soo hooraa beyd gaaban oo ka mid ah masafadihi Shiikh Axmed Gabyow:

  • Geenyo qurxoon iyo qayl dammeeraad
  • Ninba mid-kiisu la qaal badnaayaa!.

W\Q: Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN