Soomaali Qaxooti ah oo barakacay! W/Q: Saciid Muuse (Ustaadka)

Sac

Soomaali Qaxooti ah oo barakacay! 

Waxeey ahaayeen ugu yaraan, 500 qoys oo soomaali ah oo ka soo guuray ama ka soo dagaagay xero la yiraahdo aljaxiim oo uu qaramada midoobay xirtay, si dadka qaxootiga ah ee ku noolaa loogu raro, mid kale oo alqaras la dhaho, 500taa oo qoys waxeey ahaayeen kuwo ka biya diiday ineey alqaras u guuraan oo ah meel kulul oo xeeb ah.
Waxey u soo daggaageen gobol maarib la yiraahdo, Shiikhii ka talinayay gobolka wuu soo dhaweeyay, waxuuna siiyay, dhul weyn kaasoo eey cooshash iyo buushash ka sameysteen, qaraabkana waxey u aadaan magaaladda mid gaari dhaqo iyo mid tuugsato.

Shiikhii ayaa ku taliyay inuu masjid dhagax ah u dhiso dadkan maadaama eey muslimiin yihiin sidi baa la yeelay, Laakiin dadkan oo ahaa, dad aan cibaado shaqa ku lahayn, ayaa masjidkii u arkay inuu yahay, meel dugaal ah, oo dhaxanta laga gali karo waqtiga la qayilayo maadaama uu ahaa guri Sar ah.
Sidaa ayeey habeenkii isaga baraxan jireen gudaha, masjidka dhaxdiisana labalaba loo fariisan jiray nin iyo naagba leh. habeenkii danbe ayaa eey aad u marqaameen qaarna waxeey cabeen calaq qamri la dhaho, oo eey iyaga gacantooda ku sameeystaan, Markii la wada sarqaamay, ayaa lagu dooday anaa kaa cod mac iyo anaa kaa cod macaan, naag ka mid ah kuwii marqaansanaa, ayaa la booday makarafoonkii oo eey aadaan ku dhufatay” alaahu akbar Alaahu akbar” Xiliguna waa 5 saac oo habeenimo. Shiikhii oo aan meel ka fogeyn joogay iyo xertiisii ayaa maqashay aadaanka dhacayo xiliga baas ooy waliba cod naageed ku adimeyso, waxuu u soo diray rag soo fiiriyo waxa dhacay, ragii ayaa masjidki soo galay, Mase waaba la kala jeedaa, illaa mixraabka meel laga fariisto ma laha, Qiiqa sigaarka hawada isku shareeray ayaad moodaa in gurigu gubanayo kkkkk dib bey u noqdeen una sheegeen Shiikhii, oo amray in dab dhinaca kale laga soo galiyo, dhinacii kale baa basiin loogu soo daadiyay, karaatiintii iyo buushashkii eey ku jireen ayaa hal mar holac wada qabsaday, kaasoo dhaliyay qasaaraha 8 ruux oo ku nafweyday, Soomaalidina waxaa lagu amray ineey ka guuraan dibna aan loogu arki karin aagaas, Inti badneyd horey ayeey u socotay, laakiin 20 ruux ayaa ku haray, kuwaasoo seexan jiray, Godad eey ka qoteen dhulka hoostiisa waayo buush lama taagi karin oo waa la mamnuucay. Subxii danbe ayaa meeshii la yiri, garoon diyaaradeed ha laga dhiso, katarabiil ayaa aroor lagu soo kiciyay, Markii eey shaqadeeda bilaawday, ayaa waxa furdux furdux ka soo yiri, godad uusan markii hore darawalku arkeynin illaa toban qof oo madmadow, oo wiliba aan dhar xirneyn maadaama eey ku tooseen xiinka katarabiilka la dulkeenay, Darawalkii ayaa bahashiyoo shidan orad uga dagtay asagoo mooday in asxaabul qubuura soo tooseen ama jin meesha daganaa kkkkkkkkkkkkkk

W/Q: Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN