Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal Q3AAD W/Q: Cabdiwahaab Cabdulqaadir Maxamuud (Carab)

quotescover-JPG-39

Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal Q3AAD.

Caasha: Waa sax Cali, aniguba maanka waan kuugu hayaa aadna waan kuugu xiisay aboowe. Wuxuu Cali waydiiyey inay kulmaan oo uu Cali jecelyahay inuu guriga ugu yimaado, waxaanay u dhacday sidii Cali doonayey galabtaasna wuxuu Cali qaaday talaabadii kulanka iyo siduu xal uga gaari lahaa arrintan ku cusub dareenkiisa.

Cali waxa uu sugi la’yahay balantii, samirkii iyo dulqaadkiina waa ku yaraaday wuu ku yaraaday xagiisa wakhtigiina wuxuu ku noqday mid aad u gaabinaya , wuxuu sugaba wuu soo dhawaaday Cali waxa uu isku diyaariyey in uu tago goobtii balanta saacadii ay qabsadeen ka hor kolba waxa uu eegaa saacada ugu dhegan qolkiisa jiifka .

Goor sheegtadu hadda waxay tilmaamaysaa 3:00 galabnimo, saacad dhan ayaa ka hadhsan Cali waxa uu goostay in uu ka horreeyo wakhtiga, si deg-deg ah ayuu suuliga u galay , intii u ku mashquulsana is diyaarinta ayaa waxa bilaabmay dagaal aad u xooggan ”Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin” ayey Somaalidu ku maahmaahday rasaasta dhacaysa waxba kama oga Cali wuxu isaga jira isdiyaarin xooggan si uu isugu dhiso qofka uu dunnida ka doortay, wuxuu maqlay rasaasta daryaameysa , wuxuu u soo galay hooyadii oo markaa dhammaysay salaadii casar oo wali ku dulfadhida sijaayadii ay ku tukatay wuxuuna weydiiyay hooyadii rasaasta waxa ay tahay, waxey u sheegtay ineysan garanaynin waxa ay tahay iyo cidda dagaalku u dhaxeeyo, waxeyna u sii raaciisay inuu sugo inta ay ka joogsanayso rasaasta dhacaysa oo uu san bixin hadda.

Cali wuxuu dib ugu noqday qolkiisii, markiiba waxaa dhawaaqay oo soo dhacay talefankii guriga ugu jiray, Cali ayaana qabtay taleefankii wuxuuna durbadiiba gartay codka la hadlaya in ay tahay Caasha, wuxuuna u sheegay in mar dhow uu soo bixi doono ileyn waa nin meeli u caddahaye balse nasiib daro Caasha ayaa u sheegatay waxa ay u soo wacday in ay tahay in xaafaddooda uu dagaal ka socdo sidaa daraadeedna uu maanta iska joogo haddii uu wax muhiim ah u sheegayo uu talefoonka uga sheego, Cali ayaa taa diiday oo u sheegay in marka ay is arkaan uu wax walba u sheegi doono.

   Sida badan dadyowga ku dhaqan deegaamada ay dagaallada iyo colaadaha halakeyeen gaar ahaan koonfurta soomaaliya waxaa caado u ah, in mar walba ay dhegta ku hayaan idaacada gudaha ee gaarka loo leeyahay iyo idaacada BBC-da laanteeda afka-Soomaliga ku hadasha ay dhagaystaan wixii wara oo dunida dacaladeeda ka dhaca gaar ahaan gobollada iyo degmooyinka dagaallada sokeeye ka oogan yihiin ee koonfurta soomaaliya, Cali waxa uu soo qaatay Radio maadaama ay dagaallo ka socdeen qeybo ka mida xaafaddaha magaalada Muqdisho, Cali wuxuu mar walba jeclaa inuu wax ka oggaado qasaaraha uu geystay dagaalkii galabta billowday, waqti badan kuma aysan qaadan inuu geeyo BBC-da sababta oo ah FM-yo dhowr ah ayaa soo deeya BBC-da laanteeda Afka-soomaaliga markiiba wuu geeyay waxaa markaa ku jirtay warka caalamka.

         In cabbaar ah markii uu sugaye ayey dhagahiisu maqleen wariye ka tirsan shaqaalaha BBC-da oo ka hadlaya dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho, Radio ayuu Cali dhabta saartay si ayn wax u dhaafin weriyihii ayaa ku bilaabay warkii sida tan:

         “Warrarka naga soo gaadhaya dalka soomaaliya gaar ahaan caasimadda muqdisho ayaa la sheegayaa iney dagaalo xooggani ay ka socdaan, dagaalladaas ayaa la soo sheegayaa iney billowdeen galabta saacadu markay aheyd 3: 30PM oo ay socdaan ilaa iyo hadda, lama oggaan karo qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen, balse weriyaheena magaalada Muqdisho nooga soo warrama ayaa soo sheegaya in uu indhihiisa ku soo arkay dad isugu jira maleeshiyaadkii iyo dad rayid ah, 20 dhaawacyo ah oo la dhigay isbitaalka weyn ee MADIINA, dhimashaduna ay intaa ka badan karto dagaalka galabta ka dhacay magaalada muqdisho, waxaa la sheegayaa in dagaalku uu ku sii fidayo degmooyin dhowra oo ay ka mid yihiin degmooyinka HOWL-WADAAG iyo WARDHIIGLEY, lamana xaqiijin karo qasaaraha naf iyo maal ee uu geystay dagaalkaasi, wixii faah-faahina ee intaas dheerna waxaad kala socon doontaan warkeena caawa xiga……

         Cali markiiba waxa uu si dhaqso leh aaday halkii uu ku ogaa talefoonka wuxuuna wacay xaafadii Caasha markii uu in cabbaara dhacaye talefaankii ee la qaban la’yahay ayaa markii danbe waxaa qabtay Caasha hooyadeed salaan guud ka dib ayuu weydiiyay dagaalkii galabata dhacay iyo xaalkooda caafimaad sida uu yahay iyo in ay bad qabaan, waxay u sheegtay inay bad qabaan oo uu wel welka iska yareeyo.

            Intaa dabadeed Cali waxaa guriga ku soo booqday saaxiibkiis Maxamed oo soo maqlay in dagaal ka dhacay xaafadi uu Cali u socay galabta ogaana in galabta ay balansanaayeen Cali iyo Caasha , salaan saaxiibtinimo ka dib Maxamed ayaa saaxiibkii ku yiri isagoo dejinaya “saaxiib waan arkaa in galabta ay duruufi kuu diiday in aad tagto gurigii Caasha balse saaxiib maalmo kale ayaa ka badan maanta oo keliya adduunyadu kuma koobna”

“haa saaxiib wakhti badan ayaa horteyda ah” Cali oo hadalkii sii wata ayaa yidhi “lakiin saaxiib waxaan aad ula yaabanahay goormay dagaalladu joogsanayaan? goormaa maatidaan la laaynayo ay joogsanaysaa??, goormaa hantida masaakiinta ee la boobayo la soo af-jarayaa??, xilimaa maxkamad la soo taagi doonaa danbiilayaashaan??, dowlad caadila goormaan heli doonaa saaxiib??” intaa oo su’aalo ah waxaa is daba dhigay Cali oo weydiiyay saaxiibkii Maxamed, balse Maxamed qudhiisa ayaa is weydiinaya su’aalahaas iyo kuwo ka sii badan lakiin jawaab looma hayo, Maxamed ayaa arkay in saaxiibkii Cali uu aad u murugaysan yahay, intuu ku soo durgay oo uu gacantiisa garabka ka saaray ayuu ku luuqeeyay heestani:

  • Doonayaayoo doonayaa
  • Nabbad, nabbadaan doonayaa
  • Daa’imoow allahayow
  • Noo daryeeloo
  • Dalkeenoo nabbada
  • Dadkeenoo nabbada doonayaayoo
  • Dadow dadow duula allow soo duceeya
  • Aamiin Aamiin Aamiin!!!!

         Adduunyadu waa ayaanba ayaane, maalmaa ka soo wareegay waxaana baryay waa cusub, Cali iyo Caasha waxa ay dhigteen balan hor leh oo cusub oo waxa ay isku af garteen in galabta ay kulmaan, horaa loo yidhi waqtigu wuu ordaaye, Cali wuxuu guddo galay inuu is diyaariyo galabta sidii hore wuu ka duwan yahay waxa uuna qabaa xiiso saa’id ah, xiliga balanta waxaa ka harsan oo keliya wax aan dhammeen 30 daqiiqo, Calina markiiba wuxuu soo raacay baskii.

Cali maskaxdisa way isla hadleysa, wuxuu ka fikiraya qaabka uu ugu bandhigan lahaa dareenkiisa Caasha, waxay maskaxdiisu isku dayeesaa inay isku aadiso hadalo soo jiidasho leh oo uu ku bandhigan karo jaceylkisa, wel-welna wuu ka muuqdaa Cali.

   Markiiba wuxuu soo gaaray xaafadii Caasha wuxuuna fadhiistay qolka martida in daqiiqado ah markii uu fadhiyay ayaa waxa qolka ugu soo gashay Caasha oo aad moodo xural ceyntii adduunka oo aad u qurux badan, waxey soo fadhiisatay kursi u dhaw kii Cali uu fadhiyaya waxaa wehlisa dhoola caddeyn dhammeystiran, markay albaabka ka soo gashay ayaa Cali waxaa saaqey cadarka aadka u udgoon eey ka soo burqanaya dhinaca Caasha ka soo socoto, maaha mid uu hore weligiis u dareemay udugiisa, waana kan dumarka aad u isticmaalaan isagoo la ashqaraarsan dhoolatuska xishoodka ku laran ee Caasha ayuu isku dhiiro geliyay inuu qalbi iyo laab furan ku soo dhaweeyo, balse ereygii ugu horeeyay ayuu farxad darteed oran kari waayay oo marba xaraf iyo laba shaqal soo tuuraa “ccc…aaa..sh….aa…”.

   Cali: Caasha sidee tahay? ayuu Cali ugu danbeyntii yidhi

Casha: waan fiicanahay, adiga sidee tahay? ayey ku celisay, iyadoo xishood uu ka muuqdo.

Cali: waan wanaagsanhay, mahadsanid. Cali ayaa yidhi, Caasha ayaa tiigsatay cabitaan miiska ay hore ugu diyaarisay una soo taagtay koob cabitaan ah, inta badan labadooda way ilka caddaynayaan wejiyo ay faraxdi ka muuqatana wey isku qaabilayeen.

Cali waxa maskaxdiisa mashquul ka dhigay arrin muhiim ah oo kaligii ku kooban, dhowr jeer ayuu isku deyay in uu rarka saaran iska rido laakiin markasta wax uun baa ka soo dhex gala, markii ugu dhaweyd oo uu cabbaar aamusnaa waxa uu damcay in uu yidhaahdo ereygii naftiisa dhibay beryahaan danbe markii uu xarafkii ugu horreeyay ee “Casha waan ku…” carabkiisa ka soo baxay ayaa waxa qolka soo galay wiilki yaraa ee Cali uu aadka u jeclaa markiiba dhabta ayuu saartay, Caasha ayaa mar keliya kaga naxsatay Cali su’aal aheyd “Cali galabta waxaan filayaa inaad ii heysid arrin muhiima ii sheeg maxey tahay?” Cali wuu filaye in la weydiinayo su’aashaas iyo kuwo lamida balse wax jawaaba umuu haynin waayoo wadnihiisa ayaa aad u garaacmaye, mar danbe ayuu ugu jawaabay “waa runtaa waxbaan jeclaa in aan kuu sheego balse ma garanayo sida aan kuugu sheego , adiga maxaa kaa cusub? Waa maxay buuggan?” gacanta ayuu ugu fiiqay buug miiska u saarnaa Caasha “Aboowe Cali waa buug jaceyl ah oo aan soo gatay haddii aad aqriso waad ilmaynaysaa ee haddaan su’aal ku weydiiyo adiga jaceylka maxaad ka aaminsantahay?” su’aashaas Caasha ayaa Cali weydiisay, aad ayuu uga naxay dhinaca kalana haddii loo eego waxey u ahayd fursad qaaliya oo dib aan u soo marayn mase ka faa’iideysan ee waxa uu u sheegay Casaha in qof walba ee nool uu mar wax jeclaan karo lana jeclaan karo.

       Galabtaas Cali waxa uu soo noqday isagoo faro madhan oo soo gaadhin u jeedadii uu laha sababtoo ah awood uu ku sheegto muu lahayn waxaan odhan karnaa wuxuu ku sifoobay eradayii uu abwaanka soomaliyeed tiriyay ee ahaa:

 

  • Awood ban jirin xagaygoow
  • Afkii ba juuqda gabay

W/Q:Cabdiwahaab Cabdulqaadir Maxamuud (Carab)

SHEEKOOYIN