Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal Q4AAD.
Galabtaas Cali waxa uu soo noqday isagoo faro madhan oo soo gaarin u jeedadii uu laha sababtoo ah awood uu ku sheegto muu lahayn, waxaan oran karnaa wuxuu ku sifoobay erayadii uu abwaanka soomaliyeed tiriyay ee ahaa:
Awood ban jirin xagaygoow
Afkii ba juuqda gabay
Wuxu wakhtigu is guraba saacaduba saacaad isku dhiibto toddobaadba todobaad kale u yeedho, ayaa waxaa mar qudha magaalada muqdisho ka dilacay dagaallo jaagto noqday, colaadahaasi, waxay keeneen wax aan hore loo arag, taas oo ah arrinku cusbeyd bulshada Soomaaliyeed oo ah, in qof is qarxiyo, in miinooyin dhulka lagu aaso, in qof aan waxba galabsan la iska toogto,dagaalladaasi waxay inta badani ku dhici jiren dadka rayidka ah.
Waxay kaloo dagaalladaasi ,ay xayiraad ku keeneen, ardaydii iskuullada dhiganaysay iyo kuwii jaamacaddaha .
Caasha waxay ka mid ahayd ardaydii waxbarashadoodii hakad ku yimid, dagaalladii dhacayey awgood,taasi waxay walwal ku abuurtay Caasha iyo reerkoda oo idil, waxa sidaa si la mida wel-wel wayn dhankiisa ka muujinayay ninki Cali ahaa, waayo Cali iyo Caasha isma ayna arag intii dagaalladu ay socdeen oo dhan, aad ayuu Cali ugu xiisay Caasha arageeda iyo la kulankeeda, wuxuu ugu xiisay si aan qof binu aadam ahi, qof kale aan ugu xiisiny aragtideeda oo kaliya ayuu wax walba ku iloobi jiray, wuxuu daawan jiray Caasha quruxdeed, bilicda iyo bilnaanta alle ku manaysatay, joogeeda iyo jamaalkeeda aanad marnaba ka jeesanay, wuxuu laabta ka qaadi jirey ”Dhaayihii jaleecaa, dhibaatada hilmaamee” gabadhii uu cugtey ee calmaday, gabadhii qalbigiisa saldhiga ku yeelatay, gabadhii, hurdada iyo gama’a u diiday, gabadhii u darteed u golongoley, Cali in dhawaale ma arag, taas ayaana keenaysa, boholyoowga iyo xiisaha kalgacalka.
Dagaaladu way socdaan, hase ahaatee isku socodka dadka ayaa goosgoos ah, wallow aan si toosa ah loo wada bixin,Cali oo guriga iska jooga ayaa waxaa taleefanka u soo dirtay Caasha waxayna Cali u sheegtay in ay u baahan tahay, isaga oo uu galabta u yimaado hadduu heli karayo, Cali oo markii horeba aad u danaynayey inuu u tago Caasha, ayaa ugu jawaabay inuu diyaar u yahay oo uu u iman doono wuxuuna intaas u sii raaciyey inuu aad ugu xiisay intii ay kala raageen.
Cali isagoo dultaagan miiskii taleefanka ayuu niyada iska su’aalay waxa ay damacsan tahay oo ay maanta ugu yeedhay “malaha iyaduba way ku jeceshahay wayna qarsan wayday …”Fiicnaan lahayda in arrintaas ay kala hadasho, maah-maah soomaaliyed ayaa tidhaahda “laba kala bariday kala war la’”. Caasha murugo kale ayaa haysata oo ay doonayso in ay u sheegto Cali, si uu ula taliyo waayo waa saaxiibkeeda rumaad oo ay ku kalsoontahay.
Cali markiiba wuxuu wajiga soo aadiyey xaafadii Caasha , gudaha ayuu soo galay wuxuuna u sii gudbay qolkii fadhiga iyadoo ay garab socoto Caasha, galabtase gabadhu farxadii loo bartay kama muuqato wajigeeda gabigiisaba waxa daboolay murugo, waxaa ka muuqda daal iyo niyad jab, waxaa kale oo dabooley foolkeedii badnaa dareen uu qofkii hore u yaqaanay arkayo ineysan xaalkeedu saalooneyn.
Cali wuu dareemay, in Caasha ay murugsan tahay oo wax ka si yihiin, intuu u soo dhawaaday ayuu su’aalay sida ay wax u jraan iyo wax ay tahay murugada wajigeeda ka muuqata,waxay ugu jawaabtay “Aayo ayaa nagu wargalisay in ay noo kaxaynayso ingiriiska ka horna aan Kenya sii tagno ana ma doonayo in aan ka tago waxbarashadaydii iyo asaxaabtaydii aanu isku fiicnayn”Cali markii ay dhagihiisu ay soo gaadheen arrintan aad ayuu ugu naxay waxaadna moodaa in waran wadnaha looga taagay, balse Cali muu dareen siin inuu ka naxay oo uu aad ugu xunyahay iney ka tagto oo calool adeyg ayuu dhexda ku xirtay, wuxuuna maskaxdiisa ka go’aansaday inuu dejiyo Caasha, oo uu adduunka ugu jecelyahay lakiin aanu iyada la ogeyn, Cali wuxuu Caasha u sheegay oo uu ka dhaadhiciyay in xaalada magaalada muqdisho ay maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanayso oo wax aan horrey loogu aragna, ay ku haatan soo kordhayaan, iskuulladiina ay badankood xirmeen oo meel loo maraahi aaney jirin, wuxuu intaa u sii raaciyay in dhinaca waxbarashada dalka iyo tan dibadda ay wanaagsan tahay taan dibadda, oo ilaa heer jaamacadeed ay soo dhameysan karto sidaa darteed uu kula talin lahaa inay aqbasho.
Cali galabtaas oo dhan wuxuu la joogay Caasha oo uu u sheekeynayey, si aysan u daremin cidlo, goor danbe oo habeena ayuu ka soo tegay Caasha lakiin waxay la balantay beri subax oo ay u sheegtay inuu alaabo la soo iibiyo si ay isugu diyaariso safarka geli doonto, todobaad kadib.
Cali wuxuu soo aaday saaxiibkiis Maxamed si uu ugu sheego wixii uu kala kulmay Caasha, durbadiiba ma daahine Cali wuxuu u yimid, saaxiibkii Maxamed oo guriga ku sugayo salaan ka dib Cali wuxuu saaxiibkii u sheegay wixii ay Caasha ugu yeertay galabta, iney aheyd arrin uu aad uga naxay Cali markii uu maqlay, taas oo aheyd iney toddobaadka soo socda aadi doonaan Kenya oo ay kaga sii gudbayaan dalka ingiriiska…. Intaa markii uu Cali marinayo ayuu Maxamed weydiyay “saaxiib ma u sheegtay jaceylkaaga oo maka faa’iideysatay fursadaas?” “Maya saaxiib ee Caasha aad ayey u murugeysneyd sidaa darted ayaan ku qasbanaaday in aan iyada garabkeeda istaago oo aan dejiyo… mana aqoon sida aan noqday marki ay ii shegtay iyo markaan wejigeeda aan ka arkay murugada ka muuqata saaxiib” Cali ayaa ugu jawaabay saaxiibkii, Maxamed ayaa u sheegay Cali inuu kula talin lahaa inta aysan waddanka ka tegin Caasha inuu sheegto jaceylkiisa, haddii kale qof qurba aaday aanu aheyn kii aad garaneysay oo uu isbedelayo, Cali madaxa ayuu u ruxay taas oo micnaheedu yahay “waayahay” wuuna ka soo dhaqaaqay.
Cali waxa uu inta badan aad u jecel yahay inuu dhageyso heesaha jaceylka siiba kuwa qaraamiga ay dadku ugu yeeraan ee ay qaadaan fanaaniintii hore, Cali caawa waxa uu dhageysanaa heeso jaceyl oo dhuuxa iyo lafuhuba ku dhalaalinayso micno aad u weyna ku fadhido taabanaysana xaalada uu ku sugan yahay Cali heestana waa
- Naftu doqonsanaa
- Damac waalanaa
- Waxey beri doonto
- Beri kuu diri ogaa
- Dantu kaa adagaa
- Durba ku celin ogaayee.
- Labadoo is derderay
- Dadka dhibi ogaa
- Risiq eebe kuu diiday
- Kaa durugsanaa
- Nimuu duunyo siinayo
- Deeqi u dhawaa.
- Taa waxaa daliil u ah
- Haadka sammada duuliyo
- Diinkuba u siman calaf.
- Nina ceysha daayacan
- Aanu daal u soo marin
- Kama helo daleedaha.
- Sidey diintu nagu tidhi
- Dayaxana ha dhaafee
- Raggaa derajadu helay
- Rabi kaama daahine
- Dadaal gaari doontide.
- Naftu doqonsanaa
- Damac waalanaa
- Dabaylaha cirkay
- Hadba kugu darta
- Durdur kaa fogbey
- Dar u xidho kugu tidhaaye
- Dahabadan lahayn
- Ku tidhaa daldalo
- Haka dayrin weliga
- Noloshaad deris tahay
- Ha u doodin abidkaa
- mid kaloo ku dayasho ah.
- Taa waxaa daliil u ah
- Oo nooga digi kara
- Xadiis baa ku soo degay.
- Mar uun laysma garab dego
- Dadma wada sinnaan karo
- Adduun waa is daba maal.
- Sidey diintu nagu tidhi
- Dayaxana ha dhaafee
- Raggaa derajadu helay
- Rabi kaama daahine
- Dadaal gaari doontide.
Subaxdii xigatey Cali wuxuu soo aaday guriga Caasha, oo uu la balansanaa, markiiba waxay isu raaceen Caasha, oo ay wada aadeen dhinaca suuqa oo ay Casha allaabo yar yar ka soo iibsaneysay, saacad iyo bar ayey ku qaaddatay inay soo iibsadaan alaabtii, dabadeedna waxey ku soo noqdeen guriga Caasha. Maalintaa Cali waxay u aheyd maalin xusuus badan qalbigiisana uu aad ugu degay, maalintaas Cali waxay qado wada cuneen Caasha oo weliba iyada ayaa gacanteeda ku quudisay maalintaa oo qadada ku siisay, cali ayaa su’aal kaga naxsaday Casha wuxuuna ku yidhï: “Waxaan aad u jeclaan lahaa Cashay adiga oo ooridayda noqda oo sidaan maalin walba gacantaada iigu siiya” “Haddaba ka soo qaad anigoo ooridaada ah” si fudud ayey ugu jawaabtay Cali, markii ay dhameyeen qadadii ayuu Cali ka soo dhaqaaqay gurigii Caasha soona aaday xaafadiisii.
W/Q :Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)