Hawl adduun iyo haddimo kalgacal Q6AAD W/Q : Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

quotescover-JPG-39

Hawl adduun iyo haddimo kalgacal Q6AAD

Cali dib ayuu ugu soo noqday gurigoodii markiiba waxa qolka ugu soo gashay Cali hooyadii oo markii horaba sugaysay inta uu ka yimaado guriga ayaa waxay u sheegtay iney la soo hadashay Caasha oo ay ku sugan yihiin dalka Kenya maalmo ka dibna ay rajeynayaan inay u duulaan dalka Ingiriiska, Cali inkastoo uu aad ugu farxay haddana waxaa uu niyada ka jecelyahay in uu maqlo codkeeda oo uu aaminsan yahay inuu caafimaad ku helayo.

Toddobaadyo ayaa ka soo wareegay xiligii ay magaalada Muqdisho ka dhooftay Calina wax war ah kama hayo waayoo xaalada muqdisho oo ka sii dartay dagaallada oo cirka isku shareeray iska daa in ay saaxiibo iska war hayaane waxaa iska war haynin dadkii qaraabada isku ahaa, dagaalka ma ahin wax loo xiiso ee waa wax alle laga magan galo, dhinaca kale Caasha waxa ay maalmo ka hor ka degeen dalka ingiriiska caasimadiisa LONDON balse Cali ma oga, in badan ayey Caasha isku dayday iney taleefan ku raadiso hase yeeshee line-ka gurigga Cali ugu jiray oo ka go’naa balse e-mail aay u soo dirtay si ay u ogeysiiso halka ay joogto.

   Dagaalkii ka socday magaalada Muqdisho waa uu joogsaday dadkiina dib ayay ugu soo noqdeen guryahoodii, Maxamed iyo Cali  waxa ay galabta soo aadeen internet kaffe,  fikrada Maxamed ayay aheyd in galabta ay isku raacaan internetka waayo wuxuu la balansanaa walaalkiis oo joogay South Africa, waxay markiiba soo aadeen goob internet oo aan sidaa uga fogeen xaafadooda, waxa ay wada fadhiisteen laba computer oo isku dhaw, Cali markii uu galay inbox-ka ayuu ku arkay cinwaanka Caasha oo farriin uga timid, Cali warqadii ayuu markiiba kula dhaqaaqay aqrin wuxuuna ogaaday iney gaareen dalka ingiriiska, Cali waxaa ku soo laba kacay xiisihii uu Caasha u qabay wuxuu ku luuqeeyay hees uu ku luuqeeyo allaha u naxariiste Cumar Dhuule taas oo aheyd:

  •                Timaha xabadka dhaafee
  •                Xaabaaya dhabarkee
  •                Suni yaasha xaashee
  •                Isla gaadhay xeenkiyo
  •                Xeribaha indhaha leh
  •               Xanuunka igu beeriyo
  •               Dhaban xayaadkee
  •               Xadigoodii buuxiyo
  •               Dibnaha hadalka xubin xubin
  •               Kuu kala xisaabshaa
  •               Xumida igu kiciyee
  •               Hadmaad nagmaay
  •               Xamar ku soo noqonee

Heestaas Cali aad ayuu u jeclaa qaasatan geeraarkaan waayo waxay ka turjumeysay xaaladda adag ee uu ku suganyahay Cali iyo sida uu ugu xiiso qabo inay Xamar ku soo noqoto oo ay wada sheekeystaan, lakiin Casaha ma oga in Cali uu aad u jecel yahay, Maxamed ayaa arkay in saaxiibkiis Cali uu fikirayo markiiba wuxuu waydiiyay in ay wax daran jiran iyo in kale wuxuuna u sheegay in nagma ay waraaq u soo qortay ayna joogaan dalka Ingiriiska.

Maxamed : Saaxiib Cali aniga waxaan ku dhihi lahaa iska ilow Caasha iyo jaceylkeeda waayoo saaxiib waxay la qabsanaysaa mar dhow dad cusub iyo duni cusub ,marka Caliyow maanta wixii ka danbeya adiga iyo Casaha noqon maysaan isku fikrad iyo isku dhaqan?

 Cali : saaxiib ma sidaan oo dhan ayaad niyada iiga dilaysaa? Markii aad oggaatay in aan Casha ka maarmin ayaad igu jees-jeesesaa? Saaxiib xun ayaad tahay.

 Maxamed : Haa, saaxiib xun ayaan ahay! Imisa jeer ayaan ku iri u sheego Caasha jaceylkaaga lakiin maad yeelin, hada hadaad sheegato ku rumeysan meyso.

Hadaladaas canaanta ah Maxamed ayaa kula hadlay Cali, Maxamed  markiiba intuu carrooday ayuu ka dhaqaaqay goobtii ay kuwada sugnaayeen ee internadka.

   Cali iyo Maxamed sidaas ayey ku kala carroodeen, Cali wuxuu u soo dhaqaaqay gurigoodii aad ayu u murugeysan yahay mana garanayo halka uu arrin ka bilaabi doono saaxiibkiis Maxamed waa uu ka carrooday dhinacna wuxuu rabaa in uu jaceylkiisa u sheegto Caasha wuxuuna u baahan yahay caawinaad qofka keliya ee uu aaminsan yahay in uu caawin karo waa Maxamed.

  Dhinaca kale Caasha waxa ay la qabsatay dalka ingiriska in kastoo aysan indhaheeda ku badneen dad soomaali ah haddane waxay deganeyd xaafad ay ku badnaayen dadka somalida ah sidoo kale waxay ku biirtay iskuul ay dhigtaan arday soomaali ha, markiiba Caasha waxay dhex gashay ardaydii oo ay kala saaxiibtay laba gabdhood, CaAsha waxay aheyd gabadh dabeecad fiican oo aad loo jecleYsto sheekadeeda qofkii mar bartaa dabeecadeeda wuxuu qirayaa inay tahay gabadh aad u dabci wanaagsan, Casha waxey la saaxiibtay gabadh la dhaho Farxiyo oo ay isku xaafad yihiin mar walbana waxey isku racaan iskuulka iyo meelaha ay danta ka leeyihiin.

  Caasha waxay jawaab deg dega ay ka heshay Cali aad ayeyna ugu faraxday jawaabta ay ka heshay balse waxay ka xumaatay markii uu u sheegay in dagaalo xoogani ay ka dilaacen magaalada Muqdisho sidaana ay isku waayeen, wuxuu kaloo ka codsaday in taleefankeeda ay u soo qorto si ay u wada hadlaan, waxayna markiiba Cashaa bilowday in ay waraaq u dirto waxayna u raacisay taleefonkeeda.

 Maalmo ayaa ka soo wareegatay maalintii ay kala carroodeen Cali iyo saaxiibkiis Maxamed balse Cali wuxu go’aan ku gaaray in uu soo raali geliyo saaxiibkiis Maxamed oo uu galabta u tago.

  Goorsheegtadu waxay abaaraysaa 4:16pm Cali wuxuu isku diyaar gareeyay sidii uu saaxiibkiis Maxamed u soo raali gelin lahaa, wuxuuna u soo dhaqaaqay gurigii Maxamed nasiib wanaag Maxamed guriga ayuu ku sugnaa, salaan diiran oo farxad xanbaarsan ayey is weedaarsadeen Cali iyo Maxamed.

 Cali : Saaxiib Maxamed maalin dhaweyto aad ayaan kaaga careysiiyay mana jecleen sidaas hase yeeshee manta ayaan kaa raalin gelinayaa……

Maxamed : Maya, saaxiib aniga ayaa qaldan waayoo waxaan dareemi waaye jaceylkaaga dhabta ah ee aad Caasha u qabto iyo in jaceylka runta ah aan si fudud lagu sheegan karin, maanta ayaan taa ogaaday saaxiib ee adiga iga raali  noqo”.

  Maxamed iyo Cali halkaas ayey ku heshiiyeen iyagoo garbaha iska haysta ayey ka soo wada baxeen guriga waxeyna si wada jira u soo aadeen maqaaxidii ay shaaha ka wada cabi jireen, in cabaar ah markii ay halkaa fadhiyeen ayuu Cali kaga naxsaday  “saaxiib waxaan go’aansaday in aan Casha u qoro warqad aan ugu sheeganayo jaceylkeyga ee saaxiib ra’yigaas ka waran?” Maxamed oo aad ugu farxay hadalka saaxiibkiis ayaa ku yidhi “saaxiib Cali maanta  ayaad nin ragga iska dhigtay waana kugu raacsanaahy isla berito ayaan diyaarinaynaa kadibna by e-mail ayaan ugu direenaa saaxiib

Waxaa lagu balamay in berito waraaq loo qoro Caasha, marka horase la diyaariyo sidaas ayaa lagu soo kala tagay, Cali markii uu yimid guriga wuxuu galay fakir dheer oo ku saabsan qaabka uu warqada ugu qori karo Caasha iyo weliba hadalada uu adeegsan doono waxaa taa uga sii darneyd oo uu si weyn ugu fikiraye iney ka aqbali doonto iyo in kale, balse wuxuu qalbigiisa ku dejinayaa in laga aqbali doono.

     Xiligii balanta aheyd ayey Cali iyo Maxamed isgu yimaadeen guriga Cali oo ay balantu aheyd in lagu qoro waraaqda kadibna loo diro Casha, waxa la wada fadhiistay qolka fadhiga, waxaana loo diyaar garoway in la qoro waraaqdii, Cali ayaa weydiiyay saaxiibkii qofka qorayo waraaqda iyo sida ugu habboon ee loo qorayo Maxamed ayaa u sheegay Cali in isaga uu gacantiisa ku qoro asna uu ka qeyb qaadan doono dhinaca fikrada, markiiba waxaa la guda galay in la qoro waraaqdii oo weliba loo qoro si heer sare ah erayba erayga uu ka naxariis badan yahay ayaa loo adeegsaday in algu qoro ileen waa dad meeli u cadahaye jaceylkuna uu bilow ku yaahaye. Warqadii markii ay dhameeyen ayey hadane aadeen dhinaca iyo internadka si ay ugu diraan Casha e-mailkeda, Cali oo aad u naxsan wadnahiisana uu aad u garaacmayo oo aad moodo inu maantay oo idil uu ordaye garaaca wadnihiisa oo gaaraya heerkii ugu sareyay ayaa weydiiyay saaxiibkii Maxamed “saaxiib  aad ayaan u cabsanayaa waayoo ma garanayo Caasha waxa ay iigu soo jawaabi doonto?”

“is deji saaxiib, jawaabta aad heli doonto waa maya ama haa marka saaxiib weynu arki doonaa waxa ay ku soo jawaabto” Maxamed ayaa sidaa ku yidhi Cali, welise Cali niyadiisa ma degana isagoo wal welsan oo naxdina ka muuqata ayuu soo aaday gurigiisa, balse habeenkaas oo idil Cali ma uusan jiifan sariirta ayuu dul fadhiyay labadiisa indhoodna iskuma geynin sidaas ayuuna waaga ugu baryay cali isagoon gam’in.

  Dhinaca kale Casha iyo saaxiibadeed Farxiya maanta waxa ay isku soo raacen suuqa si ay I sameystaan dukaameysi oo waxa ay ka faa’iideysanayaan waqtiga waayoo maanta waa maalin axada sida caadada u ahna dalalka yurub maalintaas waa u fasax, Casaha iyo Farxiya waxey markii danbe ku soo laabteen gurigooda Casha waxay sida caadada u aheyd ay bilaawday in ay furto inbox-ked waxeyna aragtay waraaq uu u soo qoray Cali waxey si dhaqso leh u furtay waraaqdii oo xiiso gaara ku leh si weyna u tixgeliso warqada uu u soo qoro cali waxeyna durba bilowday iney aqriso waraaqdii oo u qorned sida tan:

W/Q : Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

SHEEKOOYIN