Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal W/Q: Abdiwahaab Abdulqadir Mahamud (Carab)

 

quotescover-JPG-39

Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal Q2AAD.

Cali wuu yaaban yahay inuu riyo ku jiro iyo in kale ayuu kala saari la’yahay waayoo wuxuu arkayaa dad wada faraxsan, cunto fudud iyo sharaab: habaryartii ayuu weydiiyay waxa ay tahay hambalyada la sheegaya, habaryarti ayaa ku tiri “maanta waxay aheeyd maalin adiga xagaaga farxad wayn ku ah waxad ka qalin jebisay dugsiga sare marka hambalyada waa sidaas wiilkeygiyow” “Oo habaryar aniga waxaan is lahaa hadda u sheege ayaa idiin soo sheegay?” ayuu hadane weydiiyay “Walaashaa Caasha marna ah saaxiibadaa ayaa soo ogaatay iyadaana ku diyaarisay oo weliba sidaan ayey rabtay in ay kadis kaaga dhigto”Cali aad ayuu ugu farxay kolkuu maqlay iney Caasha u diyaarisay wuxuuna u soo dhaqaaqay dhinaca Caasha isaga oo dhoola caddeynaya intuu mar qura ku booday oo uu hab siiyay ayuu labada dhabana ka dhunkaday wuxuuna ku yidhi “Abbaayo macaanto aad ayaad u mahadsan tahay waxaad tahay walaal qaaliya abaalkaagana ma gudi karo inta aan noolahay waan ku xasuusan doonaa abbaayo” “Maya Cali, saaxiibada iyo walaalaha iskuma mahad naqaan, adigaba waxaad tahay walaalkeyga qaaliga ah ee fadhiiso oo mac-macaanka cun galabta waa farxadaada Hambalyo mar labaad Cali” ayey Caasha ku tiri iyadoo saxan ay ku jiraan mac-macaan u soo tagaysa.

     Habeenimadii ayuu ku soo laabtay Cali gurigisii, markii uu qolkiisa uu soo galay ee uu dharkii uu watay iska bixiyay ayuu sariirta ku jiifsaday durba waxa uu galay xasuus iyo iney maskaxdiisu u soo bandhigto wixii ay galabta oo dhan ay qabatay oo ay ku keydisay qeybta keydka ee xasuusta maskaxda, markiiba waxey u soo bandhigtay xafladii wacneyd ee ay Caasha u qabatay iyo sida quruxda badan oo ay usoo labisatay qofki arka aannu ka jeesanayn dhankeeda, wuxuu is weydiinaya Cali su’aalo badan oo ay kamid yihiin “Alla qurux badanaa Caasha ma anigaaba u haystay in ay sidaan u qurux badantahay taa waxaa iiga sii daran sida ay aniga ii danaynayso…..walaahi wax la jeclaado wey tahay…..?” su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayuu isweydiinaye Cali, isaga oo isla sii hadlaya ayuu yiri “Malaga yaaba in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buuggaagta kaliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida Caasha dhankeda keliya dhadhan iyo macnaba iga ledahay?”

     Shaki ma lahan in Caasha quruxdeeda uu wadnaha Cali taabtay oo mar kulul marna diirimaad macaan badan leh, balse ma aheyn xili ku habboon in aad dareento jaceyl iyo wax la mid ah sababta oo ah xaalada Magaalada Muqdisho oo xumeyd,maalin kasta dad ayaa dhimanaya dagaalo dhacay owgeed, saas oo ay tahay Cali waxa ku beermay jaceyl aannu garaneyn meel uu maciin u doonto.

       Cali markii ay intaas u mareyso xusuustii uu ku jiray ayuu indhaha kala furay mise wuxuu arkay isagoo wada qoyan dhidid dartii oo qofkii arkaa uu moodayo in tubo biyo ah lagu shubay wadnihiisane wuxuu garaacaye boqolka, saacad derbiga u surneyd ayuu kor u eegay mise waaba 7:30 PM fiidnimo, Cali wuxuu go’aansaday inuu raadiyo saaxiibkiis Maxamed, wuxuuna guda galay inuu labisto daqiiqado kadibna wuxuu u soo dhaqaaqay halkii uu ku tuhmaye inuu ka helayo saaxiibkiis Maxamed, halkaas oo aheyd maqaaxi ay shaaha ka wada cabi jireen galabtii iyo habeenkii, markiiba wuxuu ka arkay meel geesa ah saaxiibkii Maxamed oo kaligii fadhiya wuuna u dhaqaaqay isbariidin ka dib waxey si wada jira u dalbadeen shaah, Cali oo u jeedadiisu aheyd inuu saaxiibkiis u sheego wixii ku soo kordhay ayaa wuxuu ugu waramay xafladii loo dhigay oo ay Caasha qaban qaabadiisu laheyd iyo sidii kediska ay ugu dhigtay, intaa markii uu marinayo ayuu Maxamed ka soo dhex galay saaxiibkii kuna tuuray su’aal kaftan ah “Haye, markaas maxaad dareentay ii sheeg bal saaxiib….?” “walaahi waxaan dareemayaa wal wal nafteyda haysta iyo xiiso dheeraada oo aan u qabo Caasha iyadoo mar dhaweyd aan ka soo tagay oo ay iigu danbeysay ayey haddane ila tahay in bilooyin ka hor ay isku kayn danbeysay mana garanayo xiisaha iyo u baahnaanshaha intaa la eg oo ay naftaydu u qabto Caasha saaxiib??? “Waah, waah, waxaasaa kaa jaceyla ah….” intuu ku yidhi ayuu haddane u sii raaciyay:

  •  Waa ihelay jaceyloo
  •  Hammi ha igu badnaadiyo
  • Waan hubaa kalgacaloo
  • Wey hayaa dhibtiisee
  • Sida haadka leylkii
  • Hee haaba mooyee
  • Howl yari maseexdo
  • Habeenkoo badh tagay baa
  • Leykaa hor keenaa

“Maya saaxiib aniga jacayl ima hayo balse waa xiiso keliya…? Ayuu Cali saaxiibkii ku yiri,balse Maxamed ayaa u sheegay in xiiso badan iyo naftaada oo u baahata qof kale ay tahay micnaheedu in aad jeceshahay qofkaas oo ay waliba nafsadaadu ay aad ugu baahan tahay waxaanu saaxiibkii Cali kula taliyey kuna dhiiri galiyey inuu la hadlo Caasha una sheego hawlaha la soo darsay isagoon waxba ka qarin,wuxuu ku adkeeyey in uu u bandhigo jacaylkiisa Caasha jawaabta aad heli doontaana ay tahay laba mid kood kuwaas oo ah haa ama maya.

Maalmuhu waxay is guraanba oo maalinba ay maalin u dhiibto xiligii ay wada hadleen Cali iyo saaxiibkii waxa ka soo wareegatay dhowr cisho, Calina waxa maankisa ku soo noqnoqonaysay hadaladii saaxibkiis qalbigisa iyo maskaxdiisa waxa ay is weydaarsanayeen su’aalo badan ugu dambayntiina wuxuu xaqiiqsaday in uu aad u danaynayo Caasha uuna aad u jecelyahay sidii saaxiibkii markii horeba uu u sheegay Cali wuxuu qaatay go’aan deg-deg ah intuu fadhiisatay ayuu qaatey neef qabow isla markiiba wuxuu sii daayey mid ka sii badan tii uu qaatay wuxuuna naftiisa ku yidhi “sida uu saaxiibkay igula taliyay Haa ama Maya waa in aan ka keenaa maanta”.

Telefonkii ayuu sare u qaaday, xitaa markaa kamuu fekerin in ay joogto iyo inay ku maqantahay iskuulka, Cali muddo gaaban ayuu ku noqday ruux saaran doon badwaynta dhex jibaaxaysa oo bilaa naaquude ah oo inay iska socoto mooyee aanay garanayn jihaday u soocoto, wuxuu gacmahiisa ku garaacayaa maanta lamabar uu aad u jecelyahay oo kaga qoran meel uu isagu uun ogyahay.

Salaan guud iyo sheeko gaaban ka dib ayey Caasha dacwad u qabsatay Cali taasoo ay ahayd waxa uu maalmahan ugu iman waayey iyo waxa uu ku maqnaa?

Cali : Garanmaayo abbaayo macaanto maalmahan waxbaa iga si ah, adigane runti fikirkayga qayb baad ka tahay abbaayo.

Caasha: Ii sheeg fikirkaaga side baan qayb uga hay? Ayey waydiisay iyadoo hadalkiisa dhinac u qaada la’a

Cali : Walaahi si aan kugu sheego ma garanayo oo xataa anigu ma garanaayo sababta, hase yeeshee markaan ku xasuusto ee aad igu soo dhacdo qalbigayga, wadnahaygu wuxuu bilaabaa inuu si xad dhaafa u shaqeeyo……dhag dhag… xusuusta qalbigani wuxuu kusoo celceliyaa muuqaalkii xafladii quruxda badneed ee aad maalintii ii samaysay oo aniga ii noqotay xusuus gaara oo aanan iloobin doonin intaan noolahay.

Caasha: Waa sax Cali, aniguba maanka waan kuugu hayaa aadna waan kuugu xiisay aboowe. Wuxuu Cali waydiiyey inay kulmaan oo uu Cali jecelyahay inuu guriga ugu yimaado, waxaanay u dhacday sidii Cali doonayey galabtaasna wuxuu Cali qaaday talaabadii kulanka iyo siduu xal uga gaari lahaa arrintan ku cusub dareenkiisa.

La soco qaybaha dambe.

W/Q : Abdiwahab Abdulqadir Mohamuud (Carab)

SHEEKOOYIN