Hawl adduun iyo hadimo kalgacal Q5AAD W/Q :Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

quotescover-JPG-39

Hawl adduun iyo hadimo kalgacal Q5AAD

 

Subaxdii xigatey Cali wuxuu soo aaday guriga Caasha, oo uu la balansanaa, markiiba waxay isu raaceen Caasha, oo ay wada aadeen dhinaca suuqa oo ay Casha allaabo yar yar ka soo iibsaneysay, saacad iyo bar ayey ku qaaddatay inay soo iibsadaan alaabtii, dabadeedna waxey ku soo noqdeen guriga Caasha. Maalintaa Cali waxay u aheyd maalin xusuus badan qalbigiisana uu aad ugu degay, maalintaas Cali waxay qado wada cuneen Caasha oo weliba iyada ayaa gacanteeda ku quudisay maalintaa oo qadada ku siisay, cali ayaa su’aal kaga naxsaday Casha wuxuuna ku yidhï: “Waxaan aad u jeclaan lahaa Cashay adiga oo ooridayda noqda oo sidaan maalin walba gacantaada iigu siiya” “Haddaba ka soo qaad anigoo ooridaada ah” si fudud ayey ugu jawaabtay Cali, markii ay dhameyeen qadadii ayuu Cali ka soo dhaqaaqay gurigii Caasha soona aaday xaafadiisii.

Waxaa la gaaray waqtigii ay bixi lahaayeen Casha iyo reerkooda waxeyna doonayaan in ay taransid ku ahaadaan dalka Kenya iyagoo raba iney ka sii aadaan dalka Ingiriiska oo ay ku socdaan, Cali goor hore ayuu ka soo tagay gurigiisa isagoo soo aaday guriga Casha, durbadii uu yimidba wuxuu dhiniciisa ka galay howshii laga waday xaafada, Cali wuxuu si gaar ugu ag dhawaa Casha oo maanta ugu danbeyda aragtideeda qalbigana uu aad ugu jecelyahay, daqiiqado kadib waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaari loogu talagalay in uu u qaado dhinaca garoonka in yar kadib gaarigii wuxuu afka soo aadiyay dhinaca garoonka, Cali aad ayuu u fikirayaa maskaxdiisa yaa su’aalo badan weydiinaysa taas oo ah “Maanta Casha wey tagaysaa aragtideedana maanta ayaa kuugu danbeysa siduu noqon doonaa xaalkaaga marka ay baxdo?” iyo kuwo kale oo fara badan, mardanbe ayey Casha aragtay in Cali uu aamusan yahay fikirayane inta u soo dhawaatay ayey weydiisay “Cali maxaa kugu dhacay oo aad la fikiraysaa?” “Haa waa runtaa maanta waxaa aragtideeda iigu danbeysaa saaxiibadeyda qaaliga ah waana adiga Cashay” ayuu Cali ugu jawaabay “Maxaad sidaa u leedahay waa runtaa aniga saaxiibadaa waan ahay lakiin xiriirkeena ma go’ayo aboowe waan wada xiriiri karnaa E-mail-kaaga waan haystaa talefankana waan kaa soo wacayaa meel kasta oo aan joogo” Casha ayaa sidaa Cali kula hadashay, mar qudha ayey labadoodiiba dareemeen in gaarigii uu joogsaday markii ay hareeraha eegeena waxa ay arkeen garoonkii diyaaradaha weyna soo degteen, waxeyna u gudbeen qolka loogu talgalay rakaabka diyaarada sugaya iyo dadka la socda iney ku nastaan, Cali iyo Casha waxey fadhiisteen mel gooniya waxey galeen in ay is xasuusiyaan caruurnimadoodii wixii ay isla soo mareen inta badan wey qoslayeen balse Cali qosolkaas dibnihiisa ka soo baxaya ma aheen mid qalbigiisa jira maxaa yeelay qalbigiisa iyo niyadiisaba wey ooynayeen mana ogola in ay dareensiiyaan nagma sababtoo ah ma rabayo in Casha ay murugooto mana doonayo qof ay niyadiisa jeceshahay oo hadana safar ah in uu murugo ku abuuro sidaas ayey Casha ku dareemi weyday waxa qalbigiisa ku jira iney daalacato mooyaanee muuqaalkiisa sare.

Dhagaha Cali iyo Casha waxaa soo gaaray dhawaaq oranaya “Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan rakaabka ku qoran diyaarada in ay diyaar garoobaan oo ay diyaaradu kici doonto 10 daqiiqo ka dib” hadalkaasi markii uu soo gaadhay dhegahooda ayaa Cali indhihiisa waxaa ka soo daatay ilmo qooyay dhabanadiisa Casha ayaa dareentay in Cali uu gacmihiisa ku masaxayo indhihiisa intey soo istaagtay oo ay gacmihiisa qabatay ayey istaajisay waxeyna ku tidhi: “Aboowe Cali, maxaad la ilmeenaysaa oo kugu dhacay aniga iyo adiga waan soo wada xiriiri doonaa waxa aynu nahay saaxiibo” “Haa, waan ogahay sidaa darteed ayaan u ilmeenaya waan kuu xiisi doonaa si aad iyo aad ah” Cali ayaa ugu jawaabay Casha

Waxaa loo dareeray dhinaca iyo diyaarada waxaana la galay saf dheer Casha waxa ay soo eegaysaa gadaal gacanta ayey u haatinaysaa Cali, daqiiqado kadib diyaaradi ayaa cagaha ka qaaday garoonkii waxeyna isku shareertay hawada sare.

Saacadu waa 2:00 duhurnimo, Cali wuxu u soo dhaqaaqay gurigiisa xiligu waa duhur oo cadceeda qoraxda aad u kulul oo dadka badankod ma socdaan, Cali cadceeda qoraxda oo jirkiisa ku dhaceysa sidii falaraha oo kale ma dareemayo oo taa mid ka daran ayaa Cali gudaha uga shidan waana dhinbilaha jaceyl ee u qarsaday, Cali maalintaa muu cunin qado sarirta ayuu sidii qof xanunsan oo kale waxa uu isku dayay inuu seexdo hase yeeshee hurdo waa ay ka imaan weyday hurdo, wuxuu gelay xasuus aad u dheer oo u badan goos-goos mar wuxuu xusuustaa talooyinkii uu siin jiray saaxiibkiis Maxamed ee u badnaa inuu sheegto jaceylkiisa balse taasi aanu u suuro gelin Cali, hada ayuu ka shalaynaya fursadihii uu dayacay lakiin shalayti maxay tareysaa, Cali wuxuu ku calaacalayaa erayadaan:

 

                   Allahayow maxaa iga qabsaday

                   Waxaan qarsanaayo mooye

                   Muxuu jiidhka qalay jaceyl

                Maxaan qamuunyooday!

 

Isagoo weli murugeysan ayuu u soo dhaqaaqay xaafadii saaxiibkii Maxamed oo aan sidaa uga fogayn xaafadiisa waqti badan kuma aysan qaadan inuu u tago saaxiibkii salaam diiran kadib Cali iyo Maxamed waxay isku soo raaceyn baar ay ka wada cabi jiren shaha iyo cuntada fudud, max’ed ayaa hadalkii furay oo weydiiyay sida uu yahay dareenkiisa kadib markii ay ka tagtay gabadhii uu jeclaa… Cali ayaa saaxiibkiis u sheegay in uu manta dareemayo cidloaad u weyn oo ay naftiisa aad ugu baahan tahay aragtida Casha iyo ag joogeeda, Cali wuxuu kaloo u sheegay in uu go’aan ku gaaray inuu waraaq u qoro marka ay tagto dalka ingiriiska , Cali qof ka fog ayey naftiisa rabtaa arinta Cali waxa ay maraysaa

 

                     Ma hadho waa tanoo kale

                     Iyo murugo ciilkeed

                     Ruuxii meel fog kaa jira

                    Oo maanku raacee!

 

Maxamed waxa uu dareemay in Cali uu aad u jecel yahay Casha, Maxamed ayaa ku dejiyay saaxiibkiis Cali in maalin uun u sheegan doono Casha jaceylka uu uqabo.

Cali jaceylkii ayaa ku sii kordhay, waxa uun agaaray heer uu meel kasta oo uu joogo uu sawirto muuqeeda, habeenkii markii uu gama’ is yiraahdo iyadaa la hor keenaa, maalintiina isla hadal Casha ku saabsan ayuu naftiisa ku maaweeliya, quruxdeeda iyo xishoodka rabi hibada u siiyay ee dabeecadda lagu sii kordhiyay ayaa haaa wax mar walba sare u sii qaada jaceylkiisa oo uu qalbiga ugu hayo Casha.

Cali dib ayuu ugu soo noqday guurgoodii markiiba waxa qolka ugu soo gashay Cali hooyadii oo markii horaba sugaysay inta uu ka yimaado guriga ayaa waxay u sheegtay iney la soo hadashay Casha oo ay ku sugan yihiin dalka Kenya maalmo ka dibna ay rajeynayaan inay u duulaan dalka Ingiriiska, Cali inkastoo uu aad ugu farxay hadana waxaa uu niyada ka jecelyahay in uu maqlo codkeeda oo uu aaminsan yahay inuu cafimaad ku helayo.

La soco qaybta lixaad.

 

W/Q :Cabdiwahaab Cabdulqadir Maxamud (Carab)

SHEEKOOYIN