Hayb iyo Kalgacal Q1AAD W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

quotescover-JPG-19

 

 Horudhac.

Sheekadani waxaa la yidhaahdaa: “HAYB IYO KALGACAL” waa dhacdo dhab ah, oo ka dhacdey geyiga Soomaaliyeed, waagii colaadaha sokeeye iyo dagaalladii dibindaabyada, kuna dhacday mid ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, dhacdadan ayaa dhacday goor ku aadan gu’yaashii u dhaxeeyey 2002-2006 wiilka dhacdadani tebinaya ee iiga sheekeeyey, waa wiil dhallinyaro ah oo arrintani soo martey, markaan dhegaystay aad bay ii dareen iyo xiiso gelisay, waxaana aan iga codsaday inaan qoraal ka dhigno bulshadana u baahino, qofkasta oo nool, waxaa jira Sooyaal naftiisa saamayn ballaadhan ku leh, kaasoo leh, goor naallo iyo nayaayir iyo goor naxdineed, goor murugo iyo goor muusood iyo obsi, sheekada waa tifaftirney oo waxaannu dhalanrogney, magacyada iyo dadka inaan carabka ku ballaadhino, anigoo ka feejigan iney saameyn ku yeelato, balse, goobaha ay ka dhacday si toos ah ayaannu u sheegi doonaa, Bogasho wacan.

Q1AAD.

Guuleed waa nin dhallinyaro ah, kana mid ah dhallintii ku nooleyd caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waayihii colaaduhu ka socdeen, haddana waa nin ku qanacsana dhibkaas oo wuxuu habeen iyo maalin ku dedaali jirey inuu naftiisa horumariyo, una diyaargaroobo, is dhalanroga wanaagsan ee iman doona, ma ahayn dhallinyarada quusatey ee isu dhiibtay dagaal oogayaasha iyo kuwa ay la hadhay balwada iyo waxyaabaha maandooriyaha ah.

Waayaha adag ayaa dadku kala gurmaan oo nina waa ku dhacaa, oo waa ka gudbi waayo si uu uga dabaasho oo u dhabar adeygo, nina waa ka badbaadaa, waa marka la oggaado kartida qofka iyo hawlkarnimadiisa, haddaba Guuleed wuxuu ahaa nin waxna barta oo shaqaysta, Guuleed wuxuu naftiisa ku leylyey oo ku jujuubay inuu higsado hankiisana geliyo, nolol ka duwan tii hareerihiisa ka dhacaysay, iyo walaahowgii iyo wareerkii bulshada ku dhacay.

Guuleed wuxuu deganaa Degmada Dharkanleey, gaar ahaan Xaafadda Suuq yare, wuxuu ahaa nin bulshada iyo dhallinta halkaa degan dhexdooda ka muuqda, kaftan badan, furfuran oo firfircoon, haddana ka dhaqdhaqaaq badnaa kuwa la filka ah ee ku danseegay hawshoodana ka dhigtay waxyaabaha aan waxtarka u lahayn naftooda.

Guuleed wuxuu ka dhashay qoys ka kooban 9 qofood labada waalid(Tawl) iyo 7 Carruur ah, 6 wiil iyo 1 Gabadh, Guuleed waxaa ka roon oo ka weyn laba wiil inta kale ka yar yihiin, balse, inta markaas Tawlka(Waalidka) la nool isaga ayaa ugu weynaa, taasoo keenaysay inuu xil iska saaro noloshiisa iyo tan qoyska.

Guuleed wuxuu ahaa nin xidhiidh wanaagsan kala dhaxeeyo labadiisa Tawl “Waalid” isagoo yar oo 15 jir ahna ku biirey talada qoyska iyo maareeynta nolosha, arrintan lafteeda ayaa keentay inuu xil badan iska saaro siduu u nasin lahaa Aabbihiis Xalane oo ka mid ahaa ganacsatada suuqleyda ah ee Suuq boocle, sidoo kale Guuleed Hooyadii Suuban ayaa ahayd haweenka gedisleyda ah, ee hadba waxyaabaha cusub rogroga, iyadoo mararka qaarkood u kala gooshi jirtey, degmooyinka caasimadda ku hareeraysan iyo suuqyada magaalada ee waaweyn.

Guuleed qoyskiisu noloshoodu waxay ahayd mid dhexdhexaad ah, dad hayntoodu ku filantahay,balse, aan ahayn maalqabeen, waxay deganaayeen guri ay iyagu iska leeyihiin dhisme ku socdo” Qabyo” oo markii horre ahaa jiingad, haddase saddex qol oo ka mid ah waxaa laga dhigay Sar, welina gubuxsiga iyo dedaalka qoysku wuxuu u socdaa in la dhamaystiro guud ahaan guriga qabyada ah, waa qaab ka mid ah , qaab nololeedka bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u maareeyaan noloshooda, dadka liibaney ee garashada badan.

Guuleed wuxuu ka billaabay waxbarashada dugsiga H/ dhexe, Sare ee Kuwayt ee ku yaalay degmada dharkeynley, isagoo sidoo kale galab walbana aadi jirey dugsi quraan ku yaalay.Guuleed wuxuu ka mid ahaa ardeyda ugu firfircoon waxbarashada, barayaasha dugsiyada oo dhamina way ku boggaadin jireen dedaalkiisa, waxaana inta badan laga dhigan jirey tusaale, waayo, ma dhicin inuu weligiis, soo daaho, maqnaado,   cashar loo direy laga waayo, sidoo kalena uu falo arrin ay ka biyo diidaan, barrayaasha iyo maamulka dugsiyada.

Guuleed ilaa dugsiga hoose/Dhexe wuxuu ku dhamaystey Dugsiga kuweyt, haddaba dugsiga kuweyt oo dhammaan hannaankiisa waxbarasho ahaa Afka Carabiga, ayuu doorbiday isaga iyo Tawlkiisa markay ka arribsadeedn, inuu u wareego Dugsiga AL MAZAL ee ku yaalay degmada Waaberi ka soo horjeeda Dugsiga 21 Oktoober, oo ahaa isaguna ilaa Dugsi sare ahaa, halkaas oo ka billaabay Dugsiga sare,    wuxuuna ku doorbiday Dugsiga Al mazal, inuu hannaankiisa waxbarasho ahaa,   Kii dowladii hore ee Soomaaliya dejisay ee Afka Soomaaliga ahaa, balse lagu rogey” Turjumay” Afka Ingiriisida, marka laga reebo, Saddex Maaddo oo kala ahaa, Af Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Tarbiyada islaamka.

Guuleed waxaa u dheera hawlmaalmeedkiisa inuu habeenkiina dhigan jirey, Dugsi gaar ah (Private) oo Afka Ingiriisiga lagu barto, taasoo uu meel fiican ka gaadhay, una fududeysay inuu waxbarashada kalena ku qaadan karo, Afkan Ingiriiska oo markaas loo arkayey inuu ka fursad badan yahay Afka carabiga, haddii hadhoow lagu shaqo tago.Waxay aheyd goor gebi ahaan dalka hannaankiisu is dhalanrogey mid maamul iyo mid waxbarasho, meel walba waxaa wax ka yabyabay dad is xilqaamay, hase yeeshee, waxaa guud ahaan lumay oo meesha ka baxay, adeegsiga iyo wax ku barista ubadka Afka Soomaaliga, taasoo ay qawadeen aqoonyahanadii Soomaaliyeed.

Waxaana loo aaneynayaa, isha keliya ee dhaqaale ee wax laga helayey waxay ahayd, ururada Samafalka iyo gargaarka oo qof walba sandule kaga dhigay inuu ku hadlo Afka Ingiriisiga, haddey Carab yihiina Afka Carabiga, waxaa kale iyaduna meesha ka maqnayn, in dhallinyaradii waagii horre wax ku baratay hannaankii Afka Soomaaliga ay kooxaha ganacsatada ahi ku dareen, kuwa aan waxba baran, kol haddi aanayba ku hadlay Af qalaad.

Guuleed wuxuu wax la qabaa dareenka bulshada oo markaas u arka isha keliya ee wax ku soo geli karaa siiyaalka iyo timaadada inay tahay, barashada Afka Ingiriisida iyo Afafka kale ee reer Galbeedka.

 

 

La soco qaybaha dambe

W/Q; Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

galayr777@gmail.com

SHEEKOOYIN