Hayb iyo Kalgacal Q4AAD W/Q Cabdiraxiin H. Galayr

quotescover-JPG-19

 

Hayb iyo Kalgacal Q4AAD.

 

Guuleed hawshuu billaabay waxay gaadhay in ardayda iyo Baabuureydu ku heshiiyaan, in xitaa bil loo bixin karo lacagta, waxaana taas kelifeysay inay u fuddeyd waalidka iyo qoyska iney halmar siiyaan lacagta baabuurka ,maadaama dadka qaarkood laga biili jirey dibaddaha ama aysan maalin walba haynin lacag kaash ah, taasoo qiima dhimis badnai ku jirto, Celcelis ardaydii inuu tago Iskoolka 20 Maalmood oo noqonaysaa 600 kun, hase yeeshee markii dambe laga dhigay, Ardeyga halmar bixinaya, 500 kun, waxaana laga raystay soo daahitaankii iyo werwerkii dhinaca Gaadiidka dadweynaha.

Waxaa dhacdey   in markii hawshii Basaskii ardayda qaadayey billowdeen, ay haddana hawshii   qolyihii   taagnaa jidka ay mar walba isku xayiri jireen gaadiidka, balse, maalintii dambe ayaa waxaa   muran dhex maray gaadhi xamuul ah iyo Maleeshiyadii   jidka taagneyd(Isbaarada) ardaydiina waa la xanibay, ka dib waxaa soo wada degay, Guuleed iyo darawalkii Baska waxayna raadiyeen Horjoogihii Isbaarada si ay uga codsadaan in jidka loo furo maadaama ay iskuul ka daahayaan.

Ma jirin aqoon ka dhaxeysa iyo ehelnimo dhaw Guuleed iyo Horjoogaha, balse, waxaa loogu tilmaamay meel buush yar oo aan sidaa uga dheeray oo gabdho shaah ku karinayaan iyo cunto. Guuleed iyo darawalkii waxay soo abbaareen dhinacii Buushka waxayna ugu soo galeen horjoogihii Maleeshiyada, Guuleed oo gashan direyskii iskuulka (Uniform) Kaasoo ahaa shaati cad iyo surwaal kaaki   ah, ayaa us dhex taagey Buushkii yaraa waxaa meesha jooga dhawr nin balse Guuleed ayaa ku dhawaaqay magaciisa wuxuuna yidhi:

“ Waxaanu u baahneyn taliye Canjeex”

Canjeex ayaa ugu warceliyey;

“ Maxaad uga baahneyd? Mase taqaan ninka aad raadineyso?”

Ka dib intaan darawalkii hadal ayaa Guuleedyare ku yidhi:

“Waxaan nahay arday Bas dhan oo buux ah, waxaana u soconaa Iskool, balse, wadadii waa xidhantahay oo ciidankaagii iyo qolyo baabuurey ah ayaa isku dhegan oo muran ka dhex taagan yahay, annagana waa na xanibeen, waxaan kaa codsanaynaa, waa bixineynaa lacagta wadamarista ee   nagala hadal ciidankaaga”

Ninka ay la hadlayaan waa nin aad marka aad aragto aragiisa naxdin iyo argagax ku gelayo, haba yaraatee wax naxariis ahna wejigiisa ka muuqan, dhaawacyo dhawr ahna ku yaalaan foolkiisa, isagu wuxuu huwanaa go’ markaas ayuuna hurdo ka kacay, wuxuu sugayey   shaah, ka dibna wuxuu gabadhii ku yidhi;

“Sug sug   ii kaadi waan soo noqonayaaye”

Wuxuu gacanta ka soo qabsaday Guuleed, wuxuuna la soo aaday dhinacii Isbaaradu ka xigtay, Guuleedna waa naxay, darawalkiina waa naxay, waayo, wax hadal ah muu odhan, qori AK47 ayaa garabka u sudhan, docda waxaa ugu jirta bastoolad, waa nin wax weliba ka suuroobaan, Guuleed wuxuu ku talamayaa, tolow maanta yaa kuu islaan ah.

Canjeex wuxuu isa soo taagay laamiga badhtankiisii, waxaa mar qudha aamusay dadkii buuqa waday kooxdiisii iyo gaadiidleydii, waxaa kale oo afka gacanta wada saaray dhammaan dadweynihii wadada ku hareeraysnaa kuwii marayey iyo kuwii meheraduhu uga furnaayeen, waxaana laga wada naxay, tolow wiilka yari muxuu sameeyey? Maxaase lagu samayn doonaa?   Canjeex ayaa af labadii qayliyey.   wuxuu isugu yeedhay kooxdiisii, wuxuuna yidhi:

“ Waryaadha dhegaysta, Carruurtaas Baska saarani waa ubaxii waddanka waana ceeb inaad aroor walba qashqashaadaan,   laga billaabo maanta , lacagna lagama qaadi karo lamana xanibi karo Baska ay saaran yihiin,   Summa wallaahi, ninka ku saqaajaama madaxaan ka tooganayaa, haddana ka hor leexda oo birta ka qaadda.

Canjeex oo ahaa Horjoogaha ayaa intuu Guuleed gacanta ka qabtay ku yidhi:   Anagu haddaanu mustaqbal weyney, idinkuu dalku idin sugayaa, annaga ardayda colaad nagalama dhaxayso ciduu doono ha ahaadee, wax aannu qaddada iyo jaadkayaga ka dhacsanaa ganacsatada iyo jaadleeyda marka raali naga ahaada Ubixii waddankoow”

Darawalkii, Guuleed iyo ardaydiiba waxay u qaaddan waayeen, ninkan oo aad looga cabsan jirey, haddana dadnimada wanaagsan ee ku jirta dareenkiisa. Ardeydii ayaa dhammaantood daaqadaha intey furteen u mahadceliyey iyagoo si xamaasad leh ugu qaylinayaa “ Nooloow nooloow Canjeex” waa bani aadamka iyo caadadiisa, qofka u wanaag fala si kasta oo uu u xunyahay, dareenku waa u mahadcelinaya, waxaana suuragasha in mahadcelintaasi qofka wax weyn ka beddesho oo uu dareemo in xumaanta uu nacaybka ku kasbaday ayay ka fiicantahay wanaagga uu mahadcelinta ku kasbaday.

Ardaydani waxay ku dhex noolaayeen, magaalo dhawaqa raasaasta madfaca iyo dagaalka ujeeddo la’aanta ahi ka mid noqday dhacdooyinka iska joogtada ah ee aan keenin la yaabka iyo anfariirtoona, maalin walbana waxaa dhacaysay in laba beelood ama laba kooxood oo maleeshiyaad ah dagaal dhex maro.

Maalintii dambe ayaa waxay soo mareen jidgooyadii Saddexaad “ Isbaaro” ee iyaduna ugu dhibka badnayd,   ka dibna waxaa loo xanibey sidii oo kale, markan darawalkii wuu ka baqay, waayo maalintaas maalintii ka horreeyey ayaa darawal la murmey kooxda dableeyda ah, lagu diley meesha, waa gartiis darawalku inuu cabsado, waayo ma jiro cid kaa celineysa, dagaal beeshaadu markaad dhimato ka dib ay ku qaaddo cid kale oo aan waxba galabsana waxba tari maayo.

Dadka ninkii waxgarad ahi, maalintan iyo waqtigan waa kan ugu fuleysan, waayo ma yaqaan wuxuu u dhimanayo iyo sababta loo dilayo midna, Dableeyda iyo maleyshiyaadka laftoodu ma yaqaanaan sababta ay wax u dilayaan iyo sababta ay u dhimanayaan, dadkoo dhami waxay ku jiraan waali iyo jahawareer, Darawalku wuu ka cabsaday inuu u dego oo la hadlo, balse, waxaa u degay, Guuleed, Diini iyo Caliyare, waxayna u tageen Dulxun oo ahaa wiil aan iyaga waxba ka weyneyn.

Dulxun waa markaas qiyaas ahaan waa 19 jir, wuxuu raacay gaadiidka dagaalka isagoo intaas ka sii yar, wuxuu noqday dilaa si fudud wax u dila, oo si fudud ujeeddo la’aan, waana hubka hoggaamiye kooxeedka ay ku diriraan, iyo da’da ay ugu jecel yihiin, hammigiisu waa inuu helo, wuxuu cuno, qaad uu ku qayilo iyo tumasho, balwadaha nooc walba way baraan, Qamri, Xashiishad iwm.

Dhallinta noocan ahi, waxay u badan yihiin, kuwa waalidiintood ku waayey dagaallada ama kuwo aan ehelkoodiiba halkaa joogin, kuwa qoyskoodu danyar yahay oo ciil iyo cadho darteed, markay afka iyo gacanta isla waayeen looga faa’iideystay duruufta danyarnimo, kama madhna inay beel ku abtirsadaan oo lagu dagaalgeliyo, waxaad tahayl halyeeyga beesha iyo libaaxa reerka, arrinkani waa habka u fududeysa hoggaamiyaha dhagarqabaha ah inuu dadka midna ka dhigo dilaa midna kan la diley si uu dantiisa gaar ahaaneed u gaadho.

Guuleed iyo saaxiibadii waxa ay dhiiradeen iyagoo ku lebisan dharkoodii ardeyda, nin aan dheeldheel loogu tegin, wax walbana laga filan karo “ Geesinimadu waa in yar oo aad cagaha dhulka ku xejiso”.

 

Dulxun ayaa markay u yimaadeen waxaa dhex marey kaftan isaga iyo ardeydii intuu ku qoslay ayuu yidhi:

“Haye iskooleey baranbaro, maanta isbaarada miyaad nagala shaqaynaysaan?” Markaasaa Guuleed oo helay fursad ayaa yidhi:

“Isbaarada diyaar ma u tihiin inaan idinkala shaqayno?”

Dulxun ayaa yidhi: “ Laakiin qoryo ma sidataan ee maxaad qabanaysaan ma buugaagta ayaad dadka ku tumaysaan?”

Diini ayaa yidhi: “ Mayee lacagta ayaan kuu xisaabineynaa,kisteenana waa qaadaneynaa”

Dulxun ayaa yidhi: Haye haye filimkaas maa keenteen?”

Kaftan ka dib ayuu weydiiyey maxaa rabtaan yaa idin qashqashaaday si weliba dareen wanaag ku jiro iyo masuulnimo ayuu u wareystay?

Guuleed ayaa markaas uga sheegay: “ Dhibaatada dhinaca wadada iyo gaadiidka ka haysata, sidoo kale u sheegay in labada isbaaro ee ka horreysa aysan lacagna ka qaadin xanibana, haddaad been naga moodayso waxaad weydiin kartaa darawaliinta ama maleeshiyaadka Canjeex.

Dulxun ayaa cabbaar madaxa xoqxoqdey ka dibna wuxuu yidhi:

“Dhegaysta haddii Canjeex iyo Fargeeto ay billaabeen inay ardeyda lacag la’aan Basaskooda ka dhigaan xanibaadana ka qaadaan, ma anigaa ka liita?! aniguna waa idinka oggolaaday, balse, haddaan oggaado inaad lacag meeshaas ka bixisaan oo aad i gaadaan, ogaada idinka iyo Baskiinaba Hal Baasuko ayaa idinku filan, haddana waa bixi kartaan wixii maanta ka billowda waxaad ku mareysaa bilaash iyo qashqashaad la’aan.

Ardeydii ayaa ku faraxday arrinkaan waana u mahadceliyeen, waxayna yiraahdeen: iyagoo la kaftamaya ayaa diini yiri:

“Tii shaqadana   goormee ka wada hadlaynaa ee lacag xisaabinta?”

Dulxun ayaa intuu qoslay ugu jawaabay: “ Sacabooley lacag rabto, horta iskoolka soo dhameysta hadhoowna ii kaalaya anigaa idin shaqaalaysiin doonee, laakiin si fiican wax u barta, haddii dalka dowlad ka dhalato ayaad wax noo tareysaan, Annagaba duruuftaa nagu qasbaysa maahine, Qori ma qaadaneen”.

Sidaas ayay isku macasalaameen, waxaana halkaas laga gaadhay xal weyn, dhinacii wadada iyo gaadiidka, waxaa sidoo kale hawshoodii shaqo u fududaatay gaadiidleeyda.

 

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN