Hayb iyo Kalgacal Q6AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

quotescover-JPG-19

 

Hayb iyo Kalgacal Q6AAD.

 

Guuleed waxay ku qaaddatay arrintii bil ka badan haddana waxay u egtahay in guushu raacdey Ubax, Guuleed dedaal kuma yaraan, hase yeeshee arrintani waxay noqotey mid ka maajisa wuxuu aad ula yaabay! Marka la dhex joogo Baska   Ugbaad si wanaagsan ayay sheekada uga gurtaa, hadduu agteeda fadhiisto waa soo dhaweysaa, Caafimaadkiisa ayay weydiisaa, wax cilad iyo xumaan ahna ma tusto, balse, markey labadooda oo keliyaata noqdaan waa inkirtaa weliba hadalka u xumeysaa u hanjabtaa, Afka u taagtaa, kana dhigtaa nin gefay iyo erayo ad adag ayay u adeegsataa,   Saacad ka dib haddii Baska la soo raacona maba aha gabadhii haddeer sidaa fashay, ee walaale Guuleed iyo Guuleedoow ayay ku celcelisaa.

Guuleed wuxuu arkay dabeecad iyo geel-la daaq uusan weligii arag, qof marba qaab ula dhaqmaya, kamase quusan inuu maalin walba dooc doociyo waxna weydiiyo.Guuleed wuxuu warbixin ku saabsan dhinaca telefoonka ka sugayey, Farsamayaqaan Khaalid, balse, ayaandarradu waxay ahayd, inuusan Khaalid helin wax shaqo farsamo ama cilad ah oo ka yimid xaafadda ay Ugbaad deganayd, taasoo hadduu iskiis u aaddo keeni karta dhibaato iyo xadgudub, ileeyn qolo weliba waxay ka shaqeysaa meesha loo diray oo keliya.

Guuleed dhawr jeer ayuu ku celceliyey xitaa inuu iskiis usoo baadho sanduuqa xidhiidhiyaha telefoonka xaafaddaas, balse, Khaalid ayaa ka cagga jiiday oo yidhi:“ Duqa telefoonka raadiskiisa ayaa gef ah inaan kuu sheego, haddana ma waxaad rabtaa inaan shaqada ku waayo, waxaan ahay nin qoys dhan u xammaala, ee waa kuu keenayaa Suleeqada ku dhex qaaday telefoonkeeda sug inta laygaga qorayo xaafadooda dulqaadna muuji”

Muddo ka dib waxay arrintii sidaa ahaatoba, Ubaxna ay maalin walba ku digato Guuleed iyadoo leh: “ Haye libaaxa kuuma jeedee, intee ka baxday waxaagu booto iyo boolixoofto waa dhaafi la’ yihiine”

Guuleedna isku difaaco: “ Gabadh aad 7da Jalaad oo Makri ah ku aqrisay miyaad igu eedaysa, haddaad ka madax bannaantahay, mar hore ayaa hawsha geli lahaa oo guusha dhankayga soo mari lahayd, maalin kasta waxaa lay sheegay inaad ku ooydid haygu xumeynin ee ninkaas   meel iga saar”

Ubax oo dhankeeda difaacaysa ayaa ugu warcelisey: “ Wacad eebbe inaanan maalin qudha kula soo qaadin, ee shakiga iska saar, qoftani waa qof adag, weliba haddaad iyada ku guuleeysato waxaa ka dambeeya qoys adag oo aadan mari kareyn, waxaan ogahay ayaan kugula sharatamey”

Maalintii dambe goor galab ayaa waxaa soo wacay Khaalid , Bariido iyo is wareysi ka dib wuxuu yidhi warqad iyo qalin ma haysataa? Arrinkan ayaa aad uga farxiyey Guuleed, balse, Khaalid ayaa Lamberkii u yeedhiyey, wuxuuna u sheegay Afar Lambar keliya isaga oo kala hadhay Labba Lambar.Guuleed ayaa ku warceliyey : “ Duqa Labba Lambar ayaa maqan ee soo baas” Khaalid ayaa qoslay oo yidhi: “ Haddaan Afar ku siiyey ku darso labada kale, haddaad wax jeceshahay waa inaad   maskaxda ka shaqaysiisaa waana la macasalaameyey”

Guuleed ayaa dhawr jeer ku celceliyey Khaalid, balse Khaalid kama qaban ee waa uga dhabeeyey, Guuleed ayaa wuxuu soo qaatay Buug weyn wuxuuna qoray inta jeer ee nomberkaasi is beddeli karo, wuxuu ka billlaabay “00” ilaa uu dhameystirey inta jeer ee uu is beddeli karo, haddana waxaa sugeysa intaas oo number inuu waco oo mid walba weydiiyo xaafadda uu yahay, waa shaqo culus, balse, ka fudud awal meel uu wax u raaco ma haynin.Galab walba wuxuu wacaa Toban xaafadood, maalinba qofbaa ka qabtaa, Maruu dukaan ku dhaco, maruu Bakhaar ku dhaco iyo maruu shirkada lafteeda ku dhaco.

Goor fiid ah ayuu isaga oo xaafadda yimid qaatay telefoonkii guriga wuxuuna billaabay wicitaankiisii, Nasiib wanaag waxaa ka qabatey gabadh aad u qalbi wanaagsan, way soo dhaweysay, ka dib ayuu weydiiyey tafaasiisha xaafada, wuxuu yaqaana magaceeda iyo magaca aabbaheed oo uu jabaq ku maqlay, wuxuuna gabadhii weydiiyey: “ Xaafadii Ugbaad Xasan Mataan miyaa? Gabadhii oo la dhihi jirey Shukri ayaa ugu jawaabtay: “Maya walaal, balse, waan aqaana oo lambarkooda waa laysku kaaya qaldaa ee meesha ugu dambeysa ee eberka ah 90ka ka dhig 91, Guuleed ayaa ku dhawaaday inuu qarxo, haddana farxadii ayuu la wadaagay Shukri oo cabbaar kaftan iyo isbarasho dhexmartay, umase sheegin wuxuu ka rabo iyo cida uu yahay ee dhabta ah.

Habeenkaas ma wicin Lambarkiise wuu haystaa, waxaase is weydiin mudan maxaa lagala kulmi doonaa?Guuleed waagu markuu baryey wuxuu aaday sidii caadada ahayd, Dugsigii waxbarashada, maanta ma hadal badna wuxuu dejinayaa kaartadii ciidan ee uu telefoonka wax kaga dhaadhicin lahaa Ugbaad.Ilaa hadda ma jiro dareen kalgacal oo dhab oo galay Guuleed, sidoo kalena dhinaca Ugbaad warba uma hayso xaalada cakiran ee uu marayo Guuleed. Guuleed wuxuu jabkaas oo dhan u marayaa inaysa ka guuleysan Ubax iyo inuu awoodiisa ninnimo adeegsado kana lib keeno soo xero gelinta Ugbaad.

Ubax waxay ogtahay inuu leeyahay   saaxiibo badan oo gabdho ah, sidoo kale waxay ogtahay inuu yahay Shabeel naagood, waana sababta ay u xujeynayso, waa xaalad dhallinyaro iyo kaftane, Ubax waxay ku faraxsantahay in Guuleed kari waayey inuu gacanta ku dhigo Ugbaad.Arrintan cid war ka haysaa ma jirto aan ahayn labada sharatamey, Guuleed hadda waxaa ka dhaadhacsan inuu gaadhay billowgii guusha, wuxuuna ku hamminayaa haddii uu telefoonka uga sheekeeyo oo arrinkiisa ku soo dhammeysto, inuu hadhoow Ubax indhaheeda wax tuso.

Guuleed wuxuu go’aan ku gaadhay naftiisa keliya ah, inuu ka jibbo keeno Ugbaad soona xero geliyo ilaa ay ka jeclaato oo iyadu soo raadisona uusan ka hadhin, Guuleed waxaa kale oo xiisa gelinayey gabadhan hadba dabeecada cusub kula dhaqmaysa ee marna isu xanaajineysa marna u qosleysa, waa dabeecad ku cusub oo aannu hore u arag, waxaannu iska dhaadhiciyey, gabadhan isla weyn waa inaad ka guul gaadho.

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN